Home » Warar »

Shirkii Adis Ababa oo Dowladda Federaalka ay Beesha Caalamka ka Codsatey in loo Kordhiyo Mudda Xilka ay Haynayaan

iyo Warar ku Saabsan Dagaalo Qaraar oo maanta ka Qarxay Duleedka Magaalada Muqdisho

Saxiixayaashii Roadmapka oo isku mari la’ qaabka looga gudbayo waqtiga kala guurka

Wararka ka imaanayaa Magaalada Adis-Ababa ee Itoobiya waxay sheegayaan in Wadahadaladii u dhaxeeyey Saxiixayaashii Road-Mapka ay isku mari la yihiin qaabka looga gudbayo Waqtiga kala guurka waxayna wararka qaar ay sheegayaan in Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka ay soo jeediyeen in Muddo kordhin Hal sanno ah la siiyo si ay u dhameystiraan arrimaha Road Map-ka iyo Ansaxinta dastuurka iyadoo Shiikh Shariif uu u sheegey Beesha Caalmka in Xilgaan aan la ansaxin Karin Dastuurka islamarkaana aan la fulin Karin arrimaha Road Map-ka maadamaa Goboladii ay ka imaan lahaayeen Ergeeyinka ay haystaan Xarakada Alshabaab loona baahan yhaya in Goboladaa laga saaro, hadalkaas oo la sheegey in ay aad ugu Guuxeen.

Beesha Caalamka ayaa la sheegey in ay garwaaqsatey arrimahii ay soo jeediyeen Masuuliyiinta Dowladda Federaalka ee muddo Kordhinta hase yeeshee Dowladda Mareykanka ayaa la sheegey in ay ka biya diidan tahay Mudda Kordhintaa waxayna Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka shirkii London ka sheegtey in aan marnaba la ogolaan doonin wax la yiraah Muddo Kordhin.

Hadaba wixii ka soo baxa Shirka Adis-Ababa waa la arki doonaa .

##

Warar ku Saabsan Dagaalo Qaraar oo maanta ka Qarxay Duleedka Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta Duleedka Magaalada Muqdisho ka dhacay Dagaalo u dhaxeeyey Ciidamada Amisom oo taageeraya kuwa Dowladda Federaalka iyo Xarakadda Alshabaab waxaana uu dagaalka Xoogiisa uu ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Dayniile waxaana la isku adeegsadey Hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo wararka na soo gaaraya ay sheegayaan in Madaafiic ku dhaceen Deegaanada loo barakacay waxayna Waxyeelo ka soo gaartey dad Rayid ah.

Dagaalkaan ayaa maalmahaan la hadal hayey waxaana qaadey Ciidamada Amisom oo doonaya in ay isku Balaariyaan Dulaadada Magaalada Muqdisho oo ay ku xoogan yihiin Xarakadda Alshabaab iyadoo dadka ka hadla arrimaha Dagaalada Noocaan ah ay sheegayaan in Amisom ay ku adkaan doonto in ay goobahaa ay gaaraan maadaama muddo dhowr sano ay ay dhaafi waayeen goobo ku yaal Magaalada Muqisho waxaana la sheegey in dagaalkii maanta ay ay guula kala sheegteen labada Dhinac

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.