Home » Faallo »

Gabay: Tiiraanyo Qaran – Tabo Maammul Goboleed miyay talo qabiil keentay?

WT. Maxamuud Axmed Cabdalle (Abwaane Shiine)
May 24, 2012
Email:
mabdalle@gmail.com

HORDHAC: Dhammaan ummadda Soomaaliyeed salaan baan halka uga dirayaa.

Gabaygan TIIRAANYO QARAN—TABO MAAMMUL GOBOLEED MIYAY TALO QABIIL KEENTAY? Waxa igu kallifay markaan arkay xaaladda dalka Soomaaliya ku sugan yahay maanta, siiba Maammul Goboleeddada Soomaaliya look ala jarjarayo.

Waa farriin ku socota Soomaali meel kasta oo ay joogto. Afeef: waxan ku soo qaatay gabayga taariikho dhacay, ee marna igama aha inaan cid aflagaaddaynayo. Akhris wanaagsan. Mahadsanidin.

Wuxu Yiri:

  1. Tixda Gabay ma tiriyeen haddaan laygu taawiline
  2. Waxan tebey bulshada uma tebsheen tay temmediyaane
  3. Mana toosiyeen meerisyadaan ugu tiraabaayo
  4. Tusmadana ma raacsheen sidii ehelu tawxiidka
  5. Haddaan Eebbe tiisa igu ladhin kuma tayiiseene
  6. Iga tuunsha waataad murtida igu taqaanneene

  7. Toddob da’ay sidiisoo kalaan tibibixleeyaaye
  8. Toomaha ha gaadhiyo warkani taagga Ceeriyahee
  9. Boorama tilmaan haw noqdiyo Saylac taalladiye
  10. Tubtu waa Hargeysada halkuu Timacaddoow yiillee
  11. Burco hawgu taaheen warkaa Tuhunla’aaneede
  12. Sool taako-taako iyo qoys ha ugu tiileene
  13. Durba haw tafoo laasqoriyo Teedka Bari aaddan
  14. Talaadaha Garoowiyo Nugaal Taarku haw tago
  15. Gaalkacayo toon Lagu shiriyo Mudug ha taabteeye
  16. Galguduudda beeshii taxnayd tahan ha saameeyoo
  17. Tiiraanyo Hiiraan gashiyo dhiillo haw taro
  18. Xamar aaladaha toosiyaa  ha u tallowsheene
  19. Tabaalada Markiyo Jawhar subax ha u tafsiileene
  20. Baydhabo ha tabantaabsadoo Gedo ha taageerto
  21. Ha u tarantarreeyee warkani tan iyo Kaambooni
  22. Shabakadaha ha isugu tebsheen toban malaayiine

  23. Afartaa intaan ta’da ka deyey tiir Ma qabadsiiyey?
  24. Sahankiyo tilmaantii miyaan taana ka habawshey?
  25. Toobiyaha codkii tiirri gabay toy ma ku hagaajey?
  26. Ma labaantan bay taagantahay turug Habaas weyn leh?

  27. Ma tanaad daryeelliyo dalbaa taani laga dhaarshey?
  28. Ma ragbaa takoorimaha iyo tuurta laga fuulay?
  29. Ma tafooley bay wada noqdeen tacab qasaarkooda?
  30. Tumbulkaa Zenaawi ah miyaa wada tallaabaaya??
  31. Tilmaamaha maways kaga midbaa tiilka madaxweyne??
  32. Tawdhaq iyo liid tiimbaraha tiisa ugu jiida
  33. Ma tafaafuleen qarankayagii teero dhiganwaagu?
  34. Maandeeq taharahoo engegey taana Ma u joonay?
  35. Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
  36. Afartaa ta’dii gabay miyaan tiirka ka habowshey?
  37. Wexeer igu tallaalani qalbiga Ma idin tiiraamay?
  38. Ma taftaafay boogtii  xogbaan tiixayaa weliye?
  39. Soomaalaay tol baas haybiyaay tooggo kaa maqane
  40. Tafaraaruq badaneey adaan tii san garanayne
  41. Talo urursan iyo qaranimadii tuuray waa hore eh
  42. Adigaa qabiil tamar bidoo dawlad taabicine
  43. Goortaad kun magac Oo tayala calammo taagtaagtey
  44. Goortaad tanaa tayda iyo qola-qolaw tooxday
  45. Ku taxaabyey cadawgii kolkaad tudho Aqoon weydey
  46. Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
  47. Lagu tacab qasaar odayadii Taabay dhaxalkiiye
  48. Talo kuma heshiiyaan haddaan gaal tukubinayne
  49. Inta taashka madaxweyne xidhan waaba tirabeele
  50. Nacas waliba taab meel kolkuu Reer ku taagsadaye
  51. Shabaab toorabooriyo ka yimi teroris hoygiisa
  52. Argagixiso tii Qaacidiyo taliyey beydgaabe
  53. Soomaali waxa tacaddi iyo tabalo loo geystey
  54. Taqa beelku waa Waxa qalbiga iga turxaamayne
  55. Sida aar tabaadiya miyaan taaha damin waayey?
  56. Tammootida gurboodkii miyaa taalla dhinacayga?
  57. Ma toolmoontii dihataa ilmadu dhabanaka tooraysay?
  58. Taageero li’day miyaan tiicay Sida weyda?

  59. Hadba turunturrodkii miyaan tog iska qayraanshey?
  60. Tashigii miyaa laabtu gocan leebka igu taagan?
  61. Tunka jare inlaygaga xidhana Ma u tar Hayn waayey?
  62. Sogobyada la toodimay miyaan tooda liqi waayay?
  63. Sida boqor bahdii cadowgu tiray madaxa maw taagey?
  64. Maanaa Amxaar ii tashaa Tiger baan ahaye?
  65. Tortorlaha Tigree maanigaa tuuga Erateerka?
  66. Toxobleey Afriikaan miyaan amar ka tuuntuumin?
  67. Taan geyo tan cadow doonayiyo tii Rabbi u qaybshay
  68. Tallanka iyo dood uun miyaa maanka iga taabay?
  69. Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
  70. Afartaa intaan Ta’da ka deyey tiir Ma qabadsiiyey
  71. Toobiyaha miyaan maansadii taani ka habowshey?
  72. Ma tilmaamay boogtii xogbaan tiixayaa weliye?
  73. Adduunyadu tanaad iyo wacnaan tiigsimaad malehe
  74. Nin waliba tagoogtiis kolbaa hugu ka tuurmaaye
  75. Rag tun weyn lahaan jiray dunida Oo tirmaa jiraye
  76. Taariikhihii hore cilmaad ugu tegeysaaye
  77. Tashi Aadan iyo Jaamac Nuur seegay Lagu taabye
  78. Waxa laysu tebiyaa geddii loo tummaatiyaye
  79. Shaloon taag lahaa Talo mahayn taashka waan sidaye
  80. Maantoo talada aan hayana tamar la’aantay dheh
  81. Tiraabkiisii baa Ina Galaydh kuu tusaala ahe
  82. Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
  83. Taariikhdu buug weeye Aan laga tallaabayne
  84. Taxanaha xusuustale haddaan tiro ka soo qaato
  85. Ninba kaydka Waxa loogu tiray baa u taal abide
  86. Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
  87. Sida baarqab toojada gugii taani Lagu qoojey
  88. Dawaaddoo tikhiyo kuruska Oo tahan ka dheeraaday
  89. Dhebiduna tarriiqyaysayoo duudka kaga teeday
  90. Doobbada kolkuu tuurayna tays onkoday mooddid
  91. Raggii turuqa sheegtee tollaay shalay ku taamaayey
  92. Waxay Tamara lahaayeen Raggii qolo ku taageeray
  93. Qarannimadii toosnayd Raggii tiirarka u siibay
  94. Nimankii amxaarka u tu’shee toogtey sharafteeda
  95. Nimankii hub talantaalliyiyo taangiyada doontay
  96. Talaala’ayda qaylada Raggii ubadku toosaayey
  97. Afka waxay ka soo tuurayeen Tiraba Guubaabo
  98. Maansada turaabkaa ka badan Nimankii tookhaayey
  99. Tanna dunida Yaa maali jiray tacab ku dhiibaayey
  100. Kolkay tay gallaafteen dhacdoo waaqla la istaagay
  101. Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?

DHAMAAD…………………………

Maxamuud Axmed Cabdalle (Abwaane Shiine)
Email:
mabdalle@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.