Home » Warar »

Kulankii Soomaalida Minnesota ugu mahad celiyeen Turkiga oo uu ka qayb galay Shirkii Safiir kuxigeenka Turkiga u fadhiya USA

Somalitalk Minnepolis: Shir si aad wanaagsan loo soo agaasimay ayaa ka dhacay Minneapolis, Sabti 04/28/2012 Shirkaas oo looga gol lahaa Soo dhawayn iyo mahadcelin loo naqayey Dowlada Turkiga iyo shacabkeeda.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota ayaa waxay marti qaaday Masuuliyiin ka socday Safaarada Turkigu ku leeyahay Maraykanka.
Wafdiga ka socday Safaarada Turkiga waxaa hogaaminayey Timur Soylemez oo ah ku xigeenka Safiirka turkiga u fadhiya Maraykanka. Sidoo kale waxaa lasocday Mudane Gunay Evinch oo ah Lawyer iyo hogaamiyaasha Turkishka Maraykanka dagan.

“Waxaan u aragnaa Gurmadka iyo caawinta Dowlada Turkiga inay tahay Caawimaad walaalnimo iyo in Soomaaliya markale dib lugaheeda isugu taagto” sidaa waxaa yiri Xasan Dhooye oo ka mid ahaa qaban qaabiyayaasha shirka.

Shirka waxaa wacdi kooban ku furay Sh. Sacad Muse oo ka mid ah Culimmada Magaalada. Kadibna waxaa khudbad kooban kazoo jeediyey Xasan Dhooye kana hadlay dulucda shirka iyo sababta keentahay soo dhawayntaan iyo mahadcelintaan. Waxyaabihii uu xusay waxaa kamid ahaa;

Turkigu wuxuu wax ka qabtay arimo badan oo ay kamid yihiin, waxaana wax ka xusi doonaa qaybaha soo socda;

1- Gargaarka banii’aadamanimo

2- Imaatinkii Raysul Wasaaraha

3- Caafimaadka

4- Waxbarashada

5- Dhisida kaabayaasha wadanka sida Garoonka, xarumaha dowlada iyo wadooyinka

6- Diyaarada Turkiga

7- Furida Safaarada

Gurmadkii Banii’aadamanimada iyo walaal tinimmada ahaa ee ee Dowlada Turkiga uga jawaabtay Abaarihii ugu daraa ee Soomaaliya ku dhuftay waxaa kamid ahaa; 2001 milyan in kaban ayey ku bixisay abaarihii, waxay direen Shixnado isugu jira diyaarado iyo Maraakiib, ugu horaytiiba waxay gaarsiiyeen, Sideed diyaaradood iyo 4 markab oo mucaawino ah. Waxayna raaciyeen Qaar kalena waa soo socdaan.

Xasan dhooye oo hadal kiisa siiwara ayaa yiri; Sidoo kale waxaa iyana mucaawino ahayd tagidii Raysalwasaaraha Turkiga Mudane Tayyip Erdogan: August 19, 2011, arintaas oo wax ka badashay siday u fakarayeen beesha caalamka, waxaana isla markiiba tagay Soomaaliya Ban Ki-moon, xoghaya guud ee Qarammada Midoobay iyo Raysul Wasaaraha Ingiriisa iyo madaxkale, wuxuuna noqonayaa Erdogan safarkiisu kii ugu horeeyey intay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya 20 sano ka hor. Aduunku wuxuu noogu yeeray Field State laakiin Erdogan wuxuu noogu yeeray wadan nool oo xor inaan wali nahay, lana tagi karo.

Caafimaadka:“200,000 oo dadka Soomaaliyeed ah ayaa lagu daaweeyey laba isbitaal iyo goob bukaan eegto ah oo ay ka samaysay wasaarada Caafimaadka ee Turkiga magaalada Muqdisho sideedii bilood ee ugu danbaysay.

– 987 daddka Soomaaliyeed ah ayaa lagu qalay Isbitaaladaas, Dr. Musa Temel, madaxa qaybta bukaan eegtada ee Isbitaalka, ayaa u sheegay AA wartabinteeda.

Temel wuxuu xusay inay u yimaadeen abaarihii Soomaaliya ku dhuftay Agoosto 11, 2011 iyo dhakhaatiira Turkiga inay gaareen horumaro muhiim ah ilaa xiligaas.

– Temel Wuxuu ku daray, 150,000 oo tan oo daawo ah ayaa loo qaybiyey dadka Soomaaliyeed ilaa hada” Qaadida Dadka qaraxyada ku dhaawacma, Quudin Cunto nafaqa leh, intaas waa Muqdisho kaliya, wadanka intiisa kalena waxwayn ayey ka qabteen. Ayuu yiri Xasan isgoo kasoo xiganaya saxaafada war ay horay u faafisay.

Waxbarasha: Arday aad u farabadan ayaa dowlada Turkiga siisay deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah, waxayna ku qaaday Diyaarad khaas ah oo ay usoo dirtay, arintaas ma’ahan midaan ilaabi doono.

Dhismayaasha: Sidoo kale waxay wax ka qabteen Garoonka Diyaarada November 26, 2011 waxaa tagay Muqdisho Raysul wasaare ku xigeenka wadanka Turkiga Bekir Bozdag iyo wafdi uu hogaaminayo waxayna dhagaxdhigeen dhisme taawar cusub, terminal cusub iyo darbi lagu wareejiyo garoorka magaalada Muqdisho, si uu uga ilaaliyo waxkasta oo nabadgalyo xumo ku keeni kara garoonka.

Turkish Airways: Xasan wuxuu kaloo Xusay Turkish Airways iyo maalintay muqdisho tagtay, March 6, 2012 Turkish Airways waxay bilowday duulimaad laba goor ah Asbuucii oo ay Muqdisho ku tagayso, arintaas oo wax wayn ka badashay siduu aduunku u fakarayey.

Safaarada Turkiga: sidoo kale waxay furteen Safaarada noqonaysa midi nooceeda oo kale ah ugu horaysay, marka loo eego wadamada dhigood ah Turkiga

London – Wasiirka Arimaha Dibadda ee Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa shirkii London kasameeyey balanqaad gaaraya $300 Million oo dollar iyo in Turki diyaar u yihiin in waxka qabato dhismaha ciidan qaran oo Soomaaliyeed iyo arimaha banii’aadanimada iyo horumarinta Garoonka. Ayuu ku daray hadalkiisii xasan.

Waxaa dadka usoo jiitay labaarimood oo Xasan goobta ka xusay, Taariikhda Turkiga iyo Soomaaliya iyo gabaygii beerka ka ogsooni: Turkigu wuxuu biya geliyey Berbera, waxaa ceelka markii hore bilaabay Cabbaasiyiintii, waxaa markaas turkigu biyaha kusoo qaaday tuubooyinka meesha lagu magacaabo Dubaar oo ah buur 18km u jirta bebera biyahaas oo ah biyo macaan, oo magaalada berera cabaysay mudo yar kahor, reer Barbara waxay cabijireen biyo Dhanaan oo cusbo leh, biyaha matoor ma soo saaro ee waa durdur, 150 sano ayaa tuubooyinkaas la isticmaalayey, dhowaan ayaana la bedeley. Waxa kale uu turkigu berbera ka dhisay masjidka weyn , kaas oo ah masjidkii Seyid Maxamed kutukadey markii uu ka yimid Yemen, salaad makhrib, waxaa kale oo turkigu dhisay cisbitaal weyn, laakiin ingiriiskii ayaa u badelay xabsi, ilaa hadana waa xabsiga ugu weyn ee berbera.

Bowdada markii aan ka jabay, boqonka taaggiisa
Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye
Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni

Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey
Bah-Sadhaysna “baga” inay i tidhi, beerka ka ogsooni

Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey
Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni

Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey
Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni

Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu
Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay beego

Abaal badh ah abaal bur ah abaal bur iyo dheeraad ah
Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni

Magabyo raalina ha iga ahaadeen dadka gabya, waxaanse ku dari lahaa;

Markuu Erdogan baxee Banaadir booqday beerka ka ogsooni

Markay abaaruhu basiyeen baladkii aan niilay ee Turkigu noo birmaday beerka ka ogsooni

Markay baalalay Turkish Plane big ay tiree Muqdisho u booday beerka ka ogsooni.

Intaa kadibna dadka ayuu u jeediyey inay midoobaan, cadowgoodana aysan fursad siinin is cafiyaan, isu dulqaataan, isuna tanaasulaan kana fakaraan sidii Soomaaliya markale dib ugu soo noqon lahayd.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay culimo owdiin uu ka mid yahay Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, masuuliyiin iyo aqoon yahano kala duwan.

Sida uu dhacay kulanka ka daawo videoga hoose

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kulankii Soomaalida Minnesota ugu mahad celiyeen Turkiga oo uu ka qayb galay Shirkii Safiir kuxigeenka Turkiga u fadhiya USA "

  1. Dibid-jooga Soomaaliyeed waxaay wadaan dadaal kaweyn kan ay dowlada Somalia wado. Waxaan filaya safaaradaha Turkiga ee aduunka waa yaabahyihiin sida weyn ee loo qeymeeyey. Shacabka Soomaaliyeed waxaad mooda inay soo baranayaan qaabka iyo protocalka aduunka, waana meesha ay ka liidato dowlada Somalia.