Home » Warar »

Hayadda Qaramada Midoobay oo Walaac ka Muujisey Dagaaladii Dhawaan ka Dhacay Magaalada Harggaysa.

iyo WARAR GOOS-GOOS AH

– Ahlu Sunada oo Sheegtey in ay heleen Qalab Casri ah oo Miinada Lagu Baaro.

– Xarakada AlShabaab oo ka Warbxisey Dagaaladii 24kii Saac ee la soo Dhaafay ay la Galeen Ciidamada Dawladda,Amisom.Kenya , Itoobiya iyo Ahlu Sunna.

  • Waxaa isku soo dubaridey Amiin Yuusuf

Hayadda Qaramada Midoobay oo Walaac ka Muujisey Dagaaladii Dhawaan ka Dhacay Magaalada Harggaysa.

Qoraal ka soo baxat Xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa looga hadlay Dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada harggaysan ee Maamulka la magic baxay Somaali Land. Augustine Mahiga ayaa sheegey iska hor imaadyadii u dhaxeeyay Ciidamada ammaanka ee Soomaali Land iyo Kooxo Rayid ah in ay gaysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhawaac.

Mahiga ayaa qoraalkiisa ku sheegey in ay si ad ah uga xun yihiin Go’aankii ay qaadatay Maxkamadda Ciidamada ee Mamulkaasi oo Tiro dad ah ay ku xukuntay Dil Toogasha ah halka qaar kalen ay ku xukuntay Xabsi Daa’in. Mahiga ayaa u soo jeediyay Maamulka Soomaali Land in Go’aanadaas laga noqdo isla markaana Dadkii la saaray Mxkamadda Ciidamada Go’aankooda laga noqdo lana geeyo Maxkamadaha rayidka ah maadaama aysan Ciidan ahayn Dadkaas.

Qoraalkaas ka soo baxay Xafiiska Ergeyg qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa looga codsaday Maamulka la magc baxay Somaliland in la ilaaliyo Xuquul Insaanka isla markaana la joojiyo isku dhacyada u dhaxeeya Ciidamada ammaanka iyo Dadka rayidka ah. Dhawaan ayay ahayd markii iska hor imaad Dadna ku dhinteen qaar kalena ay ku dhaawacmeen uu ka dhacay Magaalada harggaysa halkaasoo ku dhawaad Rabshadahaas loo soo qab qabtay illaa Siddeed iyo Labaatan ka mid ah Dadkii Dagaalamayay

Ahlu Sunada oo Sheegtey in ay heleen Qalab Casri ah oo Miinada Lagu Baaro.

Sarkaal u hadlay Ahlu sunna Wal jamaaca ee Gobolada dhexe ayaa tafaasiil ka bixiyay Guulo ay ka gaareen Miinooyin Dhulka ku aasnaa oo ay dib u soo bixiyeen. Sarkaalkan oo lagu Magacaabo cabdiweli Siyaad Xuseen oo ka mid ah Saraakiisha dhinaca hawl galada ee Ahlu Sunna oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in ay ku guuleysteen in ay dib u soo bixiyaan Miinooyin fara badan oo xarakada Shabaab ay ku Aaseen degaano kala duwan ee ka tirsan Gobolka Gal gaduud.

Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in iminka ay awoodaan in ay soo saaraan Miino kasta oo dhulka la geliyo ka hor inta aysan qarxin.

Cabdweli Saraklaan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ay wadaan hawl galo ay ku doonayaan in gebi ahaanba xarakada Shabaab ay ka saaraan Gobolada dhexe.Sarkaalkan ayaa dhankooda Guulo ka sheegtay Dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay inta u dhaxaysa War Xoolo iyo Wabxo isagoona sheegey in ay ka dileen dhinaca Shabaabka illaa afar Nin isla markaana ay ka qaateen afar qori.

Xarakada AlShabaab oo ka Warbxisey Dagaaladii 24kii Saac ee la soo Dhaafay ay la Galeen Ciidamada Dawladda,Amisom.Kenya , Itoobiya iyo Ahlu Sunna.

Sheikh Cabdulcasiis Abuu Muscaboo ah Afhayeenka Xarakadda Alshabaab ee dhinaca Howlgaladda ayaa ka hadlay Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay qaybo ka mid ah Muqdisho, Gal Gaduud, Jubada Hoose iyo degaano kale kuwaasoo uu sheegey in dhamaantoodaba ay Guulo ka gaareen.

Af hayeenk ayaa ugu horeynba ka hadlay qaraxyo iyo Weeraro Gaadma ah oo ay ka fuliyeen Degmooyinka Kaaraan iyo Deyniile halkaasoo uu sheegey in laba qarax oo ay ka fuliyeen Xaafadda Gubta ay ku dileen Sagaal Askeri oo ka tirsan Ciidamada dawladda Abuu Muscab ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Dagaal uu sheegay inuu ka dhacay Degaanka Taabta ee hoos yimaada ama ka tirsan Gobolka Jubada Hoose halkaasoo uu sheegey in ay ku laayeen Tiro Ciidamada Kiinyaanka ah ee halkaa ku sugan markii Ciidamadooda ay qaadeen Weerar Dhuumaaleysi ah isla markaana Askarta Kiinyaanka ah ee halkaa ku sugan ay Rag fara badan kaga laayeen isla markaana gaadiid kaga gubeen.

Shiikh Cabdilcasiis ayaa sidoo kale soo qaaday weerar Gaadma ah oo ay jid gooyo ugu sameeyeen Ciidamo Itoobiyan ah oo Sahay u siday Ciidamo kale oo Itoobiyan ah oo ku sugan Magaalada Ceel Buur halkaasna ay ku guuleysteen inay dhabarka ka wareemaan Ciidamadaas isla markaana ay baajiyaan socodkoodii oo sida uu sheegay ahaa mid lugta ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

###

Warbixinadii SomaliTalk.com Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.