Home » Warar »

Qaar ka mid ah Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii Magaalada Dhuusa Mareeb oo Diyaarado laga leeyahay Itoobiya u qaadeen Adis-Ababa

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guri Ceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta Magaalada Guri Ceel laga duuliyay illaa Todoba Xnbnood oo ka mid ah Dadkii Shalay ku dhawaacmay Qaraxii ka dhacay Magaalada Dhuusa Mareeb.Dadkan Maanta laga duuliyay Magaalada Guri Ceel ayaa waxaa ka mid ahaa Mudane ka tirsnaa Baarlamanka iyo Siyaasiga Axmed Cabdisalaan

Dadkan oo ay kala qaadeen laba Diyaaradooda oo Nooca Qumaatiga kaca ah oo laga leeyahay Dalka Itoobiya ayaa waxaa kaloo ay ka qaadeen Wariye ka tirsanaa warbaahita Gobolkaas ka hawl gasha, Askari ka tirsanaa Ciidamada Ahlu Sunna iyo Laba Ruux oo kale oo Rayid ahaa.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa fududeeyay sidii dadkaas dhaawacoodu darnaa oo gaarsiin lahaa Dalka Itoobiya halkaasoo lagu soo daaweyn doono, Dowlada Federaalka oo iyadu u diyaarisey Diyarad Khaas ah ayaa waxaa markii dambe lagu wargeliyey in ay yimaadeen laba Diyaaradood oo laga leeyahay Dalka Itoobiya iyadoo markii la qaadayey Dhaawacaas si aad ah loo ilaalinayey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhuuso Mareeb

Dhinaca kalena waxaa subaxnimadii hore ee Saaka Xabaalaha Magaalada Dhuusa Mareeb lagu aasay Xubnihii iyaguna shalay qaraxaas ku geeryoodey iyadoo aaskoodana ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Wafdigii halkaas booqanayay iyo Mas’uuliyiinta ahlu sunna ee Gobolka Gal gaduud.

Mudane ka tirsan Barlamanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in ay is qaybiyeen qaar iyaga ama wafdigoodii ka mid ah in ay u direen magaalada Guri ceel si ay halkaa uga ambabixiyaan Dhaawacyada intoodii kalena ay ku sugan yihiin Magaalada Dhuusa Mareeb halkaasna ay ka wadaan hawlihii ay u yimaadeen Gobolka.

Dhinaca kale Ciidamada Maamulka Ahlu sunna wal Jamaaca ayaa hawl galo baaritaana ah ka sameyay gudaha magaalada Dhuusa Mareeb.Ciidamadan oo sida la sheegay qaarkood watay Gaadiidka Dagaalka ayaa la arkayay iyagoo galayay meelo gaar ah isla markaana dad ka soo wadaya.

Ciidamada ayaan si kala sooc lahayn Dadka u baarayay gaar ahaana meelo ka mid ah magaalada Dhuusa mareeb.Dadkii Maanta hawl galkaas lagu soo qab qabtay ayaa iminka waxaa ay ku xiranyihiin Xabsiga magaalada iyadoona arrintooda la baarayo xiligan.Sarkaal u hadlay hawl galkaas oo ka hadlayay hawl galka ay sameeyeen magaalada Gudaheeda ayuu sheegay in ay soo qab qabteen tiro dad ah oo looga shakisan yahay falal amnidarra ah isla markaana ay wadaan baaritaano la xiriira arrimahaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.