Home » Warar »

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Qarax lagula Beegsadey Bartamaha Magaalada Ceel Buur ee Gobolka Gal Gaduud.

Magaalada Ceel Buur ee Gobolka Gal Gaduud Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Maanta Kolonyo Ciidamada Itoobiyaanka ah qarax lagula Eegtay gudaha Magaalada Ceel Buur.Qaraxan oo ahaa nooca Miinada Sheeda laga maamulo ayaa la sheegey xiliga Ciidamadaas lala beegsanayay in ay ku sii jeedeen Ceel ku yaala gudaha Magaalada si ay biyo uga soo dhaansadaan.

Qaraxaas ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen laba Ruux oo rayid ah oo goobta qaraxu ka dhacay marayay iyadoo dhinaca kalena Ciidamadii Itoobiyaanku uu khasaare ka soo gaaray qaraxaas.Dadka goob joogayaasha ayaa sheegey inaysan garan karin khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Itoobiyaanka ka soo gaaray qaraxaas maadaama qaraxa kaddib si aan kala sooc lahayn ay Rasaas u Fureen.

Qaraxan Maanta ayaa sababay in ay xirmaan guud ahaanba goobihii halkaa ka dhawaa iyadoo ciidamaduna ay halkii ka bilaabeen hawl galo ay ku baadi goobayaan ciddii qaraxaas ka dambeysey waloow aan naloo sheegin cid ay u soo qab qabteen qaraxaas iyadoo Ciidamada Itoobiya ee Tagey Magaalada Ceel Buur ay maamlmahan wajahayeen Dagaalo iyo Qaraxyo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.