Home » Warar »

Puntland oo Ka Laabatay Qaadacaaddii Shirka Istanbuul

Wararka ka imanaya magaalada Adis Ababa ayaa sheegay in Puntland ay ka laabatay qaadacaadiii shirka Soomaalida loogu qabanayo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo ku sugan magaalada Adis Ababa ayaa warar ku dhaw waxaa laga soo xigtey in uu wadahaadal la galay dawladda Turkiga iyo DFKMG. Waxaana wararku tibaaxeen in Turkigu uu Puntland ka aqbalay cabashooyinkii ay hore u soo jeediyeen.

Waxaana isla maanta magaalada Garoowe ka dhoofay qaar kamid ah odayaasha Dhaqanka oo kasocda Puntland ayagoo kusii jeeda Istanbuul.

May 27, 2012 ayey ahayd markii ay magaalada Adis Ababa warsaxaafadeed wada jir ah ka soosaareen Puntland iyo Galmudug ay ku sheegeen in ay qaadaceen shirka Istanbuul.

Sidoo kale May 29, 2012 ayaa qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Puntland ay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Garoowe ay ku dhaliileen shirka Istanbuul.

Weli ma jiro war ka soo baxay Galmudug in ay kalaabteen qaadacaadii shirka Istanbuul.

Warbixintii hore hoos ka akhri:

May 27, 2012: Puntland iyo Galmudug oo Qaadacay Ka Qaybgalka Shirka Istanbul, Turkiga

Warsaxaafadeed ay Puntland iyo Galmudug maanta Axad 27 May 2012 soo saareen ayay ku qaadaceen kaqayb galka shirka magaalada Istanbuul Turkiga loogu qabanayo Soomaalida 31-da May ilaa 1-da June 2012.

Warsaxaafadeedkaas oo ay magaalada Adis Ababa ku wada saxiixeen madaxweynayaasha labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ayaa lagu sheegay in shirkaasi uusan ahayn mid Soomaalidu qorshaheeda leedahay.

Qodobada ay Puntland iyo Galmudug ku sababeeyeen qaadacaadda shirkaas waxaa ka mid ah, in shirkaasi yahay:

a) Mid aan isku dheelitirnayn

b) Mid ka soo horjeeda la tashiga Shacabka Soomaliyeed

c) Mid ay ku jiraan dano gaar oo ay leeyihiin arrimaha dibadda ee dalalka qaarkood

d) Mid aan u caddeyn ummadda Soomaliyeed sidii ay aragti sax ah uga bixin lahaayeen.

Sidaas daraadeed, waxaa warsaxaafadeedku intaas raaciyey in Puntland iyo Galmudug mowqifkooda ay ku qaadaceen shirka Istanbuul in ay ku caddaynayaan qodobada hoos ku qoran:

Faroole iyo Caalin oo warsaxaafadeedka saxiixaya, May 27, 2012

1- Markii ay qiimeeyeen muhiimadda ay leedahay in lagu socdo Roadmap-ka (ama Khariidada nabada Soomaaliya), shirarkii Garowe & Galkacayo, kii Addis Ababa ee 23 May 2012, oo dhammaan looga danlahaa horusocdka Roadmap-ka iyo dhamaystirka hawsha dastuurka.

2- Markii ay qiimeen mudada kooban ee ka harsan wakhtiga lagu soo afjarayo kumeel gaarka oo ku eg 20 August 2012.

3- Markay qiimeeyeen jaahwareerka iyo danta danta laga leeyahay odayaasha dhaqanka in la geeyo Turkiga si ay kulanka uga qaybgalaaan islamarkaasina si maamul xumo ah loo maareeyey tegitaankooda.

4- Markii ay arkeen go’aanka halka dhinac ee Turkigu ku qaadatey kasoo qaybgalka Bulshada Rayidka iyagoo aan kala tashan Shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyaasha Soomaaliya iyo weliba maamuladooda.

5- Markii ay qiimeeyeen walwalka dhabta jira ee ku saabsan in hogaamiyaasha Soomaalida, xubnaha matalaya DFKMG, Puntland, Galmudug iyo Ahulu Sunna ay dhammaantood sheegeen in aysan fikrad lagu kalsoon yahay ka haysan ajandaha iyo qorshaha shirka Istanbul lagu qabanayo.

6- Markii ay arkeen xaaladamaamul xumada iyo faragelinta lagu sameeyey soo xulidii odayaasha dhaqanka.

7- Markii ay qiimeeyeen maqnaanshaha Puntland iyo Galmudug doorkoodii shirka ka dhacaya Istanbul II.

Waxaa Puntland iyo Galmudug qaadaceen shirka Istanbuul II.

Waxaana warsaxaafadeedku intaas raaciyey in shirka Istanbul uu yahay mid aan Soomaalidu lahayn, oo islamarkaasina danta, qorshaha iyo ajandaha laga leeyahayna uu yahay mid aan caddayn, waxaana sheegeen in shirkaas looga danleeyahay in la garab maro ama laga tallaabsado dhammaan shirarkii iyo heshiisyadii hore loo soo galay ee ku saabsanaa geedi socodka nabadda Soomaaliya, oo la doonayo in hadda dib loo soo bilaabo, taas oo ah mid aan laqaadan karin, sidaasna ay ku qaadaceen shirka labaad ee Istanbuul, Turkiga.

Waxaa ku saxiixan C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole (Puntland) iyo Maxamed Axmed Caalin (Galmudug)

Warasaxaadeedka oo saxiixan kuna qoran English ka eeg halkan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Puntland oo Ka Laabatay Qaadacaaddii Shirka Istanbuul "

  1. Abdi says:

    Yaa wada masiirka Somalia sow dad somaliyeed oo deegaano ka taliya sow maaha cida markastaa horboodeysa. I know meesha ay ku maqan yihiin dadkaas kale ee walaalkey Magan sheegey. 20 sano ayey Somalia sugeysey dadka haya masiirka ummadda somalia, kuwaan bey noqdeen iyo kuwii ka horeeyey oo culumo iyo cilmaani iyo noocyo badan isugu jirey marka allow sahal umuuraha. Wax lee un keena ayay taagan tahay maanta iyo dalal shisheeye iney kuu arrimiyaan.

  2. Magan says:

    ma ahan in masiirka somaliya loo joojiyo nin dantiisa gaarka ah ama dano gumaysi wada mana haboona in ay markale masraxa siyaasadda ku soo noqdaan cidkasta oo wadata.

  3. Abdi says:

    Taariikhdii hore ee Turkiga iyo Somalia iska hilmaam, dal kastaa oo maanta taagan iyo madaxdiisa dan ay leeyihiin, cid cidkale u daneysa ma jirto. haba kala roonaadeene. Haddii dadka qaarkiis ay la tahay Buugaag history oo years hore la qorey aqrintooda in micno sameyneyso ama casrigaan aan hadda joogno ee dagaalka dhaqaale ku jaanqaadeysa taas waa riyo. Marka Geele iyo dadka kale ee aragtidaas qaba sidaas ha u ogaadeen. Turkiga ayaan ku noolaa in muddo ah oo aan waxna ku bartey balse casriga cusub ee dagaalada dhaqaalaha ayaa ah midka maanta dunida ka jirta oo cidkastaa ay ku gargaarto dagaal ha ka jiro ama yuusan ka jirin sababna u noqdey dagaalka sokeeye ee aan dhamaadka lahayn. waana sabab ka mid taageerida Turkiga ee Somalia maanta. kuma koobna Somalia oo kaliya xitaa Afrika oo dhan ayey howlo sidaan oo kale ka wadaan. siyaasadooda hoose ee Africa wax badan ayaan ka ogahay.
    Sidaas darteed, Madaxda Puntland iyo Galmudug maxaa u diidey in danta dalkooda iyo dadkooda ka hadlaan. Somalida wada jirta ee aad hayso xagey joogaan haddii Sharif Sakiin iyo Sheikh Sharif iyo taageerayaashooda kala hadlayaan, shirkana ay kula jiraan saaxiibadooda Roadmap.
    . Turkiga EU ka mid ahaanshiisa ayuu sharuuc badan ka bedelay dastuurkiisa welina loo diidan yahay inuu ka mid noqdo. waxba yaanan isku daalin isjiidjiidka siyaasadeed ee dhexdeena ah. ninkastaa dantiisa maamul iyo deegaan meeshey ku jirta yaan lagu eedeyn, ilaa aanu noqono somali barxan.

  4. Geele says:

    Taariikhda waxaa loo barta in lagu fahmo marxalada la joogo iyo kan soo socda. Turkigu waligiis wuxuu la jiray qadiyada toosan ee Soomaalida. arintaas waxaa loogu noqonaya buuga Fatuxul Xabash ee ka waramaya halgankii Axmed Gurey iyo sidii Turkigu u taageeray, waxaad kale oo fiirisan buuga I.M Lweis ee mordern history of Somalia, halkaas oo uu kaga hadlayo tageeradii Turkigu siiyey halgankii Sayid Maxamed. Taas waxaad barbar dhigtan hagar daamooyinka soo jireenka ah oo ay Xabashidu u geysan jirtay umada soomaaliyeed.

    Mr Farole iyo Calim waa laga dhex hadlayaa ee maskaxdooda ha ka hadlan iyagoo xor ah markaas baan fahmayna waxay rabaan. Turkigu ha noolaado! Soomaaliya ha noolaato!

  5. omar says:

    asxaabta iga horeysay ayaa siwaanagsan usharxay irinta ragaan aay shaaciyeen ee aay ugu soo horjeesteen shirka ISTANBUL oo aan dhihi karno wuxuu kaqiima badanyahay shirarkii dalalka codowga somaliyeed lagu qaban jiray ee uu ugu danbeyey kii ADIS ABABA ee isbuucaan soo dhaafnay iyo waliba kuwii lagu qabatay dalka ee mahiiga hor cararayey, Bal fiiriya somaliyey labadaan nin ceebta heysato iyo waliba mesha aay kusaxiixeen waxa loo sheegay koley ayaga magaranine, mida kale Faroole waanba lagu ogaa inuu ushaqeeyo Ethopia , MISKIIBKAAN caalin ah waa sireen, inshaa alaah somalia wey midoobi doontaa , dad wanaag jecelna waay kaqeybqaadandoonaan shirka iyo waliba dowlada cusub ee ladhiso doono , ilaaaaaaahow noo gargaar cadowgeena naga qabo inshaa alaah

  6. barre says:

    waar yaadhaheen horta nimankan puntland maxay ka sameysanyihiin? weligood intii soomilyi jirtey iyaguun baa soomaali midnimadeeda khalkhal ku ahaa e ,laga soo bilaabo dawladdii siyaad barre iyadoo dadkuba isku duubanyihiin oo wadanku wadadii horumarka cagta saarey waa kuwii gumeysiga xabashida la shuraakoobay ee wadanka soo geliyey, ilaa iyo maanta sidii bay u leeyihiin cadkanow ama ku cunay ama ku ciideeyey, aniga waxay ila tahay in nimankaa gumeysi raaca ku sifoobey laga ilaaliyo inay maamulka wadanka gacan ku yeeshaan oo iyaga iyo gumeystayaasha ay wataanba xadhigga loo gooyo. weger!!!!!!!!!!!!!!!!!

  7. cismaan yare says:

    wixii war ahaa ee loo baahnaa aadam zaki ayaa dhammeeyey, laakiin waxaa loo baahan yahay ficil muuqda oo ay dhalinyarada waqtigoodii la afduubey ay ku kacaan, soomaalida guud ahaan gude iyo debedka waa ogyihiin in soomaaliya taladeeda ay gacanta ugu ugu jirto cadowgeeda (itoobiya) ciddii meel kale u kacdana sida eyga loogu qaylinayo, markaa waa inay soomaalidu iyadu isku tashato oo ay ficil na ku darto talodeeda.

  8. SCWXWB:
    Masha Allaah Dawladda Turkiga waa Dawlad Muslim ah oon u baahneyn in ay na garab Istaagto,intayna ayagu iman waxaan is lahaa maxay Dawladda Soomaaliya Saaxiib kaalmeeya uga dhigan weyday Dalka Sacuudiga iyo Dalka Psakistaan oon waxyaabo badan wadaagno,
    Laakiin Allaah ayaa Arrinkiisa ku Qaalib ah Dawladda Turkiga ayuu noo soo diray, waxy noo qabatayna waa dharaar aan Sacbka lagu qarin karin.
    Waan ognahay safarki Qoyska Reer Erdogan Rasiisul Wasaaraha Dalka Turkiga ee Muqdisho iyo Hadal uu maanta jeediyey Wasiirka Arrimaha Debedda Mudane Axmed oglo furitaankii Shirka Istanbul ee Soomaalida loo qabanaayo,wuxuu yiri ; ( Soomaaliya Turkigu dano gaar ah kama laha oo Qarsoon ,sidoo kale kuma marmarsiyooneyno in aan arrimo Nabadgalyo -security- u tageyno ee waxaan u tageynaa Arrimo Baniaadamnimo.
    waa Hadal haboon in Biyo dahab ah lagu qoro.
    Ilaahoow dawladda & shacabka Turkiyaba ka abaalmari waxay Soomaaliya u qabteen,jidkaagana ku Hanuuni Aamiin .

  9. somalijecel says:

    labadan nin ee masuuliyiinta sheegaya itoobiya ayaa wax u yeerisay marka layaab maaha u mada somaliyeedna iyadaa isku filin itoobiya waligood somali bay aasaysaa marka alaa noo maqan

  10. Samodoon says:

    Yaa lagu tuhmayaa inay u ku amreen “nimankaasi” inaaneey tagin shirka Turkiga? Haddii aanad garan, waxan ku xusuusinayaa: “Nimanku” waxeey joogaan Addis Ababa, Waxey magan iyo marti u yihiin “ilaah-yarahooda” ina Zenawi oo usuga iyo Abasiiniyiinta ay caqiido wadaagta yihiin ay u hayaan Turkiga caddaawad la mid ah midda ay u hayaan Soomaaliya. Axmed Gurey oo taageero ka helayey Turkiga dagaaladii uu la galay kuna naafeeyey boqortooyooyinka masiixiyiinta ahaa ee waqooyiga Itoobiya ee ay reer galbeedku taageerayeen waxa ay wali ka dhex guuxayaan maskaxada dadyow iyo siyaasiyiin Itoobiyaan ah. Itoobiyaanka, Afrikaanka ay isku talada yihiin, reer galbeedka iyo dhamaan kuwan isugu yeeri “beesha caalamka” waxa aaney marnaba ku farxi doonin ku lug lahaanshaha Turkiga arimaha Soomaaliya sida uu Barfasoor Cabdi Cismaa’iil Samatar ku tibaaxay maqaaal lagu daabacay bogga Al Jazeera (ka akhriso halkan http://www.aljazeera.com/indepth/opinion/2012/05/2012525102057798954.html). Guntii iyo gabagabadii, “nimankani” kala sheegta Gal Mudug iyo Puntland waxay ku andacoodeen “in shirkaasi uusan ahayn mid Soomaalidu qorshaheeda leedahay.” Balse, micnuhu waxa weeyaan in shirkaasi uusan ahayn mid Itoobiya ay qorshaheeda leedahay sidaa darteedna ay qaadacayaan. Goor laga baxaba, waa nasiib iyo ayaan darro weyn oo Soomalida heysta.

  11. Waxaa kaloo qaadacay shirka lagu Qabanayo Turkiga Qacland , Qurunland, Isbaaroland, Jini land, Jaahil land iyo Doqon land.
    dhamaan madaxwaynayaasha maamul goboleedyada kor ku xusan si wada jir ah ayay u qaadaceen inay ka qeybgalaan shirka.

  12. warsame says:

    Qaabka ah in shariif loogu daro sanad ama dib loosoodoorto ma haboona maamuladan diidan arintaan xaq bay u leeyihiin sida galmudug iyo puntland oo lagu qiyaameeyay heshiiskii hore loola galay oo ay wada galeen dawalada kumeel gaarka iyo ahlusuna waljamaaca galmudug iyo puntland. qaabka hada socda oo ay kusiijoogayaan raysulwasaaraha iyo madaxweeyne shariif waa qaab in qilaab ah oo aan haboonayn sida loo dhigay.

    Kursi lasii joogaa dhib malaha hadii madaxwaynuhu yahay nin wax qabad leh oo ka shaqaynaya amaanka dalka iyo hanaanka dawlad nimo oo ah nin go aan qaadankara oo umad hogaaminkara. meesha waxa laga cararayo ayaa ah in soomaali sidan uun ku sii jirto waxaa la doonayaa in rag cusub la tijaabiyo shariif aragnay oo lagu hungoowye. fikirka ah in nidaam cusub iyo wajiyo cusub lahelo oo dawlad rasmi ah oo la aqoonsanyahay loogudbo ayaa muhiim ah.