Home » Faallo »

Ilaasho diintaada | Sh. C/qaadir Dalmar


حديث أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم: مَا مِنْ مَوْلُودٍ إِلاَّ يُولَدُ عَلَى الْفِطْرَةِ فَأَبَوَاهُ يُهَوِّدَانِهِ أَوْ يُنَصِّرَانِهِ أَوْ يُمَجِّسَانِهِ

Nabigu waxuu yiri qofkasta oo dhasha waxuu ku dhalan fitradda islaamka ,labadii dhalay baa ka dhigin yahuudi ama nasraani ama majuusi.

Adduunyadu waa imtixaan, adiga oo ribix iyo faa’iido raadinaya ra’samaalka baa kaa guban kara, oo islaannimadaadii baad ku waa yin. Mar hadii la yimid wadamada reer galbeedka oo saldhigna u ah kaniisad wax badsana loo yimid (aduunyo) talada laguma darsan in  ubad badan lagaaleysiinayo.

Waxay kaniisadu ku kharash gareysa lacag badan Afrikanka muslimka ah sidey u gaaloobi lahaa yeen,dadaalkaas badan oo ay bixinayaan waxay ku guuleysteen in wadamo badan ay ka helaan tirro badan,hasa yeeshee wadanka Soomaaliya uma suuro galin iney helaan tiradaas,fadligaas ilaahey kadib waxaa jiray culimo iyo dowlad u ilaalin jirtay xuduuda,waxaase Alle qadaray in shacabkii Soomaliyeed gaaro si habqan ah daafaha dacalada dunida taas oo fursad u siisay gaaladii in ay ugaar sadaan shacabka maatada ah ee soomaaliyeed sida dumarka,ciyaalka iwm.

Waxaa lagu daabacay luuqada soomaaliga Bible ka,waxay xoog badan iyo dhaqaalaba ku bixiyeen sidii dadka Soomaliyeed looga heli lahaa qaar gaalooba,hadaba si ay u soojiitan dadka waxay Biblka u ekey siiyeen(ama u galiyeen) jaldiga Quranka oo kale.

Hadaba maxay ugu yeeraan dadka?

Inta badan waxay kala hadlaan Nabi ciise iyagoo wax yaalo khuraa- faad ah ka sheegay,waxaa loobaahanyahay in waalidku feejignaado awlaadana la baro diin tooda gaar ahaan arkaanta iimanka iyo arkaanta islaamka.

Nabi ciise waa adoon alle mana ka santaagin marnaba adoonimadiisa,waxuu dhashay aabe la aan,saas oo kale waxaa alle abuuray Nabi aadan waalid la,aan,Alle wax kasta waa awoodaa,

Adoon alle weeye Nabi Ciise,ma ahan sida ay gaaladu ku sheegto in uu yahay wiilkii alle.

Nabiyulahi  ciise waxuu ugu yeeri jiray yuhuda sida rususha kale in ay Alle kaliya caabudaan shareecadiisana ilaa liyaan,waxuu nabigu baari u ahaa waalidkiisa sida quranku ka waramay taasina waxay kutusin in gaaladu ku been abuurteen markii ay dhaheen hooyadiis ma jecleyn.

Waxaa loo soodiray in uu diinta gaarsiiyo reer banu isra,iil(yahud) sidoo kale in uu ugu bishaareeyo Nabiga iman doona waa nabi Mohamed(صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم)

Waxaa alle soodiray oo ah rasuulkii ugu danbeeyey Nabiyulahi Mohamed (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) kitaabka Quranka ah ayaa alle la sodiray waana diinta saxda ah loona baahanyahay in labarto lana baro oo loogudbiyo dadka aan muslimka ahayn si looga badbaadiyo naarta ay ku socdaan.

Nabi Maxamed (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) waxaa loo soo diray caalamka oo dhan jin iyo insiba.

Gunaanad iyo gabogabo

In gaaladu fidinayso diinta kirishtanka, in ay geed dheer iyo geed gaaban u fuushay in Somalida qaar lagahelo, in ay luuqada Soomaliga ku tur jumeen buugaag badan, in sida ugu fiican ee looga hortagi karo ay tahay in la baro ubadka diintooda toosan ee islaamka.Allow nagu dil islaamnimada noona ilaali dhalinta iyo dhalaankaba.

Qore: Sh. C/qaadir Dalmar

akdalmar@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Ilaasho diintaada | Sh. C/qaadir Dalmar "

  1. Faqrudiin says:

    Acw walalayaan.
    salaan kadib shiekha aad ayan ugu mahadcelinayaa waxaana leeyahay ilaahey misaankaaga aakhiro ha kuusaaro, dadaalkan aad sameysay.

    kadib waxan ugu baaqaa in culumada somaaliyeed ee u istaagan sidii umadan haboobga kusii soocota loobadbaadin lahaa, walahi somalida dibada aday inteeda caamada ah aad ayey gaaladu tashwiish ugaliyeen, waxan kacodsan lahaa culumadeena in ay badiyaan qoraalada nuucan ookale ah oo labaro dadka quraafaadka gaalada iyo adyaanta kale ee badilka ah quraafaadkooda, kahor inta qofka gaal ku aqrin quraafaadka, si uu isga ilaaliyo shartooda, mahadsanidiin.

  2. anas says:

    ascww. shiikhow waad ku mahadsantahay qaylo dhaanta qoysas badan oo kalatagay baau sabab ah

  3. Saciid Shire says:

    Sh. Dalmar, Jazakalahu Kheyr, Waxaad ummadda ku baraarujisay arrin muhiim ah oo dad yari ku baraarugsan yihiin.