Home » Warar »

Shirkii odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga

Iyadoo ay labadii maalmood ee ugu dambeysay ku soo qul qulayeen caasimadda labaad ee dalka Turkiga ergooyin boqolaal gaaraya oo matalayay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, Bulshada Rayidka ah ee xubno ka socday dowladda Soomaaliya ayaa waxaa saaay ka si rasmi ah uga furmay hotel Dedeman Hotel shirkaasi.

Halkan ka daawo sarirrada shirka

Shirkan oo furmay abaara 9:00 subaxnimo waxaana shirka furay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dalka Turkiga Ahmet Davutoğlu isaga oo ergada ka soo qeybgashay kulankana ku booriyay afar qodob oo uu sheegay inuu saldhig u yahay qabashada kulankan kuwaasoo kala ah.

1. In Soomaalidu ay helaan gole am madal ay danahooda six or ah ay uga tashadaan
2. In wada si wadajira ah ay waxgaradka Soomaaliyeed ay isula eegaan culeysyada heysta Soomaaliya iyo xalkoodaba.
3. In soomaalidu fursad loo siiyo in ay soo bandhigaan wixii ay xal u arkaan, wixii muhiim u ah si Soomaaliya ay dib ugu soo noqoto kaalintii ay ku laheyd caalamka
4. In fursad loo siiyo Turkey in ay fahamto baahida amni, midda Siyaasadeed, Bani’aadanimo iyo horumar ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha dibadda a yaa sidoo kale khudbadiisa ku dhiirageliyay odayaasha iyo qeybaha bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed inay dib boorka uga jafaan taariikhdii Soomaaliyeed ee dahabiga aheyd isaga oo tusaale u soo qaatay taariikhdii Halgankii Axmed Gureey “Waxaa la idiinkaga fadhiyaa Soomaali haddii aad tihiin in Axmed Gurey taariikhdiisii aad boorka ka jaftaan” ayuu si kaftan ah u yiri Wasiirka oo dhinaca kale tusaale u soo qaatay Soomaalidu waagii dagaalkii Andulus dadkii ka soo cararay wadamo ay ka mid tahay Spain inay Soomaaliya u barakaceen ayna soo dhoweeyeen Soomaalidu taasoo keentay inay ku noolaadaan Soomaaliya oo ay ku tartaam maantana dad faracooda ka mid ah ay ku noolyihiin.

Khudbada Wasiirka kadib, ayaa waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo bulshada Rayidka oo ay ka mid ahaayeen Fanaanka Axmed Naaji Sacad, Cabdishire Jaamac ciyaarjecel, Orodyahanka weyn ee Cabdi Bile Cabdi iyo Amina Muse Weheliye oo ah oo ah gabar weriye caan ah.

Shirkan ayaa la qorsheeyey inuu socdo 27 bishan April illaa 02.2012 bisha dambe ee June waxaana cinwaanka shirkani yahay kulanka Istanbuul ee Bulshada Rayadka Soomaalida, iyadoo ugu dambeyntii talooyinka, tusaalooyinka iyo weliba aragtiyada ka soo baxdo kulankan la hor dhigi doono kulanka weyn ee Caalamiga ah kaasoo ay ka soo qeybgali doonaan matalayaasha dhamaan beesha caalamka, madaxda dowladda, iyo kuwa maamul goboleedyada kaasoo lagu go’aamin doono itijaaha siyaasadeed Augost 20 2012 oo ku eg waqtiga Dowladda haatan jirta ee KMG ah.

Dhinaca kale, wefdi uu hogaaminayo guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa caawa soo gaaray magaaladan Istanbul iyada oo sidoo kalena la filayo in labada maalin ee soo aadan ay yimaadaan madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo weliba madaxda maamul goboleedyada.

Garaad Salaad Xirsi

Istanbul, Turkey

May 27, 2012

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.