Home » Warar »

Warar Is-khilaafsan oo ka soo baxaya Qarax aad u Xoogan oo ka dhacay Nairobi Kenya

Wararka ka imanaya Kenya ayaa qaarkood tibaaxeen in qaraxii Isniintii ka dhacay Nairobi ay sababtay koronto oo uusan ahayn bombaano.

Dhanka kale warar kale ayaa sheegay in uu ahaa qarax bambaano.

Booliska Kenya waxay sheegeen in qaraxaas ay sababtay Korontada ama fiilooyin koronto o qarxay.

Ra’iisul wasaaraha Kenya Odinga ayaa isagu shegay in aysan u dul qaadanayn kuwa qaraxa geystey oo laynaya Keenyaanka.

Qaraxan ayaa ka dhacay wadada marta faras magaalada Nairobi, wadadaas oo loogu magac daray Moi.

Daawo Video hoose oo muujinaya wararka Is Khilaafsan.

http://youtu.be/A6-iM6m9T18


Warbixintii hore:

Qarax aad u Xoogan oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Wararka naga soo gaarayaan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxay sheegayaan in Goor dhow uu Magaaladaas uu ka dhacay Qarax aad u xoogaan kaasoo la sheegey in uu geystey khasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac iyo Burbur hantiyadeed waxaana la sheegey in Qaraxaan uu ka duwanaa Qaraxyadii maalmahaan ka dhacay Magaalada Nairobi

Qarax oo ka dhacay wadada Moi ayaa wararka laga helaya dalkaas waxay sheegayaan in dadka ay arkeen dhaawac fara badan oo halkaa laga Gurayo iyadoo Goobta uu Qaraxa uu ka dhacay Guryihii ku dhawaa ay ka baxayeen Qiiq fara badan iyo weliba Bur bur aad u weyn iyadoo Ciidamada Kenya ay islamarkiiba Goobta isku gadaameen waxaana la sheegey in ay is dib dhaafayeen Gawaarida Gargaarka Deg dega ah iyadoo xitaa qaraxaas uu saameeyey meel aad u fog Fog hadaba wiuxii ku soo kordha dib ayaa idiin la socodsiin doonaa haddi Eebbe Idmo

http://youtu.be/X4z_2g6zK34

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.