Home » Warar »

Maraykanka oo sheegay in uusan Ogolaan doonin in Soomaaliya looqaybiyo dhulal leh 37 Madaxweyne, mana ogolaanayo in Somaliland ka go’do Soomaaliya….

iyo WARAR GOOS-GOOS AH :

– Itoobiya oo sheegtay in ay ku guulaysatey hawlgalkeedii Soomaaliya…

– Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose

– Diyaarada Turkiga oo Arbacadii iyo Jimcadii ka soo degi weydey Garoonka Muqdisho hawada oo xumaatay awgeed

– Itoobiya oo lagu qabanayo kulan looga hadlayo Dastuurka loo samaynayo Soomaaliya

– Qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen Askar ka tirsan DFKMG

– Maamuladda Soomaalida oo heshiis ku saabsan Burcad badeeda la galay Jasiirada Mauritius

– Mahiiga ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray 17 qof oo Hagersa Toogasho lagu xukumay

Wararka:::

Itoobiya oo sheegtay in ay ku guulaysatey hawlgalkeedii Soomaaliya…

Taliyaha ciidamada gumeysiga Itoobiya ee ku jira gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Itoobiya ay ku guulaysatey hawlgalkeedii (mission-keedii) Soomaaliya. Waxa kale oo uu sheegay in dhibaato ku ahayn in ay “xorayso Kismaayo”, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

Waxa kale oo Jananaraal Joon (John) uu la yaabanyahay sababta ay Kenya u qabsan weydey Kismaayo, waxana uu arrintaas ka yirin sidan:

“Qiyaas ahaan markii aan qabsanay magaalada Baydhabo ayey ahayd in ciidamada Kenya ay sidaas oo kale qabsadaan magaalada Kismaayo, laakiin ma garan karo waxa ka khaldamay qorshahaas,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee haysta Baydhabo.

Hadalkaas waxa uu ka sheegay kulan Jimcadii (May 18, 2012) ka dhacay magaalada ay haystaan Itoobiyaanku ee Baydhabo, kulankaas oo uu ka qayb galay guddoomihii hore ee ay xilka ka qaadeen Baarlamaanka DFKMG Shariif Xasan.

Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose

Dagaal ay iskaga horyimaadeen Al Shabaab iyo Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa ka dhacay meesha lagu magacaabo Tabto ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay hore u haysteen ciidamada Kenya.

Dagaalkan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dersid ka tirsan labada dhinac, in kasta oo aan war rasmi ah oo madax bannaan laga hayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay aaggaas.

Ciidamada Gumeysiga Kenya ayaa xad-beenaadka ka tallaabay bishii October 2011, arintaas oo dadka siyaasadda odorosa ay ku macneeyeen in Kenya ay dooneyso in ay Soomaalida ka durkiso aagga RaasKambooni markaasna ay shidaal ka qodato, maadaama qorshahii ay la gashay xukuumadda Shariif ee heshiiskii Is-afgarad uu u socon waayey.

Diyaarada Turkiga oo Arbacadii iyo Jimcadii ka soo degi weydey Garoonka Muqdisho hawada oo xumaatay awgeed

Diyaarada Turkey Airways ayaa Arbacadii iyo Jicadii kasoo degi weydey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, sababta ayaa lagu macneeyey hawada iyo cimilada Muqdisho oo aad u xumayd iyo dabayn xooggan oo dhacaysey.

Dadkii rakaabk aaha ee labadaas maalmood (Arbaca iyo Jimce) la socdey diyaarada Turkiga waxaa loo weeciyey garoomada Nairobi iyo Addis Ababa.

Itoobiya oo lagu qabanayo kulan looga hadlayo Dastuurka loo samaynayo Soomaaliya

Xubno kale oo ka tirsan maamuladda Soomaalida ayaa looga yeeray Addis Ababa si ay uga qayb galaan kulan looga hadlayo dastuurka qabyada ah oo la doonayo in Soomaalida lagu qulaamiyo. Waxaana Addis tegi doona madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif.

Waxaana Axadii (May 20, 2012) Addis Ababa u dhoofay wafti ra’iisul wasaaraha DFKMG oo uu kamid yahay guddoomihii hore baarlamaanka Shariif Xasan. Waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumada FKMG uu shegay in “Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ku saleysan in Magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia ay kaga qeyb galayaan Shir ay isugu imaanayaan Saxiixayaashii Roadmap-ka oo lagaga hadlayo dhameystirka Barnaamijka Kumeel Gaarka.”

Halkan ka dhegeyso Prof. Gaas oo ka hadlaya safarkaas

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si xooggan uga soo horjeestey dastuurka qabyada ah, culimada Soomaaliyeedn asi xooggan ayey ug ahadleen in ay ka soo horjedaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa rumaysan in Dastuurka qabyada ah uu yahay mid la doonayo in lagu kala qaybiyo shacabka Soomaaliyeed waxa loogu yeeray Federaal.

Aqoonyahanka iyo xeeldheerayaal Soomaaliyeed ayaa rumaysan in nidaamka Federaalka uusan ahayn mid haba yaraatee ku haboon mujtamaca Soomaaliyeed, sidoo kalena uusan ka shaqayn karin Soomaaliya habka loo yaqaan 4.5 ee ku salaysan qabiilka qayaxan in awoodda lagu qaybsado ayadoo aanqofka loo eegayn kartidiisa iyo wax qabadkiisa ee lagu soo xulayo uun qabiil ahaan in uu ka tirsan yahay.

Waxaana ka sii daran dastuur aan laga baaraan degin nuqulka la doonayo in la hirgeliyon aaan weli shacabka loo soo bandhigin.

Waxaa kale oo jira ifafaale muuujina qaabka loo ansixinayo in ay ku lala duwan yihiin xafiiska madaxweynaha KMG iyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha KMG, maadaam agolaah wasiiradu sheegeen in aan la dhaqan gelinayn ilaa shacabku u codeeyaan, halka Mahiga uu kulankii QM oo uu Sheikh Shariif fadhiyey ka yiri waxaa dastuurka cusub dhaqan gelinaya odayaash a la isugu keenay Muqdisho.

Qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen Askar ka tirsan DFKMG

Laba qarax ayaa Sabtidii (May 19, 2012) waxay ka dhaceen muqdisho. Waxaana sarkaal ka tirsan booliska DKMG oo magaciisu yahay Maxamed Aaden ay hay’adda wararka ee AP ka soo xigatey in qaraxa koowaad ka dhacay suuqa Bakaaraha xilli ay booolisku ku hawlanaayeen burburinta Sandaqadaha/Kiyoosyada iyo xarumaha ganacsiga sharci darada ah ee ku teedsan dareeqyada suuqa Muqdisho, waa sid auu warka u dhigay’e. Waxana uu sheegay in qaraxaas uu ku dhintay hal qof, lix kalena ku dhaawacmeen.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan booliska oo magaciisu yahay Faarax Xaashi ayaa AP u sheegay qarax kale oo lagu qariyey geed hoostiis meel u dhow kantarool ku yaal Woqooyiga Muqdisho, waxaana ku dhintay saddex askari iyo qof dariiqa marayey. Mana jirin cid sheegatey qaraxyadaas in ay ka dambeeyeen.

Maamuladda Soomaalida oo heshiis ku saabsan Burcad badeeda la galay Jasiirada Mauritius

Sida ay faafisay hay’adda wararka ee Reuters waxaa Jimacadii heshiis ku saabsan in burcadbadeeda Soomaaliyeed lagu maxkamadeeyo ay jasiirada Mauritius la gashay DFKMG iyo maamuladda Puntland iyo Somaliland, arrintaas oo bilaabanaysa bisha June 2012.

Jasiiraddas ayaa bisha July waxay midowga Yurub ka heleysaa lacag dhan $3.82 million oo loogu talo galay in lagu maxkamadeeyo laguna xiro dadka looga shaakiyo burcad badeedka.

Maraykanka oo sheegay in uusan Ogolaanayn in Soomaaliya looqaybiyo dhul leh 37 Madaxweyne, mana ogolaanayo in Somaliland ka go’do Soomaaliya….

Donald Yamamoto oo ah ku xigeenka Xoghayah arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabisan Arrimaha Afrika oo Talaadadii (May 15, 2012) magaalada Minneapolis kulan kula yeeshay xubno katirsan Jaaliaydda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota ayaa ka hadlay sida uga soo horjeedo in Soomaaliya la kala googooyo ama la kala qaybiyo.

Mr. Yamamoto waxa uu yiri “Maraykanku ma ogolaanayo in Soomaaliya loo kala qaybiyo dhulan (lands) kuwaas oo leh 37 madaxweyne.” Waxana kale oo uu sheegay “Maraykanku ma aqonsanayo Somaliland in ay noqoto state ka go’a Soomaaliya.” Waxaa sidaas SomaliTalk.com u xaqiijiyey xubno fadhiyey kulanka uu la qaatay qaar kamid ah jaaliyadda reer Minnesota.

Waxa kale oo Yamamoto hadalka ku adkeeyey in ay tahay in xalka ay Soomaalidu la yimaadaan, waa Soomaaliya waa dalkoodii.

Dhanka kale waxa uu yiri waa in dawlada kumeelgaarka ah ee  taageerada ka haysata QM iyo Maraykanka waa in marka la gaaro August 20, 2012 ay xukunka ku wareejiso dawlad cusub oo la soo doorto.

Mahiiga ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray 17 qof oo Hagersa Toogasho lagu xukumay

Ergeyga Gaarka ee Arrimaah Soomaaliya u qaabisan QM ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray dhacdadii Hargeysa ee 17 qof lagu xakumay dil ka ayagoo lagu eedeeyey in ay weereen ciidanka, waa sida warsaxaafadeedka Mahiga u dhigay. Arrintaas oo Mahiga walaac ka muujiyey, waxayna ka bilaabatay muran dhul.

Arrinta ka dhacday Hargeysa waxaa ka mudaharaaday dadweyne isugu soo baxay dariiqyada Hargeysa.

17-ka qof in maxkamad militari la saaray waxaa xaqiijiyey Yusuf Farah Sharmarke oo Somaliland u qaabilsan maxkamadda Milateriga ee dadkaas dembiga ku oogtey.

Itoobiya oo Falal Argagaxiso ku eedaysay 9 qof oo Itoobiyaan ah iyo mid Kenyaati ah

May 15, 2012: Tobanka qof ee Itoobiya ku eedaysayy argagaxida sagaal ka mid ah waxay haystaan dhalashada Itoobiya, qofka kalena waa Kenyaati, waxayna Itoobiya dadkaas ku eedaysay in ay falal argagaxiso doonayeen in ay ka geystaan Itoobiya oo ay xiriir la leeyihiin Sacuudiga, Suudaan, Kenya iyo Philippines.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Maraykanka oo sheegay in uusan Ogolaan doonin in Soomaaliya looqaybiyo dhulal leh 37 Madaxweyne, mana ogolaanayo in Somaliland ka go’do Soomaaliya…. "

  1. Diini says:

    ASCaleykum akhii Xog-Oday waa kugu raacsanahay fikradaada laakiin inaad somaali ahaan ku turjunto ayeey ku fiicnayd oo qaybta ingiriiska hoosteeda somali ahaan ku turjunto, sikastaba wax la dhageysan karo ama la qaadan karo maaha Federaal dadka dabada ka riixayana waa dad fikirkoodu gaaban yahay dano gaar ahna wata una shaqeeya gumaystaha soo jireenkaa, midda kale maanta somaliya meesha aay mareyso qof kasta oo caqli leh waa u jeedaa in xataa dastuurkii iyo gartii lala aado cadow soo jireen ah taasu waxa aay kuu cadeynesaa in somaaliya aay god ku sii socoto illaah SWT hanaga badbaadiyo dhibaatada cadowga iyo shaqaalihiisu wadaan aamiin illahow dal nabada iyo dad caafimaad qaba aamiin.

  2. bilqeyr. says:

    waan ku raacsanahay in mareykanka iyo cidkasta oo daneyneysa somaliya in ay horumar gaarto waan ku raacsanahay waayoo haddii dalkeena lakala qeybiyo wax awood ah aan yeelan karnaa ma jirto xiligan lajoogo haddii somalia ay isku duubnan laheyd Alshawaab dadka ma laayeen ciidamo shisheeyana dalka mala keeni laheyn ciidamada somalia ayaa la howl galin lahaa dalkoodiina dhisan lahaa marka waa muhiim in somalia ay midowdo cidii midnimo qaran diidaana maxkamad hala saaro somalia makala go’do waa dal yar oo dadkiisu yar yahay waa in leesku soo celshaa.

  3. Warsame says:

    Maraykan nooma yeerinkaro waxa aanu rabno hadaanu nahay soomaali. waanu ognahay in koonfurta soomaaliya ay leeyihiin madaxwaynayaal tiro badan oo ay kolba sheegtaan wax aan la aqbali karin,mar waxay ahaayeen 30 meeyo dagaal ooge,marna waxay ahaayeen 30 kitaabkii ilaahay ku been abuurtay oo leh diin baan wadnaa soomaaliyeey,marna waa 40 madaxweeyne oo qabiil walbaa leeyahay madaxwaynaan ahay, arintana soomaali ma aqbali karato waana diiday soomaali aduunkuna wuu layaaban yahay qoladan koonfureed.

    Dhanka kale soomaali yaa yiriba waa lakala qaybinayaa oo la kala goynayaa? soomaaliya waxay u guurtay fadaraal oo kusalaysan dhul iyo dagaan ah in dagaan walbaa ismaamulo sidaa somaliland iyo puntland oo kale kadibna fadaraal dawlad dhexe ah laysugu yimaado weeye. wax kala go ah cid xiisaynaysaa awalba majirin xoogaa somaliland baa ayadoo dhibka qolyahan koonfurta ah ee mogdisho ka yara cararaysa tiri waa go aynaa cigaal waad ogaydeen in uu dhihi jiray soomaali kala marmi meeysee horta koonfureey soo xaliya colaada iyo dhibka dhexdiina ah sida puntland u xalisay oo kale nasiib daro koonfur waa dad isu tagtagay oo aan is qaadan karin oo aan lahayn aqoonyahano iyo siyaasiyiin taasoon ula jeedo wax uma dhiibtaan aqoon yahankooda.

    ilaa iyo hada waxa gaalo dul fadhido oo gawdaa lagu hayaa waa koonfur oo aan ogolayn hanaan dawli ah marka maraykan waxa laga sugayaa hadalkiisii ahaa anaa qasbaya oo xoog ku muquunin markaa bal aynu daawano xoogaa amisom ah meesha keenye walise nabad ma aragnee aan daawano siduu uga keeno nabad mogdisho???

  4. Xog-Oday says:

    This is exciting news. Most Somali intellectuals agree with this decision. Somalia is one sovereign nation and will never be divided.If America allowed those seccecionist tribes statehood, it will create problems in the world due to the fact that the largest tribes in Africa will want to be recognized as states of their own. Take for example, the Oromo tribe in Ethiopia they make up approximately 40 million people out of 70 million, if they allow Somalia to be divided, the Oromo people would want the same thing, and so would any other large African tribe.