Home » Warar »

Ciidamada Itoobiyaanka oo Toogasho ku Dilay Nin Ganacsade ahaa ka Gadaal Markii Gaadiid ay Wateen Qarax lala Eegtay.

Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan gudaha Magaalada Beled Weeyne ee Gobolka Hiiraan ayaa Arbacadii qarax Nooca Miinada ee Sheeda laga hoggaamiyo ah lagula Eegtay xaafadda Hawl Wadaag ee Magaalada Beled Weeyne. Kolonya Gaadiidka Ciidamada Itoobiyaanku ay wateen ayaa Qaraxaas lala eegtay taasoo sida dad arkayay ay ku soo warameen uu Khasaare soo gaaray Ciidamadii la socday Gaariga uu qaraxu haleelay.

Khasaaraha dhabta ah ee gaaray ciidamadaas ayaan la ogaan Karin iyadoo ciidamada Itoobiyaankuna aysan ka hadal khasaaraha ay gaystaan iyo midka loo gaysa toona. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa qaraxaas kadib waxa ay Oodda ka qaadeen Rasaas halkaasoo uu ku dhintay Nin Ganacsade ahaa oo si weyn looga yaqiiney Magaalada Beledweyne .

Warku waxaa uu intaa ku daray in Ciidamadaas oo ay kaabayaan Ciidamada dawladda in markiiba baaritaano ay ka bilaabeen guud ahaan Magaalada beled weeyne. Hawl galka Baaritaanka ah oo ay Ciidamadu samaynayaan ayaa illaa iyo iminka halkaa ka soconaya in kastoo aan la caddeyn dadka ay ku soo qab qabteen hawl galkaas.Ciidamada Itoobiyaanka ayaa tan iyo markii ay soo galeen magaalada Beled weeyne waxa ay la kulmayeen falal qaraxyo iyo weeraro gaadma ah taasoo bedelkeeda ay iyaguna Magaalada cadaadis xoog leh saareen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.