Home » Faallo »

Qorista Dastuurka Islaamiga ah

HORUDHAC :

Cinwaankaan waxaan ka soo Shaxaaday Allaah ha u naxariistee Caalimka weyn ee Muslimka ah ee AL-Sayid Abuu Aclaa AL- Mowduudi Caalimka Reer Pakistaan Iyo waliba Aasaasihii Jamaacatul Al-Islaamiha fil Shubhi AL- Qaarah AL-Hindiyah oo Qoray kitaab Magiciisa la yiraahdo ( Tadwiin AL-Dastuur AL-Islaami ) .

Kitaabkaas oo Asalkiisu ahaa Muxaadaro uu Shiikh jeediyey Abaarihii 1948 ayaa laga dhigay Kitaab Daabacan oo Luqadda Afka Carabiga ah loo Tarjumey.

Waxaa la yaab leh Akhristoow in ay Caado noqotay Maalmahaan in markii Dastuur la maqlabo, in dadka Maskaxdooda ay ku Sawiranto Dastuur Gaaleyd ama hadddan si kale u iraahdo Dastuur Cilmaani ah ooy Dad qoreyn oo khilaafsan Shareecadda Islaamka , se uusan jirin Dastuur Islaami ah sida Shiikh Mowlaana Abuu Aclaa AL- Mowduudi uu kitaabkiisaa ku Sharxaayo in la Diiwaangaliyo Dastuurka ISLAAMIGA ah.

MAA MAXAY DASTUUR ???

Dastuur waa kalimad carabi ah oo macnaheedu u dhigmo kalimadda Ingiriiska ah ee Constitution : noun:دستور, عرف, قانون أساسي, , oo macnaheedu yahay Curfi wax lagu Dhaqmo ama Qaanuun Asaasi ah oo la isku xukumo.Sidaas darteed buu noqon karaa mid Cilmaani ah oo ku saleysan Afkaar Bani’Aadam ama mid Islaami ah oo ku saleysan Shareecadda ISLAAMKA .

DIIWAANGALINTA DASTUUR KA ISLAAMIGA AH :

Akhristoow ayadoo ay Maalmahaan bateen Hadal heynta Dastuurka Soomaaliya yeelan doonta ayaa Dadka ka hadlayaayi aysan Intooda badan wax Cilmi ah ka haysan ??????.

Haddii Nin Caamo ah uu markuu Dastuur maqlo u maleeyo in laga hadlaayo mid Cilmaani ah xaq buu u leeyahay ileen Wax Cilmi ah ma lahee, se Nin Caalim ah haddii uu sidaas moodo ogow waa Jaahil Murakab ????? Maxaayeelay waa in uu dhahaa Dastuur sidee ah ?!!!! Markaas Haddii la yiraahdo mid Cilmaani ah ha diido se haddii la yiraahdo Dastuur Islaami ah waa in uu Ogolaadaa !!!!!!!.

Maqaalkayga oo dhawr qeybood ka koobnaan doona Inshallaah waxaan si gaaban wax uga soo qaadanayaa Kitaabka Mowlaana Abuu Aclaa Mowduudi ee ( Tadwiin AL-Dastuur AL-Islaami ) .

Wuxuu ku yiri Shiikhu Fasalka koowaad :

[ Qadiyadaan Diiwaangalinta Dastuurka ISLAAMIGA ah waxaa waajib ah in aan fahamno oo Dabeecadeedana garano inta aanan Hadalka Bayaankiisa u guda galin .

Waxaan maanta dooneynaa oo ku dadaaleynaa xaqiijintiisa waa in Dastuurka ISLAAMIGA ah uu noqdo midka
Wadankaan lagu xukumaayo (1).

Laakiin taas Kama wadno in Dastuurka Islaamiga ah mid haatan la Diiwaangashay oo aan dooneyno in la fuliyo oo kaliya , lakiin sida jirta waa in aan Dastuur aan qorneyn ( Unwritten constitution ) u badalno mid Qoran ( Written Constitution ) (2).

Dastuurka Islaamiga ah waa shay aan wali la qorin, Dastuurkaas aan qorneyna Wuxuu leeyahay dhawr meel oo laga soo qaatay oo la rabo in aan ka faa’ideysano markaan rabno in aan u sameysano dhulkeena ( Dastuur Qoran ) oo waafaqsan Xaalada aan Maanta ku jirno.

Dastuurka aan qorneyna wax Lala yaabo ma aha maxaayeelay Dawladaha Aduunka Dastuurkoodu ma qorneyn wixii Ka horeeyey Qarnigii 18aad, Sidoo kale Wadanka Ingiriiska oo ah Dawlad weyn ayaa wali ku dhaqanta Dastuur aan qorneyn . Haddii ay Dawladda Ingiriiska ah ay maanta doonto in ay Dastuurkooda qortaan uma suubaneyso in ay u noqdaan mooyee Dastuurkoodii aan qorneyn.
Sidaas oo kale ayaan maanta u baahan nahay in aan Dastuurkeena aan qorno ] . Bogga 7 & 8

Wuxuu kaloo Shiikhu ku soo qaatay Fasalka labaad :

Masaadirta Dastuurka Islaamiga ah :

[ Masaadirta waxaa laga wadaa halka laga soo Qaadanaayo Dastuurka Islaamiga ah, ma wax rag oraahdooda laga soo qaadanayaa sida Dastuurada Cilmaaniga ah ama Dawladaha aan Islaamka aheyn, ama kuwa Islaamka ahba ee lagu fidneeyey Qawaaniinta dadku dagsaday ee nooga timid Gumaystihii Gaalada ee na Adoonsan jiray, mise waa mid Allaah Iyo Rasuulkiisa NNKH nooga yimid.

Hadda Akhristoow wuxuu Shiikhu ku sheegay Baabkaan in Masaadiirta Dastuurka Islaamiga ay yihiin Afar masdar oo Culumadu Dhamaanteed isku waafaqsan tahay waana kuwaan:

1) Quraanka kariimka ah.
2) Sunadda Nabiga NNKH .
3) IJmaaca
4) Qiyaaska .

Se Shiikhu Masdarka Seddexaad wuxuu ku tilmaamay Acmaashii Khulufaa Raashidiinta oo uu ku tilmaamay wax aysan Ummadu ka suulin laga soo bilaabo Maalintii la aasaasay ilaa maanta in ay u hogaamsamaan oo u dhaga nuglaadaan , waxkasta ooy Saxaabaddu isku raacday Fahamkiisa iyo ku camal falkiisa oo ka mid ah Axkaamta adduunyada ama tan Aakhirada waana waxa aan ku magacaawno isdhilaax ahaan ( IJMAAC) buu yiri !!!!

Wuxuu kaloo Shiikhu Qiyaaskana ku tilmaamay Madaahiibta Mujtahidiinta oo uu yiri waa waxa ay ku tageen Mujtahidiinta Ummadaan ayadoo lala qabo sida ay Diinta u kasayaan iyo Argtiyadooda kala duwan ee xagga Axkaamta , marka ay la soo gudboonaato Masaail Dastuuri ah , Madaahibtaas inkastoow san aheyn Xujo Diini ah(3) ,haddana waxay naga kaalmeyneysaa in Badan Fahamka Ruuxda Dastuurka Islaamiga ah iyo Tiirarkiisa .

Afartaas Masaadir ayuu Dastuurka Islaamku leeyahay, haddii aan doono in aan Qorno Dastuurkeena waa in aan Qawaacidaas ka soo dhirindhirinaa macnaa ka soo qaadanaa oon soo aruurinaa oon habeynaa oon u soo saarnaa qodob qodob oo ku qornaa hal Diiwaan Dastuur ( Constitution) taas weeyaan sida aan Dastuurkeena u qori karno ama u diiwaangalin karno ] . Hakaas buu hadalkiisii ku dhamaaday Bogga 9 & 10 & 11.

Waa inoo Qeybta labaad oo aad u xiiso badan oo Shiikhu ka hadlaayo Mashaakilaadka Hortaagan in la Diiwaangasho Dastuurka Islaamiga ah.

Fii Amaani laah

Shiikh Saahid mohamed yusuf
USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com
AL-Mutakhasis fil Xarakaat AL-islaamiyah .

1) Wadankiisa Ayuu ka wadaa Pakistaan.
2) Dastuurka Qoran waxaa laga wadaa ( Document ) oo koobaaya Qaacidooyin Asaasi ah,
Taas oo ku dul taagan Nidaamka Dawlad Dawladaha ka mid ah, dawladaas oo leh Qaanuun Dadka oo dhan u hogaamsan yihiin,Haddaba Dawladda aan Dastuurkaas Qoran lahayn waxaa Dastuurkeeda La yiraahdaa Dastuur aan Qorneyn , haba ku Dhex firirsanaadee Masaadirtiisii, sida haddaba Dastuurka
Islaamigu ugu Dhex firirsan yahay kutubta Masaadirta ah dhexdooda.
3) Hadalkaas Shiikha ayaa yiri kayga am ahan .

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Qorista Dastuurka Islaamiga ah "

  1. midnimo says:

    runti qora maqaalka ad bu umahadsanyhay waxan filaya inu yahya qof cilmi leh inta kadib waxan kuraacsanahay qoraaga in loo bahnayhaya dastuur islamiya sidi isgaba shegay muhimda badan malaha eray bixintani meshay doonto ha ka timado macanaha wax weeyan afsomali xeer hadi xeer la si macneyo xeer wa wax kugu xeeran ama adan dhafikarin oo bulsho kuheshiso si mujatamacasi u wadanolado horumarna u garo wa in lahela xeer oo dadka qofkasta xaqisa iyo xaquuqda laguleyahya iyo arimaha siyasada dhaqalah dhaqanka nolosha noockasto ay noqto wax bulshadsai heshis kutahay oo marka laqoro ama dad garaha ay xasusanyihin sidii somalidi hore oo dadka xeerilaliyasha ah loo yaqiin xeerbeegti almuhim islamku wa diin waxksta cadaysay lakin quraanka ma ah kan wax xukumaya quraanka wa waano ilah ddaka ay lobahnayhay in caqligoda uu shaqeeyo oo markas ay dhibaatooyinkoda xaliyaan iyago wanad allah e quraanka ah kusalaynaya dastuurkoda

  2. Afsame says:

    Saahidoow anigoo kaaga mahadnaqaa , qoraalkaaga
    aadnan iga mudneen qoraal aad waqtigaaga gelisay inaan wax ka sheego -…… Haddana adigoon dhib ismarsiin ERAY walbaa meel ayuu ku Baxaa …….

    Allaah Kitaabkiisa ayaan ku kala baxnaa , iyo Sunada Nabiga scw oo Kitaabkaa Alle Fasiree…. Xukunkeenu waa Shariicada.

    Eraygaan…. waa eray haddii Luuqada Carabiga laga tixraaco .. aan fac wayneen.. baxayna waqtiyo danbe ,,, laakiin Shariica ayaa Muslimiinta kala Saarta… Adoon is dhibin Shariicada maa ku halqabsatid.

    Adoon eraygaan BOOS uga Raadin Islaamka.

    Bal adigu wax Dastuurka Islaamka la dhaho keen.
    Shareecada Alle la garay,, laakiin Dastuurka Islaamka… in waxa la isku kab kabo maahan , eray bixintuna waa kala haboonta eray walbaa maroow baxay