Home » Warar »

Warbixin: Ardayda wax ka barata dalka Sudan

Xaflad ballaaran oo si heersare ah loo soo agaasimay isla markaana ay kasoo qeybgaleen Ardayda Wadankaan Suudaan wax ka barata iyo xubnaha jaaliyada Soomaaliyeed isla markaana lagu soo dhaweynayey Wafuuda Dowladda FKMG ah iyo Hay’adda Maareynta iyo ka hortaga masiibooyinka ayaa lagu qabtay Hoolka Shirarka Caalamiga ah ee Jaamacada Africa.

Halkan ka daawo sawirada

Ururka Ardayda Soomaaliyeed iyo Jaaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Suudaan ayaa iska lahaa agaasinka xafladaan oo ujeedkeedu ahaa sidii waxrbixino ay uga heli lahaayeen Wafdiga Dowladda iyo Hay’adda maareynta iyo ka hortaga masiibooyinka taasoo ku aadan xaalada wadanka uu ku suganyahay iyo Horumarada Dowladda ay ku talaabsanayso.

Guddoomiyaha Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan C/risaaq Ciise Axmed iyo Xoghayahahiisa oo hadal kooban ka jeediyey xaflada ayaa si weyn usoo dhaweeyey Masuuliyiinta Dowladda, iyagoo uga warbixiyey xaalada ay ku suganyihiin Ardayda dalkaan wax ka barata , waxa ayna labada Masuul ka codsadeen Madaxda dawlada in Ardayda shaqooyin loo abuuro si dalka ay ugu soo laabtaan isla markaana kaalintooda ay ka geystaan dadaaalada wadanka ka jira ee dalka lagu xasilinayo.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha. Prof: Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow oo xaflada soo dhaweynta ah ka hadlay ayaa Ardayda iyo Jaaliyada uga mahadceliyey sida wacan ay usoo dhaweeyeen, waxa uuna uga warbixiyey xaaladda wadanka uu iminkan ku suganyahay, isagoo sheegay in Dalka Horumaro ballaaran uu ka samaynayo dhanwalba gaar ahaan soo celinta Amniga iyo kala danbeynta, isagoo ka codsaday Ardayda in dalka ay kusoo laabtaan isla markaana ay bannaanyihiin Shaqooyin badan oo laf dhabar u ah umada, islamarkaana ay kasoo dhalaali karaan oo kaliya dadka wax soo bartay.

Waxa uu Wasiirku si weyn u amaanay Ardayda kasoo baxda Jaamacadaha Dalka Suudaan oo u ku tilmaamay kuwo saamayn weyn ku leh horumarka dalka islamarkaana ay ka hayaan wadanka shaqooyin muhiim ah , waxa uun ka codsaday in dadaalka ay badiyaan si dalka loo horumariyo , isagoo xusay in aqoonyahanadu yihiin kuwii umada samatabixin lahaa isla markaana hore udhaqaajin lahaa dadaalada horumarineed ee dalka doonayo.

Sidoo kale xubnaha ka socda Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo iyaguna xaflada hadalo ka jeediyey ayaa Ardayda uga warbixiyey sida Hay’adda ay kaalin mug leh uga geysatay badbaadinta dadkii ay dhufatay abaartii dalka soo martay ee dhibaatooyinka badan geysatay , waxa ayna tilmaameeen in Hay’adda ay ku guuleysatay samatabixinta bulshada Soomaaliyeed.

Xaflada ayaa kusoo gabagabowday jawi heersare ah ayadoo masuuliyiinta dawlada ay balan qaadeeen in aragtida Ardayda iyo waxyaabihii ay kala kulmeen u gudbin doonaan Masuuliyiinta sare ee Dowladda.

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)
cmc_vip@hotmail.com
Khartuum – Suudaan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.