Home » Warar »

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo iyana Codkooda ku Biiriyey Dadka ka soo Horjeeda Dastuurka Qabya Qoraalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaloiyeed Shiikh Bshiir Axmed Salaad oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaysan marnaba ansixin Dastuurka la sheegay in dhawaan la ansixinayo. Guddoomiyaha ayaa ku ciladeeyay Dastuurka qabya qoraaledkiisu dhawaan la damacsan yahay in la Ansixiyo mid aan ku salaysnayn waa siduu hadalka u dhigaye Shareecada Islaamka sidaa darteedna loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeestaan.

Sheikh Bashiir oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in markii ay dib u eegis ku sameeyeen Dastuurka ay xukuumaddu dhawaan sheegtay in la so afjaray ayuu sheegey in ay ku jiraan Qodobo ka hor imaanaya Shareecada Islaam Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa ku biiriya qaybaha kala duwan ee Bulshada oo muddooyinkii dambaba qayla dhaan ka muujinayay Hawlaha ansixinta Dastuurka.

Guddiga Dastuurka oo dhawaan Saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in marka ay soo dhamaystirmaan Hawlaha Dastuurka qabya qoraaleedka in dib loogu celinayo Culumada Soomaliyeed kuwaasoo turxaan bixin ku samaynaya.Mas’uuliyiinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in Dastuurka la hubin doono ka hor inta aan la ansixinin isla markaana wixii qalad loo arko laga saarayo.

waxaa abaabulkoodu iminka socdaa Odoyaashii loogu tala galay meel marinta ama ansixinta Dastuurka qayla dhaanta badan ay ka daba yeereyso waxaana la filayey in Xafladii lagu furi lahaa Ansaxinta Dastuurka ay baaqatey ka dib markii ay soo dhameytirmi waayeen Odoyashii Beelaha hase yeeshee waxa Muuqata in Dastuurka Ansaxintiisa ay ka horyimadeen inta badan dadka soomaliyeed ka dib markii lagu arkey Qodobo ka hor imaanaya Shareecadda Islaamka dhinaca kale dadka qaar baa ka soo horjeetay Dastuurka oo ay sheegeen in dalkaan lagu xukumi karo wax aan ka ahayn Kitaabka Alle

W/D Amiin Yuusauf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaro@yahoo.co.uik.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo iyana Codkooda ku Biiriyey Dadka ka soo Horjeeda Dastuurka Qabya Qoraalka. "

  1. Dastuur cusub ma rabno . dastuurkeenii hore ee 1960kii hadaan la soo celin wax soconaya ma leh sidaa haloo sheego reer galbeedka maxaa looga baqayaa .