Home » Faallo »

QORISTA DASTUURKA ISLAAMIGA AH ( 2 ) !!!!!!

 

Maxaa Caawa Xalay Uga Eg :

Akhristoow Doodahaan Dastuurka ee Maalmahaan socda waxay I soo xasuusiyeen Dood Dhex martay Nin Atbaac Taabiciyiintii ka mid ah oo Reer Maka ahaa oo la Oran Jiray Shiikh Cabdi Caziiz Ibnu Muslim AL-kanaani RX oo la Dooday Shiikhii Muctaziladah ee Axmed Ibnu Daa,ud waqtigii Suldaankii Ma’muun ee Dhibaataddii ama fidnadii Abuurista Quraanka ( khalqul Quraan ) !!! Doodaas oo ka hordhacday Ma’muun hortiisa uuna ka ahaa Xaakim ayaa laga qoray kitaab la yiraahdo ( AL-Xiidah ) (1) .
Waxaa Shiikh C/aziiz la Su,aalay In Allaah uu ka mid yahay shay ashyaada ka mid ah ? Sida Aayadda Quraanka : ( قُلْ أَيُّ شَيْءٍ أَكْبَرُ شَهَادَةً قُلِ اللّهُ شَهِيدٌ بَيْنِي وَبَيْنَكُمْ وَأُوحِيَ )
Allaah wuxuu yiri : ( ku dheh Nebi Muhamadoow shay kee ka ahoo ugu weyn xagga maragga ??? Dheh Allaah …..) 6 : 19
Shiikhu Wuxuu ku jawaabay Allaah Aayadan Wuxuu ku sheegay in uu shay’yaasha ugu Markhaati weyn yahay ???? Se Aayad kale Ayuu Allah iskaga saaray in uusan jirin shay asaga la siman oo la mid ah Sida uu ku sheegay Suuratl Shuura : ( ليس كمثله شئ وهو السميع البصير
( Allaah shay u dhigma ma jiro ,asaguna waa mid wax maqla oo wax arka )
Haddaba waxaan sheekadaan ka soo qaadaneynaa labo waxyaalood oo kala ah :

1) In erey bixintu banaan tahay haddii ay xagga Allaahba ka suubatay oo Allaah SWT uu isku Dhex daray khalaa’iqdii uu Abuuray oo uu yiri ( shay kee ka ahoo Markhaati ugu weyn ) Haddana uu ku jawaabay ALLAAH.
Akhristoow taas waxaan macnaheeda ka wadaa Dastuur waa kalimad carabi ah oo u dhiganta Xeer markii Af Soomaali la fiiriyo,u dhiganta Constitution markii la fiiriyo Afka English IWM.
Haddii aan ku sii Far weyneeyo Sow Allaah Jannada nooguma sheegin in laga helo Canab,Timir,khamri,Caano IWM Sow Haddana Nabigu NNKH nooma sheegin in aysan isku mid aheyn ee magaca uun ay wadaagaan .
Haddaba Shareeca Islaamiyah Markaan u sheegeyno Dad aan Shareeco ku dhaqmin waan in aan ugu sheegnaa wixii ay u yaqaanaan oo ah Dastuur haddii kale la isma fahmaayo.
Marka sidaan horayba u soo sheegay Dastuur Markaad Maqasho yuusan kugu soo degdegin Dastuur Calmaani ah ee sug waxa loo nisbeeyo macnaa loo tiiriyo, ma mid Calmaani ahbaa mise waa Dastuur ISLAAMi ah ??????!!!.

2 ) Midda labaad aan Doodaan ka qaadaneyno waa haddii aan Dood la isku Aamusiineynin oo Ruuxa aad la doodeysaa aadan meel ku soo Xiran uusan ka bixi kareynin, Dood Cilmiyeysan ma ahan sida Doodaan AL-XIIDAH oo Ninkii Muctazaliga ahaa la aamusiiyey ilaa uu Xaakimkii Ma’Muun uu yiri Wuu Gaaloobay asagoon is ogeyn, ka Akhristo Doodaas oo dhameystiran Kitaabkaan AL-XIIDAH.

Mashaakilaadka Horyaal in la Qoro Dastuurka ISLAAMIGA ah :

Wuxuu yiri Mawlaana AL-Shiikh Abuu Aclaa AL-Mowduudi asagoo wali sii wata Hadalkiisii :

[ Afartaas Masdar ee uu leeyahay Dastuurka Islaamiga ah inkastoo uu ku Qoran yahay Kutubta , Dadkuna aysan ka suulin in ay akhrinayaan ayaa Haddana Mashaakilaad Maanta naga haystaan .
Quraankii waa xafidan yahay, Sunnadii Rasuulka Iyo Ficilkii Saxaabadda iyo Afkaartii Mujtahidiinta kuligood Kutubta bay ku Qoran yihiin , wax maqanna ma jiraan.
Haddana waxaa jira Mashaakil Iyo Dhibaatooyin na soo waajahaysa , haddii aan doono in aan wax ka soo qaadano Dastuurkeenii aan Qorneyn oon hagaajino oon u soo saarno hab Dastuur qoran ah.
Shiikhu Wuxuu yiri inta aanan u guda galin Cadeymaha waxaan jeclahay in aan mashaakilaadkaas soo bandhigo
oon xaqiiqadeeda cadeeyo , waana Afar Mushkilood oo kala ah :

1 ) Erey bixinta Diinta oo adag :

[ Mushkiladda kowaad waxay ka timid dhanka Luqadda Carabiga ah, taas caddeynteeduna waxay tahay Dadka waqtigaan jooga Badankiisu ma fahmayaan Luqadda ku soo aroortay Quraanka Iyo Kutubta Xadiiska Iyo Kutubta Fiqhiga ee ah Erey Bixinta Axkaamta iyo Mabaa’dida Dastuurkaba ,Maxaayeelay Nidaamka ISLAAMKA ee Siyaasiga ah waqti badan Ayuu Adduunkan ka suulay, maanta lama maqlaayo Erey bixintaas.
Quraanka Kariimka ah Maalin kasta waan akhrinaa Laakiin ma fahmeyno Erey Bixintiisa Dastuuriga ah sida Suldhaan,Mulki,Xukum,Amar, Wilaayo IWM Ereyadaas Dad yar baa fahmaaya .
Waxaan Kaloo aragnay in dad badan oo ka mid ah ragga wax bartay ay na weydiinaaya ayago wareersan , Quraanka ma ku jiraan Arrimo Dastuuri ah ???? Waa markay Arkaan annagoo ka hadleyna Dastuur ISIAAMI ah,
Waxay oranayaan ma Quraanka Ayey ku jirtaa Aayad Dastuur ka hadleysa ???? ( 2 ) Taas in aan la yaabno ma ahan ,maxaayeelay Quraanka kuma jirto Suurad magaceeda la yiraahdo ( Dastuur ) Sidoo kale Aayad Ereybixinta Qarniga labaatanaad oo kale leh, sida Qaanuun ( jurisprudence ) kuma soo degin Quraanka !!!!!!.

2 ) Kutubta Fiqhiga ee hore oon si Habeysan u Qorneyn :

Mushkiladda labaad waxay ka timid Arrimaha Dastuuriga ah lagama helaayo meel qura in ay uga qoran yihiin
Kutubteena Fiqhiga sida Baabab la yaqaano oo u gaar ah Laakiin Dastuurkii baa ku Dhex qasmay Qaanuunkii.
Si aan shaki ku jirin bay Fuqahadii Islaamu ay si buuxda uga hadleen Arrimaha aan u naqaano Arrimaha Dastuuriga ah, Laakiin waxay ku kala dhex daadsan yihiin meelo kala duwan haddan Qaar ka mid ah ka helno Kitaabka Qadaha ( Al-Qadaa ) waxaan Mid kale ka heleynaa Kitaabka Madaxtinimada ( AL- Imaarah )mid seddexaad waxaan ka heleynaa Kitaabka Siiradda, mid kale waxaan ka heleynaa Kitaabka Nikaaxa Iyo Furiinka, ka Shanaadna Kitaabka Xuduudda kan lixaadna Kitaabka Fa’yga IWM.
Sidoo kale Luqadooda Iyo Ereybixintooda ku soo aroortay Kutubtooda aad bay uga gedisan tahay Ereybixinta maanta faafsan ee loo isticmaalo Cilmiga Qaanuunka , Xataa Midka aan aadka u aqoonin Quraanka micnihiisa Iyo Fasiraadiisa Amaba Luqadda Carabiga ku firfircoonayn( 3), ma suurtowdo in uu Haatan wax ka fahmo Qawaaniinta Caalamiga ah haddii ay ku dhex timaado Qawaaniinta Wadanka dhexdiisa loogu tala galay ama Arrin ku saabsan Arrimaha Qaanuunka Dastuuriga ah haddii laga Dhex helo Qawaaniinta Arrimaha Qoyska.

3 ) Nidaamkeena Tacliinta oon Habeysneyn :

Mushkiladda Seddexaad waxay ka imaaneysaa dhanka waxbarashadeena oo in mudo ah ku dhisneyd Nidaamka aan fiicneyn ama aan Habeysneyn.
Waxaad arkaysaa kuweena Diinta barta Waxba Kama garanayaan Cilmiga Siyaasadda Cusub Iyo Arrimaha ku saabsan , Sidoo kale Waxba Kama yaqanaan Qaanuunka Dastuurka iyo wixii la xariira.
Waxaad arkaysaa ayagoo Cimrigooda ku dhameystay Barashada Quraanka Xadiiska,Fiqhiga Laakiin ay Dhibaato ku tahay in ay fahmaan Arrimaha Siyaasadda Iyo Dastuurka Cusub ayagoo ku fahmaaya Luqadda Cusub Iyo Ereybixinta maanta faafsan, Si ay Dadka ugu cadeeyaan Mabaa’dida ISLAAMKA Iyo Axkaamtiisaba.
Culumadaasi waxay u baahan yihiin in ay Bartaan Ereybixinta casrigan ee Arrimaha Dastuuriga ah , si ay ugu fududaato in ay Dadka u Sharxi Karaan Mabaa’dida Islaamka Iyo Axkaamtiisaba, sidoo kalena waxay si fudud u sheegi Karaan meesha Daliilkiisu kaga jiro Quraanka Ama Sunnaha ama Culuumta Fiqhigaba.
Dhanka kale haddan fiirino ragga mutacalimiinta ah ee bartay Cilmiga Adduunyo , Kuwaas oo maanta maamula Siyaasadeena madaniga ah Iyo mideena Qaanuuniga ahba aad bay u yaqaanaan Arrimahaas oo wey soo Barteen , Laakiin ayaguna ma yaqaanaan Arrimahaas waxa ay Diintoodu ka qabto .
Mana ka garanayaan inta ay ka garanayaan Dastuurka, Qaanuunka Iyo Siyaasadda – intay ka soo qaateen mooyee manaahijta Reer Galbeedka – ayadoo Lala qabo in ay aad iyo aad u yartahay waxa ay ka garanayaan Quraanka Iyo Sunnaha amaba Dhaqanka guud ee ISLAAMKA.
kuwooda Qalbiga ka Jecel Nidaamka Siyaasadda ee ISLAAMKA waxay si aad ah maanta ugu baahan yihiin in aan u bayaanino sida Islaamku u xaliyey Arrimahaas Dastuuriga ah oon ugu sheegno Ereybixinta iyo Asluubta ay yaqaanaan, waa ta Maanta lagu Barto Cilmiga Qaanuunka ( Jurisprudence ).
Mushkiladanina waa mid caqabad ku ah sidaan u Qori lahayn Dastuurkeena ISLAAMIGA ah ee Toosan .

4 ) Sheegashada IJTIHAADKA ayada oon Cilmi loo lahayn :

[ wuxuu yiri Shiikhu asagoo sii wata Hadalkiisii Mushkuladda ugu dhibta badan waa mid Maalmahaan soo baxday oo ah mid lagu Qoslo waana arrin Cusub oo sheegayaa : ( Islaamka ruux Kali ahaan u leh ma jiro )!!!!!
Waxay dhahayaan Culumadu xaq uma laha kaligood in ay Khaas iskaga dhigaan Cilmiga Diinta, Shareecadda Iyo Quraankaba ooy kaligood ka hadlaan, Laakiin Muslimiinta oo dhan ayaa xaq u leh.
Hadalladaas waxaa ku hadaaqaaya kuwa aan Diinta Waxba ka aqoonin , Quraanka Iyo Sunnahana aan ba baran,ayagoo xataa dareemin ka gaabintooda ogaanshaha Diinta ISLAAMKA, kuna dadaalin in ay Bartaan.
Haddii aan sidaas u deyno arrintu barito wey ka sii dareysaa oo mid baa imaanaya oo oranaya wax Xukun ah Diinta kuma jiro, markaas waa in uu qof kastaayi ka hadlaa Qaanuunka Xataa haddii uusan wax uga bilaabmeyn.
Markaas kadib mid kale ayaa imaanaaya oo oranaya Cilmiga xisaabta ee AL-jabrada ma jirto waana in uu qof kastaayi siduu rabo uga hadlaa , kadib mid kale ayaa oranaaya Waxbarashada Cilmiga Daaweynta ma jirto waa in Ruux kastaayi Dhakhtar iska noqdaa oo Ruuxii uu doono Daaweeyaa asagoon baranin Cilmiga Daaweynta.
Haddaba waa la yaabe sidee bay Arrinkaan Qaldan dadku ugu indho adeygi karaan oo Ummadda ugu lumin karaan fikradooda Qaldan Iyo oraahdoodaas Baadilka ah !!!!!!.
Waa run oo Islaamka Ruux Kali ahaan u leh jiro ( laa kanhuutiyah fil Islaam ) Laakiin taas macnaheedu maxay tahay maanta ? Macnaheedu waxaa waaye ISLAAMKU sida DIINTA YUHUUDA oo kale ma ahan oo Qabiil kaliyayah oo Yahuudda ka mid ah ayaa kaligiis xaq u yeelan kara in uu asaga Kaliyah Diinta Yahuudda Barto ama Arrimaha Diinta Yuhuudda kaligiis ka shaqeeyo , Sidoo kale Islaamku ma ahan sida Nasaaradda oo Diinta Iyo Dhaqanka Adduunkan uma kala saaro labo Qeybood oo Diintana ay Wadaadada Pop-ku ay Diinta kaligood maamulaan, Dawladdana Boqoraddu ama Madaxweynayaashu ay kaligood maamulaan ( Secular ).
Waxaan kale oon shaki ku jirin in aan Ruuxna kaligiis ku Takhasusin Cilmiga Shareecadda amaba Quraanka Iyo Sunnaha , Culumanimaduna aysan Qoys Kaliyah ku koobnaanin ooysan iska dhaxlin ab ka ab, Ooysan kaligood Diinta ISLAAMKA ka hadlin ama Barashadeeda kaligood Muslimiinta kale kala gaar ugala noqonin. ( 4 ).
Sida Ruux waliba ugu fududahay in uu Dhakhtar noqdo ama Cilmiga Xisaabta Barto amaba Garyaqaan noqdo,
Ayey ugu fududahay in uu Diinta ISLAAMKA uu Barto oo uu ku takhasuso haddii uu qeyb waqtigiisa ka mid ah uu ku bixiyo , markaasna xaq buu u leeyahay in uu ka hadlo Arrimaha Diinta.
Waa taas macnaha runta ah in uusan Ruux Kaliyah Islaamka kaligiis ka tarjumin , ee macnaheedu ma ahan in uu ISLAAMKU noqdo kubbad ama Banooni qof kastaayi iskaga Ciyaaro asagoon Baran.
Haddii aysan sax aheyn ama aan la aqbali Karin in Ruux kastaayi sheegto in uu Mutakhasis ku yahay Arrimaha Adduunyada Asagoon soo Baran,Sidee baan uga aqbalnaa Arrimaha Diinta in Ruux kastaayi ka hadlo asagoon Cilmi u laheyn usuusha Diinta Iyo ma’baadideedaba ????!!!!!!!!.

Middaan waa Mushkiladii Afaraad oo waayahan soo baxday marka la doono in la Qoro Dastuurka ISLAAMIGA ah , ayadaana ugu adag Mashaakilaadka kale, maxaayeelay Mashaakilaadka kale waa la xalin karaa haddii Dadaal lagu bixiyo,Qaar ka mid ahan waaba lagu Guuleystay, Laakiin mushkiladdan Afaraad wey adag tahay Siiba marka ay ka imaaneyso kuwa maanta Majaraha u haya Maamulka Dalka amaba Madaxdeena ] Wuu dhamaaday Hadalkiisii .kitaabka Tadwiim ALdustuur AL-Islaami Bogga 12-17.

Haddaba Akhristahaygoow haddii aan wax yar kuu faahfaahiyo Afartan Mushkiladood oo uu noo sheegay Shiikhayga Abuu Aclaa AL-Mowdoodi , oon kuugu soo qaato Tusaalooyin cad cad si aad ugu fahamto ayaan waxaan oranayaa :
1) Ereybixinta Diinta waa lagama maarmaan iyo in aan is waafajino Culuumteenii hore ee ISLAAMKA Iyo Ereybixinta Casriga ah, oo Markaan Dadka u sheegeyno Shareecah ISLAAMIYAH waan in aan ugu sheegnaa waxa ay fahmayaan ama uba yaqaaniin sida Dastuur amaba Qaanuun !!!!!!.
Sida Nolol maalmeedkeenaba aan Dadka aan kala Luqadda nahay isku fahamno , haddii kale Noloshu dhib Ayey noqoneysaa sida Adduunweynuhu isku fahmi lahaa !!!!.
Taas waxaan ka wadaa Shareecah Al-ISLAAMIYAH waa ka guda Ballaartan tahay Dastuur ay Dad Qorteen Laakiin waa in aan Dadka aan fahmeynin Luqadda ISLAAMKA ugu sheegnaa macno ay fahmi karaan oo ah Dastuur amaba Qaanuun IWM.

2 ) Waa jiraan baan filayaa Cilmi baaris ( Research ) lagu sameeyey Culuumta Diiniga ah ee ISLAAMKA amaba EREYBIXIN la waafajiyey Culuumta Maadiga ah , amaba Hay’addo Arrimahaas Cilmiga u leh amaba isku taxalujiya Sida ( The Institute of Islamic Research) Amaba Machadka Tadbiiqa Shareecadda Islaamiga ah ee Dalka Pakistaan, amaba Jaamicadaha Shareecadda Islaamiga ah ee Dalka Sacuudi Carabiya Sida Jaamicadda Imaam Mohamed bin Sacuud ee Riyaadh qeybteeda Machadka Sare ee Qudaadha IWM.
Meelahaas oo Dhanba Iyo kuwa kale oo fara badan oo Caalamka Islaamiga ah ku firirsan waxay isku taxalujiyaan in ay si fudud u Tarjumaan kutubteeni hore ee Fiqhiga ISLAAMIGA ah ayagoo adeegsanaaya EREYBIXINTA Casriga ah ( terminology ) .
3 ) Akhristoow waa run in labada qolo ee maanta isku haysa fagaarayaasha Cilmiga Diinta Iyo kuwa Maadiga ah ay Qoloba aysan Qolada kale war u hayn amaba Haddana si kale u Iraahdo qolkastaayi Cilmiga tan kale garaneynin, waana Meesha Dhibaatadu ka jirto.
Haddan Arrinkaan Tusaale u soo qaato waxaan arkeynaa Culumadeena Soomaaliya kuwii hore Iyo kuwa Maanta joogaaba in ay Cilmi Ballaaran u leeyihiin Cilmiga Diinta Ninba intuu doono haka qaatee, se ay aad Uga aradan yihiin Cilmiga Maadiga ah amase aysan isku taxalujin.
Waxaa taas ku sii dartaa ayagoon Cilmiga ama Qaanuunka Dawliga ah Waxba ka aqoonin Ereybixintiisa taas oo uu Shiikh Abuu Aclaa ku soo sheegay qoddobkiisa Seddexaad, si ay Ummadda ugu Sharxi karaan ama isku waafajino karaan Qaanuunka Caalamiga ah Iyo Arrimaha Shareecadda ISLAAMKA ah .
Akhristoow ma lihin Culumo Mufakiriin ah oo wax ikhtiraaci Kara macnaa wax soo saari kara Sida Caalimkeenaan Mowlaana Abuu Aclaa Mowduudi Allaah ha u Naxariistee ama Sida Mufakirkii weynaa ee Casrigaan Sayid Qutub Raximahu Allaah, ama Mufakirkii Reer Aljeeriya Dr. Mohamed AL-Bahyi Sidoo kale Rag Diinta Iyo Qaanuunka Maadiga ah ku takhasusay Sida DR. Xasan AL-Turaabi ama Rag ku takhasusay Cilmiga Iyo Daraasaadka Reer Galbeedka sida Shiikh Mohamed Qutub Iwm.(5 )
Sidoo kale Garyaqaannadeenii hore Iyo kuwa maantaba ( 6 ) Cilmi fiican uma laha Shareecadda Islaamka aad bay ayaguna Uga aradan yihiin, walow Jaamicadeenii Gahayr looga soo bixi Jiray Qeybta Sharciga ( leejo ) !!!!!.

4 ) Mushkiladda Afaraad waa mid jirta se lagu xakameyn karaayo inta Culumadeenu ay kasi karaan amaba ay ka jawaabo karaan umuuraha Diinteenu kaga hadashay Arrimaha Shareecadda Islaamka una Tarjumi karaa Luqadda Casriga ah ee Qawaaniinta Dawliga ah .
Haddii taas dhacdo ragga Siyaasadda waa la jajuubi karaayaa oo cagaha lagu soo fariisin Karaa se ma Haynaa Culumadaas oo kale oo Afka ka laxaamadi Kara macnaa ka xiri Kara Sidii Shiikh C/AZIiZ Bin Muslim AL-Kanaani AL-MAKI uu u Aamusiiyey Muztazaligii Axmed bin Daa’uud Ama Shiikh Shaafici uu Shabaab u Aamusiiyey !!!!.

Waa inoo Qeyb Seddexaad oo Shiikhu kaga hadlaayo Dhismaha Dawladda Islaamiga ah !!!!!!.

FII AMAANI LAAH !!!!!.
Shiikh Sahid Mohamed Yusuf
USA, VA
AL- Muthakhasis Fil Xarakaat AL-ISlaamiyah

1 ) kitaabkaas inkastoo la dhaho waa Qiso aan la hubin, Haddana waa qeyb ka mid ah Taariikhdeena.
2 ) Nin Reer Pakistaan ah oo madax ah ayaa Sharad lacag ah baan bixinayaa yiri Ruuxii Quraanka iiga keena Aayad Dastuurka ka hadleysa, markaas baa Mowlaana Abuu Aclaa Muxaadaro Arrinkaas ku saabsan jeediyey lacagtiina ku guuleystay .
3 ) Wuxuu Shiikhu ka wadaa Wadaadada Axkaam Leyda ah in aysan Arrimahaas furdaamin kareynin ee loo Baahan yahay Mufakiriin wax amaamudi Kara.
4 ) Sacuudi Carabiya waxaa jooga Qoys la yiraahdo Reer AL-Shiikh oo ku Abtirsada Shiikh Mohamed Bin C/wahaab Rx Qoyskaas oo Diinta barta ab ka ab se kaligood laguma koobo Barashada Diinta ISLAAMKA ee mararka Qaarkood kuwa ka Cilmi Badan ayaa soo bixi kara sida Culumadda Ibnu Baaz Iyo Cuthaymiin RC.
5 ) Waa Dhici kartaa in Mufakiriintaa Islaamiga ah aan magac dhaway in Dadka Qaarkiis wax ku haystaan se Ruux Bani’ Adam ah baanan Cismad laheyn marka laga reebo Rususha RSW oo Waxyigu Saxo.
6 ) Marka laga reebo Garyaqaan C/waaxid Siikh Cusmaa qalle oon u arko mid Wado fiican ku socda marka laga hadlaayo Isbarbardhigidda Shareecadda ISLAAMKA iyo Qaanuunka Caalamiga ah oo Mustaqbalka laga rajeynaayo in uu ereyo badan Iyo Qawaacid badan is heleeshiin doono INSHAA-ALLAAH .
Sidoo kale Shiikheena Mustafa Xaaji Haaruun baa wax badan Uga Duwan Culumadeena Casriga ah habka Isbarbardhigidda Diinta Islaamka Iyo Ilbaxnimada Reer galbeedka, taas oon filayaa Wuxuu dheer yahay Akhrinta Kutubta Fikriga ah ee ay Qoreyn Qaar ka mid ah Mufakiriinta aan soo xusnay Iyo kuwa kaleba .

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " QORISTA DASTUURKA ISLAAMIGA AH ( 2 ) !!!!!! "

  1. suleiman says:

    maasha Allah sheikh saahid aad ayuu inoogu balbalaariyey minnacaha dastuurka iyo waliba faaiidooyin badan oo uu maqaalku xambaarsanaa.
    jazakaAllahu khayr.

  2. abadallah says:

    Shaahid 21 iyo kow sano ayaad sheegtay inaad takfiir ahayd, oo aad waalidkaa, walaalahaa, qaraabadaada iyo umadda soomaaliyeedba aad gaalnimo ay bari ka yihiin ku sheegeysay, waa caqli xumo aad ku talax tagtey, maantana waxaad taagan tahay daraf kale oo aad culimadii aad ku sheegayso kuwo wax socdaba aanan war u heynin.
    ilaahayna umadda muslimiinta ah wuxuu ka dhigay umad dhexdhexaad ah oo u dhexeeya xadgudub iyo gaboodfal ama gaabis.
    ninyahow wax baa si kaa ah,, ama caqligaaga ayaan taam ahayn, ama wax kale ayaa jira.
    wabillaahi tawfiiq.