Home » Warar »

Wasaaradda Qorsheynta Dowlada Federaalka oo Warbxin ka soo Saartey Xaalada Macluusha ee Magaalada Muqdisho

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa iyo jaaliyadaha qurbo-joogta ah ugu bishaareynayaa in EEBBE mahadiis ay tahay in xaaladii macluusha ee Muqdisho ka jirtay laga soo kabanayo. U kuurgalka xaaladda macluul ee Muqdisho ka jirtay laga soo bilaabo sanadkii na soo dhaafay waxaan ugu bishaareyneynaa in macluushu hoos u dhacday in gaaraysa 50%, xaaladuna ka soo reynayso.

Waxaa sabab u ah xaaladda ka soo kabsasho, naxariiska EEBBE ka sokow, dedaal hagar la’aan ah oo shacabka Soomaaliyeed ugu soo gurmadeen walaalahooda baahan, gaar ahaan waxaa amaan iyo boogaadin mudan jaaliyadaha qurbo-joogta ah oo buuxiyey door mug leh, maadaama ay dhabarka u dhigteen culeyskii ay awalba ehelkood ku masruufayeen inay hadana si lama ilaabaan ah isku xilqaameen iyaga oo yaboohid maaliyadeed, daawo, raashin, dhar agab walba oo awoodooda ah ugu soo deeqaan walaalahooda baahan ee u soo barakacay Caasimadda Muqdisho.

Ganacsatada Soomaaliyeed, bahda waxbarashada, Ciidanka Qalabka sida oo gunadoodii iyo raashinkoodiiba ugu deeqay walaaladooda baahan, shaqaalaha DFKM, Golaha Baarlamaanka oo iska cuno-qabtay mushaharkoodii,, ururadda haweenka iyo culuma’udiinka Soomaaliyeed dhamaantood waxay muteysteen ammaan.

Dowladaha iyo hay’adaha kheyriga ah, gaar ahaan kuwa wadamada Islaamka, waxaa shaki la’aan ah haduusan Eebbe noo soo jeediyeen sannadkan, xaaladda macluul ee haysatay shacabka u soo barakacay Muqdisho kama soo reyseen. Wacyi-gelinta iyo baraarujinta bahda warbaahinta waxay sababtay in qof walboo fadhiya meesha ka kaco oo dhexda u xirto sidii loo daba-qaban lahaa dadkii macluusha u baaba’ayey.

Waxay Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamku ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee gurmadka qeybta ka ahaa in dadkii barakacayaasha ahaa wax xoolo iyo baad midna u badbaadin oo ay xaaladoodu aad u jilicsantahay.

Waxaa lama hurraan ah in laga gudbo gurmadka laab la kaca ah marka xaaladda murugto oo gaarto meel aan indhaha laga qabsan karin, waana in loo gudbo sidii loo joogteyn lahaa waxqabadka, ka hortag khatarta macluusha looga fikiri lahaa iyo sidii dib-u-dhis loogu sameyn lahaa kaabayaasha aasaasiga ah oo dalkeennu ka burburay.

Waxay Wasaaradu warbixinno joogto ah ugu soo gudbin doontaa Shacabka Soomaaliyeed hadba xaaladaha soo kordha, haday tahay culays soo kordha iyo haday tahay sida warkan ka soo kabashada macluusha oo farxad iyo guud

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.