Home » Warar »

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Warqadii Iscasilaada u Gudbiyey Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya

Warar aan ka helney Saraakiil ku dhow dhow Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed waxay sheegayaan in Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaliyeed Generaal Shariif Shiiikhunaa Maye uu u gudbiyey istiqaaladii Xilka Taliyenimo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Mdaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ka dib markii ay sheegeen in uu wada shaqeyn ka waayey Ciidamada Amisom,Masuuliyiinta Dowlada Federaalka,iyo Mushaar la’aan heysa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Inkastoo aysan si rasmi ah noogu faafaahin sababaha uu isku Casilayo Taliyaha hadana waxay ku gaabsadeen in uu Madaxweynaha uu u Gudbiyey Istiqaalidii iscasilaada hase yeeshee Warar kale ayaa sheegaya in Sababaha ugu weyn ee uu isku Casilayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay tahay ka dib markii uu howl shaqo u tagey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ay si xun ula dhaqmeen ama u baareen Ciidamada Amisom taasoo uu si weyn uga caroodey Generaalka

“Waxaan ahay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Xaq u ma lhidiin in aad I bartaan “ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed oo intaa raaciyey” markaan isku sheegey in aan ahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayey I yiraahdeen Saaxiib ma naqaan taliyaha Ciidamada Booliska “

Istiqaalada Generaal Shariif Shiikhunaa oo ak taal Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu waramey in taliyaha iyo Madaxweynaha ay wada hadleen islamarkaana laga codsadey in uu ka laabto Istiqaaladisa waxaana wararka ay sheegayaan in Generaalka uu ku adkeystey in uu shaqada ka tagayo iyadoo Saraakiisha ay noo sheegeen in taliyaha uu ka duub duubtey Magaalada Muqdisho islamarkana uu dalka ka ambabaxayo dhamaadka Bishaan

Muddo aan sanad dhameyn ayuu hayaan Generaal Shariif Shiikhuna Maya Xilka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana la dhihi karaa wax weyn buu ka badely Ciidanka Booliska Soomaaliyeed maadaama uu muddo dheer ku soo dhex jirey Howlaha Ciidanka Booliska Soomaalyeed haddii uu ka tago Shaqada waxay dhabar jab ku tahay Dowlada Federalka oo maalmahaan is qabqabsigedu aad u batey tan iyo wixii ka dambeeyey Qaraxii ka dhacay Tiyaatarka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Warqadii Iscasilaada u Gudbiyey Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya "

  1. yahya says:

    waxaas waxaa lagu yaqanaa dadka gumeysi ku jira. waxaa sidoo kale iska cad in amison dowlada aysan aqoonsaneen hadana aysan meesha u joogin arima dowlada lagu caawinaya sida ay sheegtaan ee ee laakiin ay yihiin gumeesysi cusub