Home » Warar »

Xarakada Shabaab oo Iclaamisey Dagaal ka Dhan ah Ciidamada Jabuuti

Iyadoo dhawaan la filayo in Ciidamo ka socda Dalka Jabuuti qaybna ka ah hawl galka amisom in la geeyo Gobolka Hiiraan ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Guddooamiyaha Xarakada Shabaab ee Gobolka Hiiraan Shiikh Yuusuf Cali Ugaas. Guddoomiyaha oo ka hadlay Idaacad ku hadasha Codka Shabaab ayaa sheegey in Xarakada Shabaab ay Iclaaninayso Dagaal ay la gasho Ciidamada Dalka jabuuti oo uu sheegey in Jabuutina ay Iclaanisey Dagaal ay la gasho Xarakada Shabaab.

Shiikh Yuusuf Cali ugaas ayaa sheegey in Jabuuti iyo dalalka kale ee Ciidamadooda ay ku soo duuleen Soomaaliya aysan u kala soocneyn isla markaana uu Dagaal kala dhaxeeyo cid kasta oo aan iyaga ku aragti ahayn.Shiikh Yuusf Cali Ugaas. Ayaa ugu yeeray Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka hiiraan in ay isku diyaariyaan Dagaal lagu qaadayo Ciidamada Jabuuti mar Alla iyo marka ay cagaha soo dhigaan Ciidda Gobolka Hiiraan.

Hadalkan ka soo yeeray Mas’uulkaas ayaan ahayn kuwo haatan Cusub horey ayaanay Xarakada Shabaab u Shaacisey in ay la dagaalamayaan Ciidamada Jabuuti oo qaybta ka ah hawl galka AMISOM. Ciidamada Jabuuti oo dhowr Bilood ka hor soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sida la sheego weli aan ka hawl gelin Magaalada Muqdisho in kastoo hadda ka hor lagu Eedeyay in Masaajid ku yaala Heliwaa inay Madaafiic la dhaceen hawlgalkan ay ciidamada ka bilaabayaan Gobolka Hiiraan ayaa rasmi ahaan noqonaya Hawl galkii ay u yimaadeen Soomaaliya oo ahayd Sugidda ammaanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaarootmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.