Home » Warar »

Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Maanta ka Dhacay Gudaha Magaalada Nairobi

iyo Qarax kale oo ka dhacay agaagaarka Masjidka Nasruddiin ee Xaafadda Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.. …

Nairobi: Sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka ee in barqanimadii maanta ayaa Weerar lagu qaaday Kaniisad ku taala gudaha Magaalada Nairobi. Warka ayaa waxaa uu intaa ku daray in Weerarkan oo loo adeegsaday Bumka gacanta laga tuuro in uu ku dhintay hal qof, halka ugu yaraan Toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Ciidanka Boliiska oo shir jaraa’id halkaa ku qabtay ayaa sheegey in Weerarkani ahaa mid loo adeegsaday Bambaanooyin. Wargayska Daily Nation ayaa sheegay in qaraxaas uu burbur xoog lihi u gaystey Dhismihii Kaniisadda isla markaana ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah Shaqaalihii Hay’adda Samafalka oo halka ku sugnaa.

Dawladda Kenya ayaa qaraxaas ku Eedeysey in ay ka dambeeyeen Xarakada Shabaab iyadoo warar hor dhac ah oo arrintaa ku aadana ku sheegey in weerarkani ay qaadeen Rag u shaqeeya Xarakada Shabaab. Dhawaan ayay ahayd markii Xukumadda Maraykanka ay ka digtay suurta galnimada weeraro ka dhaca gudaha Magaalada Nayroobi iyagoona sheegey in la filayo in ay ku soo beegaan Sanad Guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii la dilay Hoggaamiyihii Al Qaacidda.

Muqdisho: Dhinaca Soomaaliya Barqanimadii Maanta ayaa Qarax Nooca Miinada oo sheeda laga hagaa waxa uu ka Dhacay agaagaarka Masjidka Nasruddiin ee Xaafadda Baar Ubax.

Qaraxan ayaa sida la sheegay waxaa lala Eegtay qaar ka tirsan Ciidamada dawladda KMG oo Xilliga uu Qaraxu dhacyay halkaa ku sugnaa.

Inta la Xaqiijiyay waxaa Qaraxaas ku dhaawacmay illaa Seddax qof oo Rayid ah oo halkaa ku sugnaa kuwaasoo loola cararay Goobaha Caafimaadka. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa xilligaa kaddib waxaa soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dawladda Federaalka KMG Soomaaliya kuwaasoo isku gadaamay goobtii uu qaraxu ka dhacay kuwaasoo meesha ka bilaabay hawl galo baaritaana ah. Qaraxan Maanta ka dhacay Xaafadda Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa u saameyn ku yeeshay muddo Kooban ganacsigii iyo isu socodkii Dadka iyo Gaadiidka iyadoona ay xirmeen giibihii ganacsiga ee halkaa ka dhawaa

W/D Amiin Yuusauf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.