Home » Faallo »

Tacsi: Sh. Ismaaciil Xaaji Cabdi iyo Sh. Xasan Xabeeb

Tacsi: Sh. Ismaaciil Xaaji Cabdi oo saaka June 3, 2012 ku geeriyooday shil gaari isaga oo maraya magaalada Huddisa, kuna sii jeeday Hargeysa iyo Sh. Xasan Cali Maxamed (Sh. Xasan Xabeeb) oo saaka ku geeriyooday xaafadda Shiirgole ee magaalada Muqdisho,


Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaab wassunnah oo ka tacsiyeynaysa geeridii Ismaaciil Xaaji Cabdi

إنا لله وإنا إليه راجعون

“إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى”

Jamaacada Al-ictisaam bil-kitaab wassunnah waxay aad uga tiiraanyaysan tahay geeridii Sh. Ismaaciil Xaaji Cabdi oo saaka ku geeriyooday shil gaari isaga oo maraya magaalada Huddisa, kuna sii jeeday Hargeysa, waxayna jamaacadu tacsi u diraysaa qoyskiisii, eheladiisii, asxaabtiisii, rugta ganacsiga S/land oo uu guddoomiye u ahaa iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka wada geeriyoodayba. Jamaacadu waxay Ilaahay ka baryaysaa inuu Ismaaciil u dambi dhaafo, cadaabtana ka xoreeyo, uuna isugu daro jannadiisa iyo raallinimadiisa.

Waxay kale oo Jamaacada Al-ictisaam Ilaahay uga baryaysaa intii uu ka tagay inuu xifdiyo gadaashiisa, uuna siiyo sabar iyo badal khayr qaba.

Sh. Axmed C/samad
Gudd. Golaha Fulinta Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaab wassunnah
Muqdisho – Somalia


Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaab wassunnah oo ka tacsiyeynaysa geeridii Sh. Xasan Cali Maxamed

إنا لله وإنا إليه راجعون

“إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى”

Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi wassunnah waxay aad uga tiiraanyaysan tahay geeridii Sh. Xasan Cali Maxamed (Sh. Xasan Xabeeb) oo saaka ku geeriyooday xaafadda Shiirgole ee magaalada Muqdisho, waxayna tacsi u diraysaa qoyskiisii, eheladiisii, ardaydiisii, asxaabtiisii, iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka wada geeriyooday. Jamaacadu waxay Ilaahay ka baryaysaa inuu Sheekha u dambi dhaafo, jannada Firdowsna geeyo, intii Sheekhu ka tagayna inuu xifdiyo adduun iyo aakhiraba, uuna siiyo sabar iyo badal khayr qaba.

Sheekha oo ka mid ahaa culumada ka faafisa dalkeena dacwada iyo tacliinta sharciga ah geeridiisu waxay bannaysay furin weyn oo uu ku aaddanaa; sidaa darteed waxaa la gudboon culumada, ducaadda iyo ardaydii sheekha inay labanlaabaan dadaalkooda iyo iskaashigooda si ay u buuxiyaan kaalintii Sheekha (Alle ha u naxariistee).

Sh. Axmed C/samad
Gudd. Golaha Fulinta Jamaacada Al-ictisaam bil-kitaab wassunnah
Muqdisho – Somalia
alwaqaar@hotmail.com

TACSI: 

Mahad oo dhan Ilaahay ayey u sugnaatay Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigeenna korkiisa ha ahaato,

Waxaa saaka isoo gaarey geerida laba nin oo dacwada Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeedba wax tar u ahaa, waa sh. xasan Xabeeb iyo Ismaaciil Xaaji Cabdi, oo midna xamar ku geeriyoodey midna shil tuulada huddiso ka dhacay. Innaa Lilaahi wa Inaa ileyhi Raajicuun, labadaba Ilaahay waxaan uga baryayaa ilaahay inuu u naxariisto janadiisana geliyo dembigoodana dhaafo, qabriga u waasiciyo, wixii wanaag ay sameeyeenna kan ugu fiican ugu abaal gudo, wixii dembiyana ka dhoqo. eheladii ay ka tageenna ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo.

Waa geeri naxdin leh,laakiin sunnada ilaahay ayey ku noqotay ineynu dhamaanteen wadadaas geerida hayno, qof walbaana maalin adduunyada ka tegayo, ilaahay waxaan weydiisaneynaa inuu khaatumada noo hagaajiyo.

Qore: Sh. Maxamed Idiris.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.