Home » Warar »

Shiikh Shariif oo ka badbaadey Weerar ay ku qaadeen AlShabaab iyo Kismaayo oo ay Duqeeyeen Maraakiibta Militariga Kenya

Waxaa weerarka ku dhaawacmay 7 qof oo uu ku jiro Afhayeenka Ururka Ahlusuna.. Waxaana ku dhintay askari kamid ah ilaalada Sheikh Shariif…

Iyo Maraakiibta Militariga Kenya oo duqeeyey Magaalada Dekeda Kismaayo…

Warbixin: Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Axmed ayaa Talaadadii May 29, 2012 waxa uu ka badbaadey weerar ay koox hubaysani jidka u galeen isagoo marayey agagaarka meesha loo yaqaan Calamada iyo ceelasha biyaha ee degaanka barakacayaasha oo qiyaastii 15 km galbeedka ka xigta Muqdisho isagoo ka soo laabtay booqasho uu ku tegey degmada Afgooye.

Wararka ugu horeeya oo ka soo baxay weerarkaa u sheegtay in aan waxba soo gaarin Sheikh Shariif laakiin mid ka mid ah illadiisa uu ku dhintay weerarkaas, waxaana ku dhaawacmay toddoba qof oo kale.

Weerarkaas oo ka dhacay meel u dhaxaysa Calamada iyo Ceelasha biyaha kadib markii koox hubaysani ay jidka u galeen, waxaana Sheikh Shariif waftigaas ku weheliyey siihayaha xilka ra’iisul Wasaaraha DFKMG iyo Taliye ka tirsan AMISOM iyo xildhibaano.

Barta weerarku ka dhacay waa meeshii uu markii hore ee uu ku sii jeedey Afgooyey uu ku sii hakaday subaxnimadii, dadkana kula hadlay.

Markii waftigaasi ay soo laabteen ayaa hal mar rasaastu is qabsatay, markaas ayaa ilaaladii la socotey Sheikh Shariif iyo ciidamadii AMISOM ay ayaguna dhankooda ka fureen rasaas xoog badan, halkaasna la isku weydaarsadey hubka. Waftigii madaxweynaha DFKMG waxa uu halkaas ka gudbey rasaasta oo weli socotey.

Waxaa dhaawaca ka mid ah Maxamed Xuseen Awliyo oo ah Afhayeenka Ururka Ahlusuna, dhaawaciisa oo ah mid fudud.

Waftigii Shariif waxay gaareen xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Magaalada Dekeda Kismaayo oo la duqeeyey

Dhanka kale wararka ka imanaya Kismaayo ayaa sheegaya in Marakiibta dagaalka ee ay leedahay Kenya uu duqeeyeen magaalada dekeda Kismaayo.

Afhayeen u hadlay Militariga Kenya Cyrus Oguna ayaa warbaahinta u sheegay in laba markab oo Kenya ay rasaasta fureen kaddib markii iyaga ay Al Shabaab soo weerareen.

Waxaana warku sheegay in madaafiicdii maraakiibtu tuurayeen mid kamid ah uu ku dhacay guri uuna ku dhaawacmay canug yar.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.