Home » Warar »

Safiirkii Soomaalida ee Dalka Yaman oo Geeryoodey

Alle ha u Naxariistee waxaa Isbitaal ku yaala Magaalada Sanca ee Dalka Yaman ku Geeryoodey Safiirkii Soomaaliya ee Dalkaas Marxuum Axmed Aadan Cusmaan.Geerida Danjiraha ayaa waxaa xaqiijiyay Xuseen Xaaji oo ka mid ah Qunsuliyadda Soomaalida ee dalkaas Yaman isagoona sheegey in Marxuum Axmed Aadan uu u dhintay Cudur muddooyinkii daMbaba ka hayay dhinaca Beerka.

Safiirka ayaa dhinaca dipolumaasiyadda dhinaca Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Soomaaliya xilal badan ka soo qabtay isagoona Dawladdii dhexe ee Soomaaliya xiligeediina hawlo dipolomasiyadeed ka soo qabtay Waddamada Chaina, Jarmalka Kuweyt iyo Waddamo kale sida uu sheegey Qunsul ku xigeenka Soomaaliya Xuseen Xaaji.

Safiirka ayaa muddo sababo Caafimaad ugu maqnaa Dalka Kanada halkaasoo lagu soo daaweynayay ha yeeshee dhawaan uu dalka Yaman dib ugu soo noqday isagoona shaqdiisa sii watay.
Maalmihii u danbeeyay ee Nolosha Danjiraha ayaa waxaa uu ku jiray Isbitaal weyn oo ku yaala Magaalada Sanca halkaasoo ugu dambayntiina uu maalinimadii shalay ku Geeryoodey.

Axmed Aadan Cusmaan ayaa Ifka uga tegay Xaas iyo Lix caruur ah oo uu dhalay iyadoona iminka laga shirayo qaabkii iyo halkii lagu Aasi lahaa Safiirkan Soomaaliyeed.Danjirahan oo ku dhashay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa muddo dheer ka soo shaqeynayay hawlaha Dipolumasiyda isagoona soo qabtay xilal kala duwan oo ugu dambeyntii ka gaaray Safiirka Soomaaliya ee Dalka yaman.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.