Home » Announcements »

Natiijooyinka Ciyaarihii ugu Dambeeyay Tartanka Soomaalida Jeddah

Ciyaaro ka tirsanaa Tartanka Koobka Horyaalka Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxaa isaga hor yimid Kooxaha kala ah: Jubba Airways VS Midnimo sidoo kale waxaa wada kulmey kooxaha Sharbatle Ajax iyo Xiddigaha Kakane .

Hadii aan ku horeyno ciyaartii dhexmartey kooxaha Jubba Airways iyo Kooxda Midnimo . Ciyaartaasoo ciyaar adag oo ilgaar ah lagu eegaayey waayo waxey wax weji gooni u yeeli laheyd Guruubka “ B “ waayo labada kooxood waxey rajo wanaagsan ka qabaan usoo bixitaanka Wareega 8aad

inkastoo group kan lagu magacaabey groupka Dhimashada waxey waxaa kuwada jira kooxo miisaan weyn leh . ilaa hadana aan la saadaalin Karin kooxaha usoo baxaya wareega 8aad ee tartankan . waxba yaanan ku dheeraanine waxey laba kooxoodba lasoo shirtageen Ciyaar wanaag soo jiidatey dadweynihii usoo daawashada tagey ,

waxey ciyaarta socotaba qeybtii hore labada kooxood wax goolal ah ma aysan dhalin .
markii leysugu soo laabtey qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Kooxda Jubba Airways wax ka bedeshay ciyaarteeda waxeyna la soo baxdey ciyaar wanaagii lagu yiqiin kooxda iyadoo ciyaarta ka dhiman tahay 15 daqiiqadood ayaa kooxda jubba Airways jihada ka wareeriyeen kooxda Midnimo oo waxaad la moodey inay ugu talagaleen waqtigaasi inay farsamada ciyaarta bedelaan, ayaa kooxda Midnimo aakhiritaankii isku dhaceen ciyaartodooda ka dib markey u adkeysan waayeen weerarada qorsheysnaa ee kooxda jubba Aiways ayey isaga baxeen garoonka sidaasina ay Kooxda Jubba Airways dhibcihii kula hoyatey .

waxaa ciyaartaasi ka muuqdey Ciyaaryahan Aweys Madaxey oo labadii ciyaarood ee hore ganaax ugu maqnaa shaleytana uu islahaa bal raaligeli bahweynta isboorti lana soo baxey farsamo iyo xeelado aan horey loogu baran .
Ciyaartii labaad ayaa iyana waxaa fooda is darey Kooxaha Sharbatle Ajax iyo Kooxda Xiddigaha Kakane

Ciyaartaasi waxey aheyd mid la saadaalin karey waayo kooxda Xiddigaha Kakane waxaa ka maqnaa ciyaaryahano .
Bilow ciyaarta waxey labada kooxoodba kusoo bandhigeen Ciyaar wanaag iyo Farsamo wanaagsan . iyagoo Guddoomiye C/naasir iyo Tababare Maxamed xasan ay ciyaartaasi soo safeen ciyaaryahandii ugu tayada wanaagsanaa kooxda Sharbatle Ajax soona bandhigeen ciyaarihii lagu yaqiin waxaana usuurto gashey inay kooxda Sharbatle Ajax 5 – 1 kaga badiyaan kooxda Xidigaha Kakane .

Waxaan ciyaaryahana sida gaarka ugu Muuqdey kooxda Xiddigaha Sharbatle Ajax ka mid ahaa Gool haye Saalim, Bishaar. Xamsa, C/qaadir, iyo ciyaaryahanada kale oo aanan ka liidin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.