Home » Warar »

Mahiiga: “Odayaasha La isugu Keenay Muqdisho Waxay kala dirayaan Baarlamaanka Hadda ee Soomaaliya, waxayna soo xulanayaan baarlamaan cusub”

iyo Sheikh Shariif oo Qarammada Midoobey ka codsaday in Soomaaliya laga qaado Cunaqabataynta Hubka iyo Mahiiga Kulanka ka soo daahay, markaasna Sheikh Shariif dantu ku khasabtay in uu khudbadiisa jeediyo inta la sugayo Mahiiga….

iyo Sheikh Shariif oo la weydiiyey in dawladiisu ogolaansho siisay Yurub in ay burcadda ku weeraraan gudaha berriga Soomaaliya, waxaana uu ku jawaabey “faahfaahin badan arrintaas kama haysto, mana aqaani cidda ay arrintaas Yurub kala xiriireen.”

… Waxaa hadalkaas ka hor imanaya warka Afhayeenka xukuumadda KMG oo AP u sheegay in weerarkii diyaaradaha Yurub ku qaadeen tuulada Xandulle ee u dhow Xarardhere ay xukuumaddu si buuxda uga warhaysey…

  • SomaliTalk.com: Warbixin Kulankii New York, May 15, 2012

Kulankii golaha ammaanka ee Qarramada Midoobey ee looga hadlayey arrimaah Soomaaliya ayaa waxaa la qorshaynayey in marka hore uu magarafoonka ku hor maro Mahiga, laakiin kulankaas waa ka daahay muddo 20 daqiiqo ah, taas ayaa sababtay in magarafoonka lagu hor mariyo Sheikh Shariif.

Madaxweynaha Kumeelgaarka ee DFKMG ayaa markaas intii mahiga la sugayey waxa uu bilaabay khudabaddiisii. Waxaana Sheikh Shariif ka hadlay ansixinta dastuurka qabyada ah ee loo samaynayo Soomaaliya, waxana uu dastuurka cusub ku tilmaamay Dastuur kamid ah dastuurada ugu wanaagsan adduunka oo dhan, waxana uu sheegay in ay ka qayb qaateen culimo iyo odayaal iyo khubaro.

Waxa kale oo uu ka hadlay dawladda cusub oo la soo dhisi doono oo uu sheegay in uu beesha caalamka horteeda ka ballan qaadayo in ay bud-dhigayaan sidii loo dooran lahaa madaxweyne cusub ee Soomaaliya. Waxa kale oo uu sheegay in ay dhaqan gelinayaan Roadmap-ka.

Sheikh Shariif waxa uu Golaha Ammaanka ka codsaday in ay ka taageeran dhaqan gelinta dastuurka, ammaanka, dhismaha ciidan Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu sheegay si Ammaan la’aan wax looga qabto in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka, iyo in AMISON tiradooda la kordhiyo, ayuu yiri Sh. Shariif.

Madaxweynaha Kumeelgaarka ah waxa kale oo xusay shirkii London ee looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo Shirka Turkiga ee la qabanayo bisha Soo socota ee June.

Warsidaha InnerCityPress ayaa sheegay in sababta uu Mahiiga u soo daahay aya ahayd in uu kulan la lahaa sarkaal maraykan ah oo qaabilsan Afrika.

Khudabadii Sh. Shariif kaddib, waxaa markaas magarafoonka lagu wareejiyey Mahiiga, ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, waxana uu xusay in Sheikh Shariiif ay ka go’antahay in uu dhamaytiro kumeelgaarnimada dawladda Soomaaliya.

Sheikh Shariif oo dhegeysanaya khudabadii Mahiiga

Mahiiga waxa uu sheegay in bishan dhexdeeda la soo bandhigi doono dastuurka Soomaaliya si loo ansixiyo.

Mahiiga waxa uu sheegay in Muqdisho isugu keeneen 135 odayaasha dhaqanka, waxayna odayaashaasi soo xulayaan 825 xubnood oo ansixinaya dastuurka, xubnahaas (825) oo ku salaysnaan doona habka 4.5 ee qabiilooyinka.”

“Maadaama xilligan aysan jirin doorasho, ayaa odayaashaas la isu keenay ayaa asaas u ah sharciyadda in la soo xulo xubnahaas,” ayuu yiri.

Waxana uu Mahiiga markaas ku dhawaqay in odayaasha la isu keenay Muqdisho waxay kala dirayaan baarlamaanka hadda ee Soomaaliya, waxana ay markaas soo xulayaan baarlamaanka cusub xubnaha ka mid noqonaya. Baarlamaanka cusub ayaa markaa hoggan cub budhigaya bisha July iyo hoggaan cusub ee Soomaaliya bisha August 2012, ayuu yiri Mahiiga. Arrimahaasi waxay ku salaysan yihiin Roadmap-ka ayuu hadalka ku adkeeyey.

Halkan ka daawo Video khudabaah Mahiga iyo Shariif

Waxa kale oo uu ku celiyey hanjabaaadii uu hore ugu soo jeediyey waxa uu ugu yeeray ‘spoilers” ama carqadeeyayaal.

Sheikh Shariif: “Ma Aqaani Cidda ay Yurub kala xiriireen….

Mr. lee oo su’aal weydiinaya Sheikh Shariif

Kulankaas kaddib Sheikh Shariif ayaa si kooban ula ahdlay saxaafadda, waxaana markaas Matthew Lee oo ka tirsan Innercitypress uu sheikh Shariif weydiiyey in uu jiraan warar badan oo sheegaya in Midowga Yurub ay adeegsanayaan diyaardo gudaha Soomaaliya, ma aha badda oo keliya balse gudaha dhulka Soomaaliya, oo ay EU sheegeen in ay dawladada ogolaansho ka ahaysataan, ka warran arrintaas?

Sheikh Shariif waxa uu yiri “faahfaahin badan arrintaas kama haysto, mana aqaani cidda ay arrintaas Yurub kala xiriireen.” Hadalkaas ka daawo Video hoose.

Dhanka kale afhayeenka xukuumadda KMG in weerarkii Talaadadii ee ciidamada Yurub ku qaadeen meel u dhow Xarardheere ay si wanaagsan uga warqabtey xukuumadda Soomaaliya.

Dhawaanahan ayaa waxaa reer Yurub sheegayeen in ay burcadda ku cayrsanayaan ilaa 2 km gudaha berriga Soomaaliya.

Waxaa xigey in Talaadad May 15, 2012 ay hay’adda wararka ee AP werisey in diyaaraha Yurub ay duqeyeen tuulada Xandulle oo 18 km u jirta Xarardheere, meeshaas oo ah gudaha berriga Soomaaliya.

Inj. Yariisow oo ah afhayeenka xukuumadda KMG ayaa sheegay in weerarkaas o olagu qaaday Burcad badeed ay xukuumaddu si buuxda ulasocotey. (Akhri halkan)


Warbixin UN ee Soomaaliya halkan ka akhri

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.