Home » Sports »

Warbixin: Tartanka Koobka Jaaliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jidda Saudi Arabia

Ciyaaro ka tirsanaa Koobka Horyaalka Jaalliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jidda Boqortooyada Sacuudi Carabiya isaga horyimid taariikhdu markey aheyd 13/04/2012 kooxaha Xiddigaha Ruweys iyo Waberi Star – Sharbatle – Ajax iyo Godey – Blue Stars iyo Dharkanley – Jiin webi iyo Midnimo .

Aan ku horeyno ciyaarta dhexmartey Kooxda Xiddigaha Ruweys iyo Waberi stars ciyaartaasi waxaad moodaa inay xiiso gooni laheyd waayo kooxda Xiddigaha Ruweys iyo Kooxda Waberi Star wey soo wada badiyeen kulamadoodi ugu horeeyey waxeyna wateen min 3 dhibcood iyagoo leys lahaa yaa hogaanka groupka qaban doona ayaa labada kooxoodba waxey ku soo galeen garoonka firfircooni , waxa lawada hardamo leysna weeararo qeybtii hore ee ciyaarta waxey kusoo gabgabowdey 0 : 0.

Qeybta labaad ee ciyaarta ayaa Kooxda xiddigaha Ruweys wax ka bedeshey habkii ama (system ) qeybtii hore ee ciyaarta waxey jihadii laga filaayey u bedeleen jiho kale waxaana ciyaaryahanka lagu magacaabo Mustafa Zola una sita lambarka 9 kooxda ruweys uu sadex gool oo daran doori ah ka dhaliyey . intaasi wixii ka dambeeyey waxaa hogaanka ciyaarta la wareegay kooxda Xiddigaha Ruweys isla markaasna si xirfadeysan ugu badiyey kooxdii waberi star. Dhamaadkii ciyaarta ayaa waxaa inoo suurto gahsey inaan wareysi gaaban la yeelano Tababaraha Xiddigaha Ruweys Tababare Faarax Yaanyo kaasoo kasoo jeeda qoys sport wuxuuna inoo sheegay in uu kooxda gaarsiin doono horumar kana wanaagsanaan doonto marxalada haatan mareyso .

Ciyaartii labaad ayaa iyana waxaa fooda is darey Kooxda Sharbatle (Ajax) iyo Kooxda Godey ciyaartaasi waxaa la dhihi karaa mid labada kooxood aysan isku awood aheyn waayo waxaad moodaa inay kooxda Sharbatle(Ajax) ay ciyaartaasi la soo baxdey farsamo aan horey loogu baran oo tababare maxamed Xasan iyo Guddoomiye C/Naasir ay shaleyto goobta keeneen ciyaaryahano farsamadooda ciyaareed aad iyo aad u sareyso islamarkaan qaab ciyaareedkoodu uu aad u fiicnaa . bilowga ilaa iyo dhamaadka ciyaarta ayaa kooxda Sharbatle Ajax ay ku soo bandhigeen ciyaar heerkeeda farsamo aad u sareyso waxeyna kaga guuleysteenkooxdii Godey 3 : 1.

Ciyaartii sadexaad ayaa iyana waxey dhexmartey kooxaha Jiin Webi iyo Midnimo runtii waxey iyana ciyaartaasi ma aheyn mid adag wallow labada kooxood ay san isku awood aheyn iyadoo kooxda Midnimo aysn la soo shir tegin ciyaaryahanadii looga bartey , kooxda jiin webi iyana ciyaartasi aad moodey inaysan ka soo tegin ciyaaryahanadeeda kuwa ugu fiican waxey halkaasi ugu awood sheegteen kooxda midnimo inay 3 : 0 kaga badiyaan .
Ciyaartii afaraad ayaa iyana waxaa halkaasi kuwada kulmey kooxaha Blue Star iyo Dharkanley ciyaartasi waxey aheyd ciyaar adag oo labada kooxood ay u muuqdeen kuwo awoodoodu isku dhowdahay guntii iyo gebgebadii waxaa ay 1 : 0 guusha ku raacdey kooxda Blue Star
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk .

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.