Home » Warar »

Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo Ardey u qabatey Siminaar ku saabsan Gargaarka Deg Dega

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Siminaar ku saabsan Gargaarka deg dega oo ay ka qaybgaleen ilaa lixdan Ardey oo ka socdey Dusiyada Sare ee Magaalada Muqdisho , wuxuuna Siminaarkaan uu socdey muddo laba maalmood ah waxaana soo qaban qaabiyey Hayadda Humanitarian African Relief Organization ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan HARO

Muddadii uu socdey Siminaarkaan ayaa waxaa ardeyda lagu barayey Casharo la xiriira qaabka Gurmad Caafimaad loogu sameeyn karo dadka markaa waxyeelo soo gaarto maadaama dadka soomaaliyeed ay ku jireen Dagaalo aan dhamaad lahayn mudadii labaatan sanno ee la soo dhaafey, waxaana Simaarkaan ku saabsanaa Gargaarka Deg Dega Casharo ka bixinayey Dhaqaatiir ku Taqasustey arrimaha Caafimaad gaar ahaan marka loo baahdo Gargaarka deg dega

Siminaarkaan ayaa waxaa soo xirey Gudoomiyaha Hay’adda Humanitarian African Relief Organization ee HARO Mudane Cali Xaaji Cabdi Nuur oo sheegey in Ujeedada ay u qabteen Siminaarkaan ay tahay Baahi weyn oo ka jirtey dhinaca Gargaarka Deg dega maadaama dadka soomaaliyeed markasta dagaalo soo noqnoqdey ay waxyeelo ka soo gaarto,waxaa kale uu sheegey Gudoomiyaha in Siminaarada Noocaan ah ay kordhin doonaan si loo helo dad u gurmada islamarkaana Gargaar deg deg ah siiyaa dadka markaa dhibaatada soo gaarto

Qaar ka mid ah ardeydii ka faaiideeysatey Siminaarkaas oo iyana halkaa ka Hadley ayaa u mahadceliyey Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) iyagoo sheegey in ay qabteen Siminaar Muhiim u ah Bulshada soomaaliyeed waxayna kula dardaarmeen in ay halkaa ka sii wadaan dadaalka ay ku doonayaan in ay ku samatabixiyaan Ummadda Soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.