Home » Announcements »

Hay’adaha SOYDEN iyo CPD oo Muqdisho ka furay Tartan Isboorti oo loogu Magac-daray Isbedelka Dhallinyarada

Hay’adda Horumarinta iyo Isku-xirka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN iyo Hay’adda CPD ayaa Muqdisho ka furay Tartan isboorti oo ay ku tartamayaan 10-kooxood oo ka kala socda Sideed Degmo oo Gobolka Banaadir ka tirsan iyo laba kooxood oo ka socda ciidanka booliiska Soomaaliyeed.Furitaankii tartanka oo ka dhacay garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla degmada Wadajir, gaar ahaan kasoo horjeedka dugsiga sare ee Jaalle Siyaad ayaa waxaa goob-joog ka ahaa: guddoomiyeyaasha guddiyada nabadda Degmooyinka Gobolka Banaadir, mas’uuliyiinta Hay’adaha fulinaya Mashruuca, Xoghayeyaasha isboortiga Sideedda Degmo ee gobolka, xildhibaanno, agaasimaha waaxda isboortiga ee Wasaaradda Dhallinyarada, Shaqada Shaqaalaha iyo isboortiga dowladda Soomaaliya, Saacid Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiin kale.

Halkan ka daawo sawirada

“Barnaamijkan wuxuu qayb ka yahay Mashruuca isbedelka Dhallinyarada, kaasoo lagu baray dhallinyarada xirfado, casharro ku saabsan qoraalka iyo akhriska afka Soomaaliga, tarbiyada Islaamka iyo Qur’aanka Kariimka ah, farshaxanka, fanka iyo suugaanta, kombiyuutarka, dayactirka qalabka korontada, ganacsiga guud iyo Makaanignimada,” ayuu xafladda furitaanka ka sheegay C/qaadir Salaad Cabdi oo ah Madaxa Mashaariicda Hay’adda SOYDEN.

Kooxaha tartamaya ayaa waxay ka socdaan Degmooyinka: Hodan, Wadajir, Dharkeynley, Xamar-jajab, Xamar-weyne, Waaberi, Shangaani iyo Shibbis, iyadoo labada kooxood ee ka socda ciidanka booliiska lagu kala magacaabo: kooxda kubadda cagta ee Jen. Kaahiye iyo kooxda heegan.Ciyaaraha oo socon doona muddo 15-maalmood ah ayay kooxahan isku arki doonaan iyadoo kooxdii ku guuleysata ciyaaraha la guddoonsiin doono koob, waxaana ciyaarayahan ay billow u yihiin tartamo lagu soo gabgabeynayo mashruuca isbedelka dhallinyarada oo socday muddo lix bilood ah.

Tartamada kale ee xigi doona tartanka isboorti ayaa waxay kala yihiin: Tartan Qur’aan Akhris ah iyo tartan kale oo lagu tartamayo gabayo iyo heeso oo ay gacan ka geysandoonaan Naadiga hal abuurka iyo qalinleyda Soomaaliyeed (Somali Pen). Dhallinyaradan ayaa waxay sidoo kale qabtaan howlo adeegga bulshada ah, kuwaasoo ay ka qabtaan sideedda degmo, kuwaasoo isugu jira nadiifinta jidadka, jaridda dhirta iyo nadaafadda guud, taasoo ujeeddadeedu tahay inay dareemaan lahaanshaha deegaanada ay deggen yihiin.

Barnaamijkan oo ay Maalgelisay Haya’dda UNDP ayaa wajigiisa koowaad oo ku eg bisha Juun ee sannadkan ayaa waxaa looga gol-leeyahay in Dhallinyaradan oo markii hore ka yimid bulshada dhexdeeda iyagoo malleeshiyo ah ay ku laabtaan mar kale bushada iyagoo ka faa’iideysan doona shaqooyin loo abuuri doono iyo qaarkood oo la siin doono lacago ay ku shaqeystaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.