Home » Warar »

Musharaxa Madaxweynaha Xaaji Maxamed Yaasiin oo eedeyay saxiixayaasha Roadmap-ka.

Musharaxa madaxtimada Soomaaliya u taagan Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa sheegay in saxiixayaasha heshiiskii qariiradda kala wareega (Road Map) ay faraha kula jiraan odayaal dhaqameedyada ku shirayay magalada Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id uu ku qabtey magalada Nairobi, waxa uu Xaaji Yaasiin sheegay in xubnaha saxiixay heshiiska uu ku jiro hami siyaasadeed, isla markaane ay doonayaan ku cadaadinayaan odayaal dhaqameedyada iney u keenan xildhibaano iyaga taagersan.

“waa nasiib daro in nin doonayo in asiga la doorto in uu awood u leehyahay inuu doorto kuwii dooran lahaa” ayuu yiri Xaaji Yaasiin oo sheegay in qibrad loo wada leehyahay dowladii lagu dhisay Embagati iyo dhibatadii ay Soomaalida ka dhaxashey.

Xaaji Yaasiin waxa uu sheegay inuu usoo jeedinayo saxiixayaasha RoadMap-ka iney ka digtoonadaan waxa aan umada Soomaaliyeed dan u laheen, isagoo sheegay in umadda ay haatan ka bisishahay sidii hore markii muddo lagu soo hayay dhibaato

Dhanka kale mar u ka hadlayay dastuurka, Xaaji Yaasin waxa usoo dhaweeyay in la helo dastuur, waxase uu carabka ku adkeeyay in dastuurka uu haatan u muuqan mid taagero ka helayo shacabka, isagoo soo jeediyay in la qaato dastuurkii 1960-kii , laguna sameeyo is badbadalo kooban oo wacyiga la jaan qaadi karo..

Musharaxa Madaxweynaha Xaaji Maxamed Yaasiin

Waxaa soo tebiyey

Mohamed Mascud
mascudmedia [AT] gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Musharaxa Madaxweynaha Xaaji Maxamed Yaasiin oo eedeyay saxiixayaasha Roadmap-ka. "

  1. Jama says:

    Musharax Xaji Maxaed waa wadani fikrad wanaagsan isaga oo kale ayay somalia u baahantahay qof ka fekaraya dant guud iyo maslaxada ummadda maanta qofka ummada hogaaminaya waa in uu noqdaa hogaamiye danta somalia ka hormariya danah shisheeyahu ka leeyihiin somaliya.