Home » Faallo »

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii XXIII-aad

Laba dagaal oo ka dhacay waqooyi-galbeed ee Faransa waxay soo af-jareen in ciidamadii xulufada looga adkaado degaanka xuduudda u ah Faransa iyo Beljam. Labadaas dagaal oo kamid ah dagaallada lagu xuso taariikhdan ayaa mid wuxuu ka dhacay degmada Arras (21/ 5- 1940) mid kalena wuxuu ka dhacay degmada Cambrai (22/ 5- 1940). Isla-maalintaas ay bishu ahayd 22, waxaa amar la siiyay Jeneraal Heinz Wilhelm Guderian, oo ahaa taliyihii ciidamada taangiyada Jarmalka ee ka dagaalamayay xuduudda galbeed. Waxaa la farey in uu xooggiisa la aado dhanka waqooyi-galbeed si uu u ciriiri geliyo ciidamada xulufada ee ku sii sikanaya dhanka xeebta. Gaar ahaan degmooyinka xeebta ah ee ku beegan biyaha Kanaalka Ingiriiska. Qeybta 1-aad ee taangiyada waxay markaas aadeen degmada Calais. Qeybta 2-aad ee taangiyada waxay iyaguna aadeen degmada Boulogne, qeybta 10-aad ee taangiyada ayaa iyaguna aadey degmada Dunkirka. Goor danbe qorshahaan waxbaa laga beddeley. Ciidankii taangiyada ee qeybta 1-aad waxaa markaas lagu wajahay Dunkirk. Qeybta 10-aad, iyaguna waxaa la aaddiyey degmada Calais. (Healy Mark, The Campaigns in the West 1940. 2007, Vol. 1, p. 184, London – UK).

23/ 5- 1940-kii, qeybtii 2-aad ee ciidamadii taangiyada Jarmalka waxay weerareen degmada Boulogne. Waxaa halkaas ku sugnaa ciidamo Ingiriis ah, kuwaas oo tiradoodu ay ka badneyd 4.000 oo nin. Ingiriiska waxaa u muuqdey in looga adkaanayo weerarka ka dhacaya degmadan. Sidaa darteed ciidankiisa cirka RAF (Royal Air Force) waxay hakiyeen socodkii taangiyada Jarmalka. Weerar xooggan oo xagga cirka ah ayay ku soo qaadeen degaankii. Weerarkaasi wuxuu ahaa mid ay ku qarinayeen daad-gureynta ciidanka degmada ka joogey. Qorshahaasi Ingiriiska waa uu ku guuleystey oo ineeyan Jarmalkii soo gaarin dekadda ayaa ciidankiisii badda waxay degmada ka qaadeen ciidan dhan 4,286 nin. (Evans, Martin Marix. The Fall of France: Act of Daring.2000, p. 33, Oxford. London – UK).

Maantaas labada ciidan ay ku hardamayaan degmada Boulogne, Jeneraal Hünther von Kluge oo hoggaaminayay qeybta 4-aad ee ciidanka A, ayaa wuxuu jeneraalladii saaxiibadiis ahaa u gudbiyey aragti u muuqatey. Isagu wuxuu markaas ku taliyey in la hakiyo socodka ciidamada Jarmalka. Waxaa u muuqatey in aanan la weerarin degmooyinka dekadaha ah ee Faransiiska. Bal lagu go’doonsho goobahaas ay isku ururiyeen. Muddadaasna ciidanka cirka ee Jarmalka ay dhanka badda ka xayiraan. Waxaa fikraddii ku waafaqay Jeneraal Gerd von Rundstedt, kaas oo hoggaaminayay ciidanka A. Waxaa ra’yigii ku diidey taliyihii ciidamada Jarmalka Jeneraal Walther von Brauchitsch, isla-markaas wuxuu amar ku bixiyey in la weeraro degmada Dunkirk. Khilaafkii soo dhex-galey jeneraallada Jarmalka wuxuu gaarey odeygii Nazi-ga Hitler, kaas oo la mowqif noqdey jeneraallada hakiyey dagaalka. Go’aanka uu Hitler qaatey kama ahayn amar cusub oo uu siinayay ciidamada Jarmalka ee aagga ka dagaalamaya. Bal wuxuu arkayey in jeneraallada aagga ka dagaalamaya loo daayo qiimeynta xaaladda iyo go’aamada ay qaataan. (John Strawson, Hitler as Military Commander, 2003, p. 185, London – UK).

Jeneral Herman Göring oo ahaa taliyihii ciidanka cirka ee Jarmalka, ayaa isaguna talo u soo jeediyey Hitler. Jeneraalku wuxuu ku taliyey in dayuuradaha ciidanka cirka ay hor-joogsadaan haddii uu Ingiriisku isku deyo in uu dhanka badda ku daad-gureeyo ciidamada badan ee halkaas ka joogey. Jarmalku waxay doonayeen in ciidmadaas ay qeybna laayaan qeybna maxaabiis ahaan u wataan, si loo han-jebiyo dowladda Ingiriiska iyo shacabkeeda. Inkasta oo Hitler uu waafaqay aragtidii Jeneral Herman Göring, misana saddex cisho ayay dib u dhacdey in uu ka qaato go’aan lagu tallaabsado. La garan-maayo sababta uu dib u-dhacaas u yimid. Laakiin waxaa la hubaa in ciidamadii Ingiriiska ay ka faa’iideysteen hakadkii Jarmalka. Sidaas darteed, saddexdii cisho gudaheeda (24 – 27 mey) ayaa Ingiriiska wuxuu daad-gureeyey in badan oo kamid ahaa ciidamadiisii ku sugnaa Faransa. (Hooton, E.R. Phoenix Triumphant, 1994, p. 47, London – UK).

Subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 24/ 5- 1940-kii, degmada Calais waxaa isku heley labadii xoog. Ciidankii Jarmalka (qeybtii 10-aad ee taangiyada) iyo ciidankii Ingiriiska ee degmada fadhiyay, kuwaas oo maalin horteed lagu soo xoojiyay (ciidanka 3-aad ee taangiyada iyo guutada 30-aad ee tiknikada). Ciidamadan ayaa degmada iyo dekaddeeda si aad ah ugu mitidey. Sababtu waxay ahayd degmada Dunkirk ee u dhow ayaa isla-maalintaas waxaa ka bilowdey daad-gureyntii ciidanka Ingiriiska. Ciidamada difaacayay degmada xooggoodu waxay ahaayeen Faransiis. Jeneral Heinz Guderian, ayaa markaas wuxuu amrey in xagga cirka laga bur-buriyo degmada. Ciidankii Faransiiska iyo Ingiriiska ee difaaca ahaa, waxaa iyagana ka dhamaadey rasaastii. Sidaas ayaa magaaladii ay Jarmalka ugu gacan-gashay duhurnimadii ay taariikhdu ahayd 26/ 5- 1940-kii. (Sebag-Montefiore, Hugh. Dunkirk: Fight to the Last Man. 2006. P. 195 New York – USA).

Hitler waa uu hakiyey in la weeraro degmada. Inkasta oo taariikhyahannadu ay ku kala duwan yihiin fasirka arintan, misana waxaa hubaal ah in Ingiriisku uu ka faa’iideystey hakadkii. Waxaa si nabad ah ugu hirgaley mashruucii daad-gureynta ahaa. Aragtiyaalka laga yiri sababta loo hakiyey weerarka ciidamada Jarmalka, waxaa kamid ah in uu mala-awaaley in Ingiriisku uu goor hore jabey. Si uusan xasuuq ka careysiiya u dhicin, wuxuu doonayey in uu culeys saaro si ay isu dhiibaan.

Dagaalka ay Jarmalka kula wareegeen degmada waxaa loo yaqaan Battle of Calais. Afar maalmood ayaa xoogga labada ciidan ay is-rifayeen. Inkasta oo laga adkaadey, misana ciidamadii xulufada ahh kharaj badan ayaa kaga baxay dagaalkii. Askartoodii, 60 % waxay noqdeen wax dagaalkii ku dhintey iyo wax ku dhaawacmey. Ciidankii Faransiiska ee dhufeesyada ka dagaalamayay waa ay is-dhiibeen. Laakiin ciidankii Ingiriiska ahaa xeebta ayay ku sugnaayeen tan iyo subaxdii ay taariikhdu ahayd 27/ 5- 1940-kii. Iyaga oo tiradoodu ay tahay 440 nin ayaa lagu daad-gureeyey markab ay lahaayeen ciidanka badda ee Ingiriiska. (Sean Longden. Dunkirk: The Men They Left Behind. Constable Puplishing. 2008).

Ciidankii Jarmalka ee A iyo B waxay xoogga soo saareen aagga waqooyi galbeed ee Faransa. Waa degaanka ay ku xoog badnaayeen ciidanka xulufada, kuwaas oo isugu jira Faransiis, Ingiriis, Beljam iyo xataa ciidamo Poland ah. Halka ciidanka Jarmalka A uu ahaa dubbihii lala dhacayay ciidamada xulufada, ciidanka Jarmalka ee B wuxuu ahaa daab-gashigii dubbaha. Ciidamadii xulufada oo lagu soo riixey xagasha waqooyi-galbeed ee xuduudda Faransiiska, ayaa dagaalkii Calais dabadeed waxay ku soo urureen degmada Dunkirk ee dekadda leh. Ciidamadii Jarmalka waxay markaas tilmaansadeen degmadaas oo xooggii xulufadu ay ka joogeen ciidan gaaraya 330.000 oo nin. Ciidankii xulufadu wuxuu markaas taktikadoodii noqdey is-difaac iyo daad-gureyn, si intooda badan ay u bad-baadaan.

Inkasta oo daad-gureyntu ay ahayd tallaabo ah dib u-gurasho ciidameed, misana waxay noqotey dhacdo uu Ingiriisku ku faano. Waxaa u nabadgaley ciidan aad u tira-badan oo weliba ahaa kuwii xilligaas ugu tayada iyo khibradda fiicnaa ee ciidamadiisa kamid ahaa. Sida nabadda ah ee qarsoodiga ah oo ciidamadaas ay dhamaantood ku badbaadeen ayaa waxaa lagu tilmaamaa arin mucjiso ah. Guuldarradii ciidameed ayaa waxay isu beddeshey guul niyaddii dhacsaneyd kor ugu qaadda ciidankii iyo dowladdii Ingiriiska. Sarkaalkii odeyga ka ahaa mashruuca daad-gureynta wuxuu ahaa Jeneral Dover Castle. Jeneraalkan ayaa mashruucan ku heley billad sharaf geesinimo. Meesha uu ka maamulayey howsha waxay ahayd god dhulka hoostiisa ah. Waxay adeegsanayeen diinamo ay nalalka ku shitaan. Sidaa darteed ayaa mashruucan daad-gureynta waxaa loogu magacaabey (Operation Dynamo).

Admiral Bertram Ramsay oo xilka kaga sareeyey Jeneraal Dover Castle, ayaa wuxuu ahaa sarkaalka Ingiriiska uga masuulka ahaa dhaqdhaqaaqa iyo ilaalada maraakiibta ku gooshaya biyaha kanaalka. Waa biyaha gacanka ah ee bad-waynta atlantikada, kaas oo u dhexeeya Ingiriiska iyo Faransiiska. Admiral Bertram Ramsay, wuxuu ahaa taliye xigeenka ciidanka badda ee Ingiriiska. Xarunta admiraalku waxay ahayd degmada Donever ee ku taal koonfur-bari ee dalka Ingiriiska. Waxaa dhanka kale kaga began degmada Dunkirk ee Faransa. Admiraalku wuxuu farey in ciidamada Ingiriiska ee ku sugan gacanka dhinaciisa kale, dhamaantood ay xeebta yimaadaan.

Subaxnimada uu dagaalka ka bilaabanayo degmada Calais (24/ 5- 1940), isla-subaxaas ayaa degmada ku dhow ee la yiraahdo Dunkirk waxaa ka bilowdey mashruuc xooggan oo lagu daad-gureynayo ciidamadii Ingiriiska. Ciidankaas oo ku jabey dagaalkii ayaa waxaa lagu gaadiidey dhamaan wixii maraakiib iyo doonyo ahaa oo Ingiriiska uu lahaa. Maraakiibtii dagaalka, kuwii gaadiidka, kuwii ganacsiga, kuwii kalluumeysiga, xataa doonyihii sida gaarka ah ay dadku u lahaayeen waa ay ka qeyb-qaateen badbaadada ciidankaas. Muddo sagaal cisho ah ayaa waxay ku fuliyeen howl qallafsan oo loojiistiko ah taas oo tiradeedu ay gaareyso 250,000 oo fal-howleed. Daad-gureyntii la magac-baxdey Operation Dynamo, waxaa ka qeyb qaatey 850 doonyood oo isugu jira kuwo yar-yar iyo kuwo waaweyn. Maalintii ugu horeysey waxaa la daad-gureeyey 17,000 oo nin. Sagaalkii cisho oo ay daad-gureyntu socotey waxaa kanaalka laga tallaabiyey ciidan gaaraya 338.226 oo nin (198.229 oo Ingiriis ah iyo 139.997 oo Faransiis ah). Ciidankaas dhaantood waxay gudbeen iyada oo ayan dareemin sahamada Jarmalkii degaanka ka dalaamayay. (Taylor, A.J.P. English History 1914–1945. Oxford History of England). London: Oxford, 1965).

Daad-gureynta inteeyan dhamaan, waxba lagama garaneyn qaabka ay natiijada ku dhamaaneyso. Waxaa jiray cabsi badan oo siyaasiyiinta Ingiriiska ay ka qabeen hirgelinta mashruucan. Haddii uu Jarmalku ogaan lahaa, wuxuu awood u lahaa in uu xagga cirka ka buru-buriyo doon kasta oo kanaalka ka gudbeysa. Sidaa darteed, mashruucaas oo si qarsoodi ah ku dhacay, ayaa muddadii uu socdey Winston Churchill, wuxuu ka yiri aqalka duqeyda: Waxaanu fileynaa dhambaal adag oo culus. Taasi waxay ahayd cabsi uu ka qabey in arintu fashilanto oo ay ku dhamaato halaag iyo hoolato laga sheekeeyo. Laakiin markii lagu ku guuleystey mashruucii daad-gureynta, Winston Churchill wuxuu ku tilmaamey in ay ahayd howl si mucjiso ah u dhacdey. Inkasta oo Ingiriisku uu wakhtigu ku adkaa, misana badbaadadii ciidanka intaas le’eg ayaa waxay kor u qaadey niyaddii shacabka iyo dowladda.

Dagaalladii ka dhacay waqooyiga Faransa, waxaa xulufada looga bur-buriyey ciidan gaaraya 61 gaas. Ciidamadii Faransiiska oo xooggoodii looga tegey degaanka waxay noqdeen firdhad. Hoggaamiyihii ciidamada Faransa Jeneraal Maxime Weygand, qorshe difaac oo uu horey u dejiyey ayaa jirey, kaas oo uu ku magacaabey Qorshihii Caana-qubta (Hedgehog Tactic). Wuxuu ugu tala-galey in uu kaga hor-tago ciidamada Jarmalka ee waqooyiga ka imanaya. Qorshahaasna ma noqon mid hakiya gulufyadii weerarka ahaa ee Jarmalka. Dalka Faransa gudihiisa waxaa markaas ku sugnaa ciidamo Jarmal ah oo tira badan iyo qalabkoodii. Sidaa darteed Jeneraal Maxime Weygand uma ayan suuragelin in uu ciidamadiisa firdhadka ah oo meel walba ku jabey uu isu keeno.

10/ 6- 1940-kii, dowladdii Faransa waxay ku dhawaaqdey in magaalo-madaxdeedii ay tahay magaalo u furan ciidamada cadowga. Taasina waxay ka danbeysey markii la bur-buriyey dhamaan wixii difaac ahaa oo magaalada ka caabinayay cadowga. Waxaa markaas ku soo dhaqaaqey ciidankii 18-aad ee Jarmalka. Jeneraal Weygand waxaa u muuqatey in Faransiisku uu u baahan yahay wakhti badan si uu isaga caabiyo culeyska ku yimid. 13/ 6- 1940-kii ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska, isaga oo booqasho ku jooga Faransa ayuu degmada Tours wuxuu kula kulmey golihii ciidamada xulifada. Wuxuu soo jeediyay talo ah in labada dal (Ingiriis iyo Faransiis) ay midoobaan ooh al dal isku noqdaan. Saraakiishii Faransiiska ahayd waa ay ka diideen arinkii. (Maier, Klaus and Falla,P.S. Germany and the Second World War: Volume 2: Germany’s Initial Conquests in Europe. Oxford University. 1991. P. 301. London – UK).

Ciidankii Faransa ee keydka ahaa maaheyn kuwo awood u lahaa in ay difaacaan dalka. Ducfigaas ku yimid Faransiiska ayaa waxaa ka faa’iideystey dowladdii fashiistada ahayd ee Talyaaniga. 10/ 6- 1940-kii, keligi-taliyihii hoggaanka u hayay Benito Mussolini, wuxuu ku dhawaaqey in uu dagaal kula jiro dalka Faransa. Isla-markaas wuxuu weerar ka bilaabey xuduudda u dhexeysa labada dal. Dagaalkaas oo aanan ahayn mid weyn, ducfiga xaaladda Faransa darteed, Talyaanigu wuxuu ku doonayey in uu ku qabsado buuraha Alp ee ku yaal gobolka Nice (koonfur-bari Faransa). Waa silsilado buuro ah oo ka soo bilowda bartamaha Yurub, gaar ahaan dalka Austria. Dhanka galbeed ayay u taxman, dabadeed waxay isu- maraan waddamada Slovania, Talyaaniga, Suisse, Lechtenstein, Jarmalka, Faransa.

Inkasta oo Talyaanigu uusan si waanagsan ugu soo diyaargaroobin dagaalkan, misana 22 gaas ayuu ku soo kiciyay weerarka. Ciidankii dhulka ee Talyaaniga, waxaa ku weheliyay dagaalka ciidanka badda iyo kuwa cirka ee Talyaaniga. Ciidankaas oo tiradoodu ay ahayd 300.000 oo nin ayaa waxaa hoggaaminayay wiil reer boqor ah oo la yiraahdo Umberto di Savoia. Isagu wuxuu noqon-doonaa boqorkii ugu danbeeyey dalka Talyaaniga, kaas oo caleema-saarkiisu uu ahaa 1943-kii. Ciidankii Faransa oo ku soo jabey waqooyiga, waxaa koonfurta ka joogey xoog tabar yar. Ciidankii cirka wixii ka harey, markii uu weerarka Talyaaniga bilowdey waxaa loo rarey Afrika. Sidaa darteed Faransiiskii wuxuu ka fursan waayay in uu ku Talyaaniga ka hor-geeyo cuntubyo ka tirsan ciidankiisii badda.

Hoggaamiyaha Talyaaniga Benito Mussolini, waa uu ogaa tag-darrida ciidankiisa. Laakiin wuxuu is-lahaa ka faa’iideyso guulaha ay Jarmalku gaareen. Isagu wuxuu u qaatey in dagaalku dhakhso dhamaanayo, colaadduna ay joogsaneyso iyada oo la kala adkaadey. Waxaa sidaas laga dheehanayaa hadal uu ka warinayo Marshall Pietro Badoglio. Hoggaamiyaha Talyaaniga, sarkaalkan ayuu wuxuu ku yiri:

“ Waxaan u baahnahay in dhowr kun oo keliya ay iga dhimato, si aan u soo fariisto niiska wada-hadalka nabadda, anoo markaas u muuqanaya nin dagaalamay oo kale “. (Frans De Waal. Peacemaking Among Primates, Harvard University Press. 1990. p. 244. Cambridge – USA).

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii XXIII-aad "

  1. maxamuud says:

    ustaad saadiq eenow ilaahay hakaa abaal mariyo taariikhaha aad noosoo tabisid LAAKIINSE waxaan codsanaynaa in aad tirsiga casharada aad ka badashid XXX runtii xarfahaas lama fahmi karo casharka inta uu marayana qofka waa ku wareerayaa marka DR SAADIQ ka waran hadii adiga oo anaga noo danaynaya aad is ticmaasho 12345.. TIRO CAADI AH OO QOF KASTA LA SOCON KARO CASHARADAADA MAHADSANID WAXAAN RAJAYNAYAA INAAD WAX KA BADALI DOONTID ILAAHAY HAKAA ABAAL MARIYO DADAALKAAGA.