Home » Warar »

Qodobadii ka soo Baxay Shirkii Saxiixayaasha RoadMap-ka ee Adis-Ababa oo “u Muuqda kuwa loo soo Qorey…”

Waxaa Magaalada Adis-aba lagu soo gabagabeeyey Shirkii Saxiixayaashii Road Mapka oo muddo Saddex maalin ah halkaa ka socdey waxaana Shirkaas hareeyey Murano la xiriira habka loo wajahayo Road-Map-ka waxaana Aakhiritaankii ka soo baxay Qodobo aad u ad-adag oo fulinteedu waqtigu ku yar yahay.

Hase yeeshee Dipolomaasi ku sugan Magaalada Adis-Ababa oo diidey in magaciisa la sheego ayaa noo sheegey in Qodobadaan ay yihiin kuwa loo soo qorey Saxiixayaasha ka dib markii ay is mari waayeen, waxaan weydiiney yaa soo qorey Qodobadaan waxaa uu ku jawaabey Beesha Caalamka gaar ahaan Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Waxaa kale uu sheegey in waqtiga hadda loo qabtey uu yahay mid aan waxba lagu fulin doonin waxaana uu sheegey in mar kale la isku qabsan doono qaabka loo soo xulaya 25 Golaha Xalinta Khilaafaadka, ma habka 4.5 –ka ayaa lagu xulayaa mise qaabka saxiixayaashii Road-Mapka. bal nala fiiriya qodobadii ka soo baxay shirkii Adis-Ababa

  • Qodobka 1aad -26 May 2012 waxa la soo magacaabayaa Guddiga Xalinta khilaafaadka beelaha oo ka kooban 25 xubnood.
  • Qodobka 2aad 1 June 2012 waxa la magacaabayaa xubnaha Guddiga Farsamo ee ka kooban 30 xubnood
  • Qodobka 3aad 20 June 2012 Odayaasha dhamaan inay diyaariyaan Ergada ansixineysa Dastuurka.
  • Qodobka 4aad 30 June 2012 waxaa la soo gudbinayaa liiska Magacyada ergada ansixineysa Dastuurka
  • Qodobka 5aad 2 July 2012 waxaa loo fariisanayaa shirkii ugu horeeyay ee Afti u qaadida Dastuurka (NCA)
  • Qodobka 6aad 10 July 2012 waxaa la Ansixinayaa Dastuurka Federaalka Somalia.
  • Qodobka 7aad 15 July 2012 waxa la soo bandhigayaa xubnhaha Baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqonaya.
  • Qodobka 8aad 20 July 2012 waxa la dhaarinayaa Xubnaha Baarlamaanka Afarta Sano ee soo socota.
  • Qodobka 9aad 4 August 2012 waxa la dooranayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.
  • Qodobka 10aad 20-ka August waxa la Dooranayaa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Galabnimada maalinkaa waa in Soomaaliya yeelataa Madaxweyne Rasmi ah


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Qodobadii ka soo Baxay Shirkii Saxiixayaasha RoadMap-ka ee Adis-Ababa oo “u Muuqda kuwa loo soo Qorey…” "

  1. Samodoon says:

    Yaabka Yaabkii. War heedhe ma anigaa waalan mise dadkaa waalan. Waxa aan qarka u saaran inaan ka hunqaaco maqalka magaca dowladnimo marka eraygaas lagu xiriiriyo Shariif iyo kooxdiise, War dadku sideey wax ka yihiin? War dowladnimaba daayee dalkiibaa Soomaali lagu heeystaa. Badoodiibaa duulaamn lagu yahay. Madixii booliskaa Afrikaanku u diideen inuu galo ayriboorka. Dastuurkoodbaa loo soo qorey! Soomaaliga su’aal ka keena dastuurka ayaa Mahiiga iyo ina adeeradii ugu hajabeen ineey cadceeda ka qarinayaa! Alla calool xumo weynaa. Aan ooyee albaabka ii xiri ayey mareeysaa.

  2. Abdulahi Ali says:

    Marka hore waad salaamantihin bahwaynta somalitalk, waana idinka mahad celinayaa fursada qaaliga ah eed i siiseen.
    Run ahaantii waxaad moodaa inay TFGdu wakhtiga ay haysato uu aad u yaryahay marka loo fiirsho listgaan taxan, marka waxa ila haboonaan lahayd in xiliga kalaguurka la kordhiyo si dawladu ay u hesho wakhti ay ku wada qabato hawlahaan adag ee horyaal ayadoo laga fekerayo danta shacabka somaliyed, hadayna taas dhicin waxaan u arkaa inay tahay arin lagu cadaadinayo dawlada haatan jirta si ayan ugu guulaysan inaysan qaban hawlihii loo igmaday. Mahadsanidin