Home » Warar »

Munaasabad lagu taageerayey xisbiga Hiil-Qaran oo Minnesota lagu qabtay

 

Munaasabad lagu maamuusayay soo dhaweynta Ururka Hiil-Qaran ayaa xalay lagu qabtay gobalka Minnesoto ee dalka Mareykanka, waxaana munaasabadda ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka socday qaybaha kala gadisan ee bulshada ku nool gobalka Minnesoto iyo waliba xubno kale oo ka socotay uruurada bulshada rayidka iyo Culuma’udiin Soomaaliyeed.

Mas’uliyiinta munasabadaaas ka hadlay waxay dhammaantood soo dhaweeyeen Ururka Hiil-Qaran iyo gudoomiyahada dhinaca siyaasadda ee ururka Prof Axmed Ismaciil Samatar, islamarkaasina lagu amaanay wax qabadka iyo qeyla dhaanta cusub ee ururka Hiil-Qaran uu la soo garab istaagay umadda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibad-ba iyo sidii loo garab istaagi lahaa dad badan oo ku dhibateysan xeryaha qaxootiga ee dhadhaab ee dalka kenya.

Dhanka kale, waxaa munaasabadii xalay khudbooyin dhaadheer kasoo jeediyay madax kala duwan oo ay ka mid ahaayeen: Saciid Faahiye oo ah madaxa jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota, Prof Cawo Cabdi , oo wax ka dhigta Jamacadda gobalka Minnesoto iyo waliba gudoomiyaha dhinaca siyaasdda ee Xisbiga Hiil-Qran Prof Axmed Ismaciil Samatar iyo xubno ka tirsan Xisbiga Hiil-qaran.

Cabdiqadir Jangeli, oo ah xubin ka ah Xisbiga Hiil-qaran ayaa ka war-bixiyey sabaabta keentay in la aas-aasos ururka magaciisi uu yahay Hiil-Qaran, isagoo ku micneeyey in uu yahay mid u hiilin doona dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo waliba soo celinta qarannimadii Soomaaliyeed oo burbur xoogan uu ku yimid 20-kii sano ee la soo dhaafay.

“Haddii aan nahay ururka Hiilqaran ee ah urur ku saleeysan ladagaalanka qabyaalada iyo ka fogaashaha cadaalad darrada ka jirta Soomaaliya waxaan abuurnay jidkii loo mari lahaa dadaalo badan laguna gaari karo habsami u-socodka siyaasadda cadaalada iyo la dagaalanka jahli oo sidii ay aheyd bari Soomaali oo ah in la taageero cidii ka shaqeyneysa cadaalada,” ayuu yiri madaxa siyaasadda ururka Hiil-qaran Prof Axmed Ismaciil Samatar oo la hadlayaay Soomaali badan oo ka soo qeyb gashay kulankii xalay.

Dhanka kale, waxuu Prof,Axmed Samatar ka warbixiyaay waxyabihii uu ku soo arkay mar uu booqday xeryaha qaxootiga ee dhadhaab oo ay ku jiraan Soomaali badan oo qaxooti ah, isagoo sheegay in ay dhibaatooyin fara badan oo dhinaca nolosha ah ay haystaan dadka xeryahaasi ku jira, islamarkaasna aysan hay’adaha gargaarka ee halkaasi ka shaqeeya aysan siin raashin ku filan oo dabooli kara baahida guud ee dadkaasi, waxaana uu intaasi raaciyey in madaxda siyaasada Soomaaliya looga baahan yahay in ay dadkaasi xaaladooda la socdaan.

Xisbigaan Hiil-Qaran ee ay dadka reer Minnesota xalay munaasibada taageerada ah ugu sameeyaan ayaa waxaa uu ka mid yahay tiro xisbiyo oo uloolamaya Siyaasadda soomaalida kana jira gudaha wadanka Soomaaliya iyo dibadaba.

Cabdiraxmaan D Nuur

Minneapolis Minnesota

Nuure1000@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Munaasabad lagu taageerayey xisbiga Hiil-Qaran oo Minnesota lagu qabtay "

  1. This comment is regarding Hussein samatar’s article, but it didn’t allow me to post my comments under his article.
    I was listening to the MPR on the day of the interviews. Evidently there’s a rift between you two, but its best that we let the past be the past. First and foremost, Professor Ahmed Samatar’s reputation is unassailable within the Somali society. I believe that your idea is focused on tribalism and to disintegrate Somalia into pieces like Puntland, Somaliland, and Jubba Land. It is worth noting that there are various different tribes located in these regions. If there was to be a referendum, most of these people would support Hiil Qaran’s idea which is a unitary central government. Therefore you cannot discredit Professor Ahmed Samatar because he has an overwhelming majority vote of the Somalia population. He may very well become the next president of Somalia due to his views on Somali unity. Others who lead Puntland and Somali Land are interested in their own well being by supporting federalism. For a country like Somalia federalism cannot work. We are a united people, with one religion and we belong to one sect in Islam, so it is not in our interest to be divided.