Home » Warar »

Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya oo Goos Goos ah

–  Saxiixayaasha Road Map-ka oo  Shir ugu ka Furmey Magaalada Adis-Ababa

– Wasiirka Dastuurka oo Caddeeyey in Dastuurka Qabyada ay Qoristiisa kala qayb qaateen dad Ajaanib

– Qarax Goor dhow lala beegsadey Ciidamo Kenyaati ah oo Marayey Mandheere

– Shiikh Shariif “Ciidamada AMISOM Waxay Naftooda iyo Dhiigooda ku Bixiyeen soo Celinta Nabada Soomaaliya

– Maamulka Gobolka Banaadir oo Shaaca ka Qaaday In Muqdisho ay la Mataanowday Magaalada Ankara.

– Dagaalo Culus oo Xalay ka Dhacay Degaano ka Tirsan Gobolka Jubada Hoose

Wararka:

Shirkii Saxiixayaasha Road Map-ka oo  ka Furmey Magaalada Adis-Ababa

Waxaa Goor dhow Magaalada Adis-Ababa ka furmey Shirkii Saxiixayaashii Road Map-ka oo ay ka qayb galayaan Lix Xubnood oo kala ah Madaxweyne Shiikh Shariif , Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan , Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynaha GalMudug Maxamed Axmed Caalin iyo Xubno ka socda Ahlu Sunna.

Furitaankii shirka ayaa waxaa la sheegey in uu Hareeyeen Khilaaf ka dib markii Maamulada Dalka ka jira ay ku andacoonayaan in Masuuliyiinta ugu sareeyey Dowladda Federaalka iyagoo sheegey in ay maroorsadeen Howshii lagu fulin lahaa Road Map-ka sidoo kale waxay sheegeen in iyaga keliya ay iska wataan Ansaxinta Dastuurka islamarkaan ergedii Ansaxinta ay soo magacaabeen masuuliyiinta Dowladda Federaalka , waxaana la sheegey in ay Khilaafka ay dhexdhexaadinayaan Xubno ka socota Qaramada Midoobey, Midowga Afrika,Mareykanka iyo Itoobiya iyadoo maalinta Beri ah uu shirka ka soo qaybgeli doono Raiisul Wasaaraha Itoobiya Meless Zanawi.

Wasiirka Dastuurka oo Caddeeyey in Dastuurka Qabyada ay Qoristiisa kala qayb qaateen dad Ajaanib

Wasiirka Dastuurka ee Dowladda federaalka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa Cadeeyey in dastuurka qabyada ay kala qayb qaateen Qoristiisa dad Ajaaniib oo ka socdey Xafiiska Siyaasada Soomaaliya , isagoo sheegey in u yeerashada dadkaa ay la hayd Dowladda Federaalka

“Anagaa Codsaney in Dastuurka Qoristiisa nagala qayb qaataan si aan uga helo waxyaabo fara badan bal fiiri Dastuurka loo qorey Koonfur Afrika , Layberiya, Ciraaq iyo wadamo badan ayaa dastuurkooda waxaa Qoristiisa kala qayb qaateen dad ajnabi oo Khubaro ah anaga sidaa baan ugu baahaney “ayuu yiri Wasiirka Dastuurka oo sheegey in Dastuurkii Lixdanki Qoristiisa Soomaaliya kala qayb qaatey dad Ajaaniib ah oo ahaa Talyaani marka maxaa noo diidaya in aan raadsano dad Khubaro oo shisheeye ah

Wasiirka waxaa uu beeniyey in qodobo ka tirsan Dastuurka ay ka hor imaanayaan Shareecada Islaamka waxaana warkaan Faafiyey dad dano gaar ah leh kuwaas oo aan dooneyn in Soomaaliya yeelato Dastuur oo doonaya in Soomaaliya sidaa ugu jirto dhibaatada

Qarax Goor dhow lala beegsadey Ciidamo Kenyaati ah oo Marayey Mandheere

Wararka naga so gaarayaa Magaalada Mandheere ayaa sheegaya in gaari Milateri oo ay lahayd Dowladda Kenya Qarax lala beegsadey waxaana la xaqiijiyey in Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartey Ciidamada Kenya

Qaraxaasi markii uu dhacay ayaa Ciidamada waxay Bandow ku soo rogeen Magaalada Mandheere waxaa la joojiyey isku socodkii Gaadiidka iyo dadka waxaana halkaa ka bilaabeen Baaritaano iyadoo lagu waramey in dad fara badan ay halkaa ku qab qabteen

Ma aha markii ugu horeysey oo Qarax ka dhaca Magaalada Mandheere iyadoo dhow jeer ay halkaa ka dhaceen Qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo loo geystey Saraakiil iyo shaqaale ka tirsan Dowladda Kenya

Shiikh Shariif “Ciidamada AMISOM Waxay Naftooda iyo Dhiigooda ku Bixiyeen soo Celinta Nabada Soomaaliya

Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlayay Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dawladda federaalka ayaa ammaanay Ciidamada amisom Doorkii ay ka ciyaareen Nabadda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegey ciidamada amison Naftooda iyo dhiigoodaba in ay ku bixiyeen sidii soo celinta Nabaddii iyo kala dambayntii Dalka Soomaaliya oo dhowr sano Fowdo iyo Dagaalo ay ka jireen.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ka hadlay in haatan lagu hawlan yahay sidii dib u dhis loogu samayn lahaa Ciidamada Dawladda gaar ahaana Mileteriga, Boliiska iyo nabad Sugiidda si ay u hantaan ammaanka Dalka.
Sheikh Shariif ayaa sidoo kale tilmaamay in haatan Ciidamada dawladdu ay soo kabanayaan isla markaana Mustaqbalka la filayo in ay hantaan Xasilinta iyo wax ka qabashada amniga Dalka.
Madaxweyne Shariif ayaa ku celiyay baaqiisii ahaa in beesha Caalamka ay is bar ba taagto sidii Soomaaliya ay uga gudbi lahayd Marxaladdan adage e haatan ay ku jirto taasoo ku imaan karta waa siduu hadalka u dhigaye in laga caawiyo dhinaca dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Shaaca ka Qaaday In Muqdisho ay la Mataanowday Magaalada Ankara.

Ku Xigeenka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Dhinaca Dhaqaalaha Imaan Iikar Nuur oo waraysi siiyay Idaacadda VOAda xilli uu ku sugnaa Dalka Maraykanka ayaa ka warbixiyay Safaro ay ku tageen Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.Iikar ayaa sheegey in ay Marti qaad ka heleen Duqa Magaaladaasi isla markaana ay kulamo la qaateen iyagoona ka wada hadlay sidii Ankara ay gacan uga gaysan lahayd dib u dhiska Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku Xigeenka ayaa sheegey in mudadii ay joogeen Wafdigooda Magaaladaasi in ay ku soo wareegeen Magaalada qaybaha Qaddiimiga ah iyo meelaha iminka Casriga ah si ay u soo arkaan Taariikhda ama Xaddaaradda Magaaladaas.Immaan iikar Nuur Guddoomiye ku Xigeenka Maamulka Gobolka banaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Cilqaad ay la saxiixdeen mas’uuliyiinta Magaaladaas oo uu sheegey in ay tahay meel ay ku nool yihiin Malaayiin Dad ah.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa intaa ku daray in heshiisyadii ay kala saxiixdeen labada Magaalo in ay ka mid tahay in Khubaro ka socota magaaladaas ay gaaraan magaalada Muqdisho uu sheegey in durbaba ay Khubaradaasi tageen Muqdisho isla markaana ay qorshayaal u dejiyaan Magaalada.

Dagaalo Culus oo Xalay ka Dhacay Degaano ka Tirsan Gobolka Jubada Hoose

Dagaalo Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dawladda iyo kuwa Kiinya oo isku Dhinac ah iyo Xarakada Shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay Degaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose. Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhacay Degaanada Taabta iyo QWooqaani halkaasoo la isku adeegsaday noocyada kala duwan ee Hubka.

Dadka degaanka ayaa ku soo waramay in ay maqlayeen Madaafiic cul culus oo labada dhinac ay is weeydaarsana in kastoo aanay caddeyn kareyn khasaaraha soo kala gaaray labada Dhinac.Sarkaal u hadlay Ciidamada xarakada Shabaab ayaa war baahinta Codkooda ku hadasha ka sheegey in dagaalkaasi ay iyagu soo qaadeen lana soo beegsadeen fariisimo ay Ciidamada kiinyaanku iyo kuwa Soomaalida ay ku lahaayeen Taabta iyo Qooqaani.

Sarkaalkan u hadlay Xarakada Shabaab ayaa sheegey in halkaas ay ku dileen tiro Ciidan ah oo isugu jira Soomaali iyo Kiinyaan isla markaana ay gubeen Saadkii ciidankaas halkaa u yaalay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya oo Goos Goos ah "

  1. SomaliTalk says:

    ASC Walaal qoraalada waxaad kusoo diri kartaa emailka ku qoran qaybta contact oo ah: http://somalitalk.com/contact/

  2. waan salamaya bahda somtalk,oo sida somalimada ugu soo gudbiyo warara iyo faalooyinka,ka dhaca daafaha dunida gaar ahaan somaliya.inta kadib waxaan ahayn nin sufufi ah oo aad u akhrista websit somtalka.saa awgeed waxaan idin ka codsanayaa in aan idiin soo diro faalo aan kaga jawaabayo qoraal aan ku arkay bogiin sumadiisutahay http;//somalitalk.com/2012/03/13,qoraagu faalada wuxu u bixiyay fitnada federaalka.oouqoray abdiraxiin.H.Galayr.fadlan ii ogolada falo aan ka jawabayo,xageese aan ku soo dir bogiin.thank you.