Home » Warar »

Minnesota: Bannaanbax looga soo horjeedo xiritaanka Xawaaladaha oo ka dhacay Minneapolis

Dadweyne farabadan ayaa Jimcadii isugu soo baxay barxadda farasmagaalada Minneapolis. Bannaanbaxaas oo looga soo horjeeday qorshaha ay bangiyada Maraykanku ku diideen lacagta ay Soomaalida Minnsota u xawilaan eheladooda.

Dadkii halkaas isugu soo baxay ayaa sidey tabeelayaan ay ku qoran yihiin in ay bangiga lacagtooda kala bixi doonaan oo akoonadooda ka xiran doonaan haddii aan bangigaasi aqbalin xawilaadda lacagaha.

Waxaa jira in laga cabsi qabo in May 30, 2012 uu bangigii ugu dambeeyey uu joojiyo xawiladda lacagaha laga diro Minnesota, taas ayaa dadweynuhu ka mudaharadayaan kana muujiyeen cabasho ayadoo xawaaladuhu ay yihiin meesha keliya ehelada loo sii marsiiyo lacagaha.

Hoos ka Daawo Video bannaanbaxa:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Minnesota: Bannaanbax looga soo horjeedo xiritaanka Xawaaladaha oo ka dhacay Minneapolis "

  1. Cadde Axmed says:

    Lacagta Somalidda intey ku naaxeen bay haddana isku dayayaan iney xayirad ku sameeyaan lacagta dadka bahan loo dirayo iyo eheladdii Somalia ee aan wax shaqo ama dowladd saacideyso lahayn. Waxan aamin sanahay iney Somalidda Bankiga Islami ah sameystaan oo iyagga u gaar ah, si ay umaddaha kale iyo iyaggaba ugu munafacadna xor-na uga noqdaan hagardaamooyinka noocaan ah. Waayo Maahan waqtigaan qarnigga 21aad in lagu diirsanaado, (Islamic Financial System ) waa Muhiim si xor looga noqdo kooxaha noocan oo kale ah.

  2. Cadde Ahmed says:

    daawo link-ga hoose
    https://www.youtube.com/watch?v=seEpf-bmnIQ