Home » Warar »

Baaqii Gabogabada Shirka Golaha Imaamyada Soomaalida Waqooyiga America ee Sanadka 2012ka

الرحمن الرحيما الله بسم

Minneapolis, Minnesota

Ilaahay ayaan ku mahadinaynaa nagu guuleeyey guul inuu ku soo dhamaaday shirkii 11aad ee golaha imaamyada waqooyiga America oo sanadkan lagu qabtay Masjidk Abubakar As-saddique ee magaalada Minneapolis Minnesota.

Goluhu wuxuu u dardaarmayaa jaaliyaadka muslimka ee Soomaaliyeed ee dibadda iney diintooda qabsadaan

masaajidda iyo imaamyada iyo ducaadda iyo qof kastoo wax garad ah waxaa ilaahay hortiisa ka saaran xil dadka dibadaha ku daadsan.

dadka waxaan ugu yeereynaa iney kusoo xirmaan maraakista iyo culimada si ay diintooda u badbaadsadaan, maraakistana xubna fir fircoon ka noqdaan.

Dacwada Islaamka iyo fidinteedu waa xil saaran qof kasta oo Muslim ah, loogana baahanyahay inuu si daacadnimo iyo hawlkarnimo ah u guto.

Muslimiinta guud ahaan waxaan ugu yeereynaa midnimo iyo iney xarigga Ilaahay wada qabsadaan si ay liibaan adduun iyo aakhiro u gaaraan.

Waxaan Muslimiinta Guud ahaan, Gaar ahaanna ummadda Soomaaliyeed uga digeynaa khatarta iyo cirib xumada ay leedahay khilaafka iyo kala qaybsanaanta, heer kasta iyo qola kastaba ha noqotee.

Ummadda Soomaaliyeed Distuurkeedu waa Shareecada Islaamka oo waqti kasta iyo meel kastaba ku habboon, liibaan iyo horumar, cizi iyo sharafna lagu gaaraayo.

Distuur kasta oo meel aan iyada ahayn laga keenayna waa halaag iyo cirib xumo
Culimada Soomaaliyeed xil weyn ayaa ka saaraan diinta iyo dalka iyo badbaadintooda. Waxaana looga baahanyahay iney xilkooda si geesi nima leh u gutaan, meelna uga soo wada jeestaan ka hortagga khataraha kala duwan ee ku socda.

Ummadda Soomaaliyeed wexey u baahantahay 20 sano oo burbura ka dib, Dawlad ku dhisan shareecada islaamka, kala dambeeyn soona celisa amaanka.

Waxaan ugu yeereeynaa dadka isku hayo soomaaliya in ay heshiiyaan si ay u dhamaato faragelinta shisheeye iyo colaadu.

Waxaan ugu yeeraynaa dowladaha dariska ah sida Ethiopia iyo Kenya inay faraha kala baxaan arimaha dalka soomaaliya, umada Soomaaliyeedna loo daayo inay ka tashadaan danahooda.

Ururka al shabaab waxaan u soo jeedineeynaa in ay u soo noqdaan manhajka toosan iyo culimadadooda si looga wada shaqeeyo xaqiijinta manhajka alle, loona dabo qabto inta ka hadhay umadii Soomaaliyeed.

waxaan uga digeeynaa wiilasha,gabdhaha iyo da’yarta dibadda iyo gudaha joogo in ay ku kadsoomaan dacaayadda shabaab oo aan la daadin dhiig xaaraan ah .sidoo kale ururka la baxay ahlu-suna wal jamaaca waxaan ugu baaqaynaa inay joojiyaan kana waan toobaan,xad gudub yada ka dhanka ah diinta iyo ehelkeeda

Waxaan ugu dardaarmaynaa jaaliyadaha dibada in qoysku yahay laf dhabarta bulshada lana doonayo in laga ilaaliyo khilaafka iyo burburka si loo barbaariyo ubad suuban oo fayow.

ugu dambeeyn waxaan ugu baaqeeynaa doowladda mareeykanka in ay joojiso dhibaatada iyo midabtakoorka iyo dabagalka xaqdarrada ah ee lagu hayo muslimiinta mareeykanka.

Golaha Imaamyada Waqooyiga America

1433 East Franklin Ave Suite #5B. P.O.Box 141507 Minneapolis, MN 55414
Tell: 612-874-0665 Fax: 612-874-0671.email: somimams@yahoo.com

May 27th, 2012

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Baaqii Gabogabada Shirka Golaha Imaamyada Soomaalida Waqooyiga America ee Sanadka 2012ka "

  1. Gacaliye says:

    XAQIIQATAN Afkaaga caana lugu qabay.

    Dadka nimankaa miciinka moodaya ma oga nimankani inay takfiir shan daqiiqo dhiman yihiin.
    Culumadooda sida almaqdasi, iyo ragga la midka ah way ku gaalnimo xugmiyeen sheekh Cuthaimeen iyo Sheekh Ibnu Baaz. Ninkii labadaas caalim iyo Albani iyo ragga lamidka ah culumo u yihiinoow ogow Alshabab culumadoodu inaysan ahayn sheekh Ibnu Baaz, Cuthaimeen, iyo Albani ayna u arkaan culumada suldaanka ama dawladda.
    Ikhwani fikirka Qaacidiga ah waa fikir daa’ish ah oo meelna aan haysanin, cadawna ma celshaan, muslimna uma turaan. Guul darro, xigmad xumo, gaalaysiin, dhac iyo boob sabab looga dhigtay islamkaa lugu taagerayaa, iyo musiibooyin Islamku bari ka yahay ayay ku caan bexeen. run ahaantii nimankan dadku ma yaqaannnaan waana noo dhuunteen, waxayna afduubeen dacwadii saxiixa ahayd, hadafkii nabiilka ahaa, qadiyaddii caadiladda ahayd ee shacabka soomaaliyeed. Waxay god ku rideen isku xukunka shareecada, waxayna u fududeeyeen gaalada iyo calmaaniyiinta fogaynta shareeecada waayo shabab waxay shareecada u turjumeen sidii ay gaaladu rabeen oo ahayd naxariis darro, fudayd, dag dag, hubsiino la’aan, cudurdaan la’aan, mayal adayg iyo gar qaadasho la’aan, xiwaar la’aan iyo is qancin la’aan. Waana sidaas sida ay gaaladu rabeen inay u sawiraan isku xukunka shareecada Islaamka.
    Marka nimanka shababka isku sheegay ma hadaf gaalo ayay xaqiijiyeen mise mid Muslim? adiguba issu jawaab

  2. Xaqiiqatan says:

    ASCW
    Waxaan aad ula yaabanahay hadallada Diiriye iyo Guuleed.

    Waxaan waydiin lahaa. Horta gaalada yaa keenay?
    Yaa wadanka cadawga u loogay? yaa laayay ardayda, culumada, iyo biri magaydada? yaa culumo iyo caamaba ku gaalnimo xugmiyay. yaa sababay Etoobiya oo la cayrsaday inay si sahlan kusoo noqoto? Yaa qarxiyay jaamadaha, schoollada, haweenka qashinka xaaqaayay? yaa keenay Suufiya oo bari hore dhimatay mawlacyadoodiina cildoobeen inay hub iyo ciidan xooggan lasoo baxdo? Yaa diinta kaga turjumo cunfi, jaahilnimo, takfiirin, tashaddud aan meeshiisii lahayn, iyo dag dag iyo surco aan xikmad ku jirin? Waxaasoo dhan waa Alshabab. Ayakaa hoday waddanka. Qofkii u malaynaya nimankaasi inay waddan iyo diin difaacayaan ma yaqaanno nimankaas ama waa ayakoo kale. Waxaan walaalaha ku baraarujinayaa in Alshabab ay rabaan in ciidamada sheesheeye ay waddanka joogaan kuna soo battaan.
    ninkaan taas fahamsanaynna mayaqanno nimankaas.

  3. guuleed says:

    subxaana allaah
    waxaan aad ula yaabanahay sababta kaliftay in culimdaas waqooyiga america ay ka hadlayaan durayaana rag naftoodii iyo maalkoodiiba u huray badbaadinta umadda soomaaliyeed iyo diintooda islaamka isla markaasna aysan ka hadlayn ragga gaalada soo raacay ee wadankii muslimiinta u gacan geliyay gaalo, miyaysan iyagu dhiig muslim daadin miyuusan dhiiga shabaab ka iyo cirdigoodu u dhawrsanayn sida dad ka kale ee muslimiinta ah ee aad ka hadlaysaan miyaan kismaayada la duqaynayo iyo dhamaan goobaha ay qabsadeen gaalada ee xitaa xad gudub yada ka dhacaya gaaladu sheegtay miyaysan dad muslimiin ahi ku noolayn subaax allaah waxaan leeyahay nimankaas ilaahay usoo noqda oo dareema dhibka dadkiina haysta dareema in gaalo wadankii qaybsatay oo ku heshiisay ogaadana masuuliyada ugu saraysa idinka ayay idin saarantahy waayo waxaad sheegateen inaad tihiin kuwii dhaxlay rasulka scw

  4. diiriye says:

    SC WR WB.Salaan kadib markii aan akhriyey baaqa ka soo baxey golaha imaamyada, waxaa ii soo baxey wax aan layaabo taas oo ah,waxaad moodaa golahu in uu yahey kuwa aan la socon xaalada dhabtaa ee maanta ka jirta wadankeena,wadankii oo lagu soo duuley oo la isku baheystey in la qabsado ayey baaq u keediyeen wadamada hogaaminya duulaanka sida ITOOBIYA iyo KEENYA.

    Waxaase ka sii yaabbadan soomalidii u istaagtey in ey difaacdo kuna guuleystey iyagoo ilaah kaashanya eyey dureen.oo ey leeyihiin soo laabta oo hubka dhiga

    Waaa yaabka yaabkiise goormey anaga iyo ITOOBIYA iyo KEENYA naga dhaxeysey in aan baaq isku dirno oo dhahno na daaya bal taariikhda dib u milicsada laga soo bilaabo MUJAAHIDKII AXMED GUREY ku xiji SAYIDKII ku xiji dagaalikii 1964 ku xiji kii 1977.

    Ugudanbeentii waxaan lee yahey oo is weydiinayaa baaqaan uu golahu soo jeediyey soomalida dagan waqoowiga Ameerika ma la qabaan?

  5. Cabdiboqor says:

    Allaah wanaagaas ha idinka wada Abaal mariyo cullimadeenii Soomaaliyeedeey. Culimada soomaaliyeed meel kasta wey joogtaa, inkastoo fardi ahaan Diinta Islaamka eey u faafinayaan, waxaan dareemayaa Imaamyadan in kaalin firfircoon oo dheeri ah iyo Midnimo in eey la yimaadeen, iyo Xil gaar ah iska saarida Ummadoodan Soomaaliyeed ee haligmeeysa,i yo waliba Diintooda weerarka lagu yahay. Waxaan rajeynayaa in Culimada kale ee Yurub, Carabaha, Qaarada Africa, iyo wadamada kale ee Aisia, in eey ku daydaan, xilka Ummadooda ka saaranna gutaan. Allaah Ummadeena cizigeedii iyo sharagteedii ha usoo celiyo, Nabad iyo naruuro degdeg ahna Allaha inaga wada siiyo, Aamiin Yaa Rabbi!!!