Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo oo Talaadadii soo gaaray magaalada Istanbul

Istanbul, May 29, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe soo gaaray magaalada Istanbul ee caasimadda labaad ee dalka Turkiga halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale safarkiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Maxamed Xuseen Jaahweyn, Wasiir kuxigeenka gaadiidka Cirka, Dhulka Badda iyo dekeddaha Mudane C/raxmaan Dheere iyo sidoo kale marwada R.wasaaraha Drs. Hodan Ciise.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinay wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. Augustine Mahiga.

Ra’iisul Wasaare Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey madax ka tirsan dowladda Turkiga, Siihayaha safaaradda Soomaaliya Amb. Nuur Sheekh Cali Xaamud, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Kamalutin Kani Turum, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/xakiin Cige Guuled, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Istanbul Mudane Maxamed Xoosh iyo xubno kale kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dejiyay Hotelka Caalamiga ah ee Conrad halkaasoo uu horay u sii deganaa guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan oo haatan howlo shaqo u jooga magaalada Ankara ee caasimadda dalkan.

Dhinaca kale, madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maalinta berri ah May 30, 2012 uu soo gaaro magaalada Istanbul si ay uga wada qeybgalaan madaxdu shirka dhowaan ka furmaya Istanbul ee caalamiga ah kaasoo diirada lagu saari doono arrimaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina shirkii odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka uga soconayay Hotelka Dedeman ee magaalada Istanbul ayaa galay maalintiisii saddexaad iyada oo weli ay u shirayaan afar kooxood oo ka hadlaya Siyaasada, Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada iyo Amniga, waxaana la filayaa in shirkan maalinta berri ah la soo gabagabeeyo si loogu gudbo wejiga labaad ee shirka ee madaxda dowladda iyo beesha Caalamka.

Garaad Salaad Xirsi

Istanbul, Ankara

garaadadde@gmail.com


Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.