Home » Warar »

Wasiir ka Tirsan Dowladda Federaalka oo Lusaka Kula Kulmey Madaxweynaha Wadankaas

C/Nuur Sheekh Ibraahim oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kula kulmay Todobaadkan Magaalada Luzaka Madaxweynaha Wadanka Zambia Michael Sata oo ay ka wada hadleen Xiriirka Labada dal iyo qaabkii loo xoojin lahaa .Wasiir ku-xigeenku wuxuu sheegay in dhowaan Magaalada Luzaka uu tagi doono Safiirka cusub ee Soomaaliya halkaas u fadhin doona oo ah Ambassador Maxamed Xasan Dawaara oo ka mid ah rug cadayaasha diblomaasiyiinta Soomaaliya.

Mudane Cabdinuur intii uusan ka soo ambabixin Magaalada Luzaka waxa uu la kulmay Howlwadeenada Safaaradda Soomaaliya , Jaaliyadda iyo saraakiil kala duwan oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Zambia .Soomaaliya waxa ay xiriir diblomaasiyadeed oo soo taagnaa tan iyo 1966-dii ay la laheyd dowladda Zambia , iyadoo Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Luzaka ay qeyb lixaad leh ka cayaartay xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Wadamada Zambia , South Africa, Mozambique , Angola , Kongo, Namibia , Lesotho iyo Swaziland .

Safaarada Soomaliya ee Zambia waxay ku taalaa Magaalada Lusaka Xaafadda Kabaluunga ee Faras-magaalaha , oo ah halka ugu qaalisan Deegaan ahaan , waxa ay ood-wadaag ama ay deris la tahay Madaxtooyada qaranka Zambia.Ka Safaarad ahaan , waxa ay aheyd Safaaradihii ugu muhiimsanaa Afrika xilligii lala dagaalamayay Midab takoorkii ka jiray wadanka Koonfur Afrika .

Waxaa Diyaariyay Warbixintaan Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.