Home » Announcements »

Maxaa ka Cusub Tartanka K/Cagta Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Jidda?

Ciyaaro ka tirsan Koobka Horyaalka Jaalliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la qabtay 11/05/2012 waxaana kooxuhu isu arkeen sedan: Jubba Airways waxay madaxa isla galeen L L P P – halka Xiddigaha Kakane iyo Iftin Stars ay wada cayaareen iyadoo Waberi Star ay la cayaartay Bakool iyadoo Blue Stars iyo Fc Alba-na ay cayaar adagi dhex martay.

Aan ku horeyno ciyaarta dhexmartey Kooxda Jubba Airways iyo L L P P ciyaartaasi aheyd ciyaar aan la sadaalin Karin Natiijadeeda waayo kooxda LLPP waxey ciyaartoydeeda ku sameeyeen Dib u habeen isla markaana la is lahaa wacdaro ayey soo bandhigi doonaan laakiinse ciyaartaasi qeybteeda hore waxey kusoo gabagabowdey 0 : 0, kooxda Jubba Airways oo beryahan looga bartey ciyaar wanaag ayaa waxey bedeleen Taktiigii ay kusoo galeen qeybta hore ee ciyaarta iyadoo guddoomiye C/risaaq Iimaan Xalane uu kooxda kula dardaarmey intii lagu jirey waqtiga nasashada inay la soo baxaan awoodii ay kooxda laheyd iyo farsamadii lagu yiqiiney kooxdana aysan fududeysan kooxda ka soo horjeeda.

Bilowgii qeybta labaad ciyaarta Kooxda Jubba Airways waxey lasoo gashey dar dar hor leh iyadoo ay heleen Rigoore fursadaasina uu ka qasaariyey Ciyaaryahanka Xaajiyow kuma niyada jabin kooxda jubba hase ahaatee waxey heleen fursado badan waxey halkaasi ku dhaliyeen 4 gool oo isdaba joog ah waxaa u kala dhaliyey ciyaaryahana kala ah No.9 Amiin Xasan Muudeey 1gool – No.18 Xasan Muuse 1gool ugu dambeyn No. 10 Zakariya 2gool. Sidaasina ay ciyaarta kusoo idlaatey 4 : 0 oo ay Kooxda Jubba Airways kaga Guuleysatey kooxda LLPP.

Ciyaartii labaad ayaa iyana waxaa fooda is darey Kooxda x.Kakane iyo Kooxda Iftin Star ciyaartaasi waxaa la dhihi karaa mid labada kooxood ba ay isku awood ahaayeen. bilowga ilaa iyo dhamaadka ciyaarta waxey labada kooxdood ku soo bandhigeen ciyaar heerkeeda farsamo aad u sareyso waxeyna isku mari waayeen 1 : 1.
Ciyaartii sadexaad ayaa iyana waxey dhexmartey kooxaha Waberi Star iyo bakool runtii waxey iyana ciyaartaasi aheyd mid adag ,labada kooxood ay isku awood ahaayeen iyadoo kooxda Bakool ay la soo shir tageen ciyaaryahanadii looga bartey , kooxda waberi Star iyana ciyaartasi aad moodey inaysan ka soo tegin ciyaaryahanadeeda kuwa ugu fiican waxaan halkaasi ugu awood sheegteen Bakool inay 1 : 0 kaga badiyaan . Ciyaartii afaraad ayaa iyana waxaa halkaasi kuwada kulmi kooxaha Blue Star iyo FC Alba waxaan ciyaartaasi soo xaadirin Kooxda FC-Alba waxaana dhibcihii si fudud ku qaatey Kooxda Blue Stars .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.