Home » Warar »

Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed oo si Kulul u Weeraray Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Shiikh Axmed Dhicisow ayaa sheegay in Xukumadda Soomaaliya xiligan ay ku hawlan tahay sidii dalka ay uga hir gelin lahayd Dastuur Shacabka Soomaaliyeed u si weyn uga soo hor jeedo. Guddoomiayaha ayaa sheegey in dastuurkaasi gebi ahaantiisaba u yahay mid ka fog shareecada iyo dhaqanka Soomaaliyeed isla markaana ay dabada ka riixayaan Dad dano gaar ah ka leh.

Sheikh Dhicisow ayaa farta ku fiiqay in barlamankii dalku lahaa uu lumiyay kalsoonidii shacabka isla markaana uu barlamanku xiligan yahay mid aan jirin Shiikha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in Maalinimada Jimcaha ah ee soo socota shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay dibad baxyo isugu yimaadaan kaasoo looga soo hor jeedo Shirka iminka Odoyaasha Dhaqanka Magaalada Muqdisha uga soconaya isla markaana la doonayo in lagu ansixiyo Dastuurka qabya qoraalka.

Guddoomiyaha ayaa muddooyinkii danbaba waxa uu waday olole uu si weyn uga soo hor jeedo Dastuurka haatan loo fadhiyo sidii loo ansixin lahaa laguna soo xuli lahaa Xubnihii ansixin lahaa Dasturka muranka badan dhaliyay.Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa hore u sheegey mowqifkooda ku aadan sida aysan marnaba u aqbalayn dastuurka imanka qaban qaabadiisu ay socoto iyagoona ku Duray in ay ku jiraan qodobo badan oo u baahan in wax laga bedelo.

In kastoo Mucaaradadaas ballaaran ay jirto ayaa haddana Mas’uuliyiinta sare ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku adkaysanayaan in dastuurkani la ansixin doono wixii urxaan ah eek u jirana la turxaan bixin doono. Si kastaba maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka jiray shirar looga soo hor jeedo Geeddi socodka Dastuurka qabya qoraalka ah ee ka soconaya Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.