Home » Faallo »

Jaalliyadaha Soomaalida oo kor u qaadaya Codkood Shirka Istanbuul

Qoraalka oo faahfaahsan ka akhri halkan

Taalado 29da May 2012

 

Ayadoo laga ambaqaadayo shirkii London ee bishii February ee sanadkan oo looga arrinsanayay¬† Soomaaliya ¬†ayaa garwadeenada (Jiliyaasha) dhinaca siyaasadda iyo ururada bulshada¬† ee xilligan waxay ku shirayaan¬† mar labaad¬† Istanbuul¬† si¬† ay diiradda u saaraan ‚ÄúDiyaarinta Mustaqbalka Soomaaliya ‚ÄĚ (Pre paring¬† for Somali‚Äôs Future).

Hayadaha  samafalka  Soomaaliya ayaa kulmay  si ay ugu gudbiyaan talo bixin ku haboon shirka ka dhacahaya Istanbuul , Turkey 31da May iyo 1da June 2012.  Ururka  loo yaqaan Somali Humanitarian Operational  Consortium (SHOC) ayaa waxuu  ku marti galiyay Soomaaliya hayado kor u dhaafi ilaa 60 oo  Soomaali ah kuna  howlan samafalada (NGOs) si ay uga wada xaajoodaan  mustaqbalka Soomaaliya waxayna ku heshiiyeen in ay  yeeshaan hal cod oo matala magaca Soomaalida halkaas cod oo ay ku  hor fariisanayaan qeybaha kale ee la wadaaga wax ka qabadka  baahida soomaalida.

Talo bixintaan hoos ku qeexan¬† waa war murtiyeedkii ka soo baxay¬† oo caddeynaya mowqifka mideysan ee hayadaha¬† ka badan 60ka oo samafalka ka shaqeeya isuguna jira kuwa dalka gudihiisa ku sugan iyo kuwo¬† qurbajoog ah. Waxaa sidoo kale la wadaaga mowqifkaas dalladda ¬†‚ÄúSomali Relief and Development Forum (SRDF)‚ÄĚ oo ayadana doorkeeda¬† martigalisay 15kii May ee 2012 hayado dhan¬† 22 ¬†oo ¬†Soomaali ah Boqortooyadda¬† Midowday (UK) ay xurun u tahay kuwaas oo si qoto dheer u darsay go‚Äôaamada ka soo bixi kara shirka Istanbuul.

Hadda  guud ahaan tala bixitii ka soo baxday waa sida soo socota:

  • Dhammaan qeybaha ay khuseysa arrimaha Soomaaliya waa in ay ka guuraan dhaqanka ah in un laga jawaabo dhibaatoyinka ayna u jeestaan dhinaca ah ka hortagga.¬† Isbebelkaas waxaa lagu gaari karaa oo kaliya marka la maalgaliyo bulshada ka soo kabaneysa dhibaatadii ku habsatay ayadoo loo abuurahayo ururo iskaashato.
  • Dadaalada¬† loogu jiro nabad ka dhalinta SOomaliya iyo dib u heshiisiinta waa in ay¬† ku saleysan tahay talana ay ku leeyihiin dadka deegaanka¬† waana in ay ka turjuntaa¬† qaabka dib u heshiisiinta ay Soomaalidu¬† u aragto in ku haboon yahay¬† sida in uu yahay mid loo dhan yahay kuna saleysan talooyinka¬† dadka¬† deegaanka
  • Baqdin la‚Äôaanta joogtada ah oo ay keentay shacri la‚Äôaanta iyo xadgudbka xuquuqda banii‚Äôaadamka iyo sharciyada xuquuqul insaanka ee caalamiga ah waa in aysan sii socon. Anaku aragtideenu waxay tahay¬† haddii aan lagu guuleysan maanta In loo howl galin¬† qaab dhismeed haboon oo lagu ilaalinayo xuquuqda¬† insaanka in taasi ay sii kordhineyso dhaqanka ah sharciga oon laga danbeyn iyo cadaalad darro.
  • Hab cilmiyeed farsameysan oo si buuxda ay ugu qeyb qaadanayaan bulshada loo adeegayo, Ururada bulshada rayidka ah ee Somaliya (SCSO‚Äôs) iyo¬† hayadaha aan dowliga ahayn ¬†marka la qorsheynayo howlaha la xiriira samafalka iyo horumarinta waa in la xaqiijyaa in ay joogaan dad soomaaliyeed oo matala una taagan danaha Soomaalida laga biloobo wajiga hore ee qorsheynta ilaa heerka oogu sareeya ee go‚Äôaan qaadashada, taasi waxay ku imaan kartaa in kor loo qaado¬† awooda ururada rayidka ah ee bulshada (SCSO),¬† ayadoo la siinaayo tababaro¬† gacanna laga siinayo howlaha farsamo.
  • Dib u dhiska kaabayaasha waxbarasho waxaa ay leedahay mudnaanteeda koowaad, taas oo lagu xiriirinayo baahida bulshada deegaanka iyo helidda hababka cusub ee loo fuliyo adeega waxbarashada. Dugsiyada guur guura (mobile schools) ee la socda dadka reer guuraaga ah waxay gaarsiineysaa¬† Soomaalida¬† ujeedooyinka horumarineed ee la higsanayo in la gaaro bilowga kun buuxdada ‚ÄúMillennium development goal (MDG)‚ÄĚ iyo¬† in la helo¬† iskaashi hayado gaar ahaaneed oo bixiya deeq waxbarashada sare¬† taas oo xoojin tayada nolosha,¬† xaqiijinna helitaanka fursado deeq waxbarasho lagu siinayo dhalinyarada la liido oo ka soo jeeda qoysas dan yar ah.

Dhammaad

Qoraalka oo faahfaahsan ka akhri halkan

 

Dalladda loo yaqaan “Somali Relief and Development Forum (SRDF), waxay ka diinwaangashan tahay Boqotooyada  Midowday (UK)  waxayna saldhig u tahay oo XIBNAHEEDA ka mid ah hayado waaweyn oo Somali ah waxayna  ka shaqeysaa gargaarka iyo horumarinta bulshada Geeska Africa.

Ururka loo yaqaan ‚ÄúSomali Humanitarian Operational Consortium (SHOC)‚ÄĚ waa urur ka diinwaan gashan Soomaaliya¬† isku xira hayadaha aan dowliga ahayn ee Soomaaliya oo kor u dhaafaya ilaa 60 hayadood oo inta badan isaga yimid gobolada dhexe ilaa koofurta hoose ee Soomaaliya. SHOC waxaaa taageera seddexda hayadood ee kala ah ‚ÄúSomali Relief and Development Forum (SRDF)‚ÄĚ, ‚ÄúMuslim Charities Forum (MCF)‚ÄĚ iyo ‚ÄúThe Humanitarian Forum (THF)‚ÄĚ

 

La xariir

Hanan Bihi, Somali Relief and Development Forum

0207 845 7610 – Hanan.bihi@srdf.org.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.