Home » Warar »

Xusni Mubaarak oo Xabsi Daa’im Lagu Xakumay

Qaahira: Madaxweynahii hore ee dalka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak, ayaa maxkamad ku taal dalka Masar waxay ku xukuntay xabsi daa’im ama madaxaagu haku furto.

Da’diisu hadda waa 84 jir.

Xusni Mubaarak ayaa lagu eedeeyey in uu amar ku bixiyey dilkii loo geystey dad mudahaarad u dhigayey si nabad gelyo ah oo ay kaga soo horjeedeen xukunkiisa.

Markii uu qaadigu ku dhawaqay xukunka xabsi daa’imka ayaa durbadiida waxaa bilowday in shacabka reer Masar ay ku dhawaqayaan “xunkaasi waa khafiis, waxaan dooneynaa in dil lagu xakumo.” Waxayna isugu soo baxeen fagaaraha loo yaqaan “Barxadda Taxriir”.

Xusni Mubaarak waxa uu madaxweyne ka noqday dalka Masar kaddib markii 6-dii October 1981 ay koox hubaysani meel fagaare ah ku dileen madaxweynahii ka horeeyey ee Anwar Saadaat.

Xusni Mubaar afar jeer ayaa loo doortay madaxweyne sidaasna uu xukunka dalkaas hayey intii u dhaxaysay 14 October 1981 ilaa 11 February 2011, markaas oo uu xilka ka degey markii uu istaagi waayey mudaharaadkii ay shacabka rer Masar kaga soo horjeedeen xukunkiisa.

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.