Home » Warar »

Garabka Xisbiga TAYO PARTY Holland oo lagu dhawaaqay iyo Xaflad lagu taageerayo oo ka dhacday Denhaag.

Munaasabad si weyn loo soo agaasimahay  oo lagu furayey garabka Xisbiga TAYO PARTY ku yeelanayo wadanka Holland  ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada xarunta u ah siyaasada Dalka Netherlands ee Denhaag, Waxaana kasoo qeybgalay xafladaasi dadweyne aad u badan oo ka kala yimid dalka Holland iyo Halgamaa  Abdiqadir Boolaay oo ka yimid UK.

Halkan ka daawo sawirada

Dadka meesha yimid waxaa ka muuqatay taageero badan oo ay Xisbiga TAYO u hayaan kaasi oo dhawaan looga dhawaaqay Mareykanka iyaddoo ay hoggaanka Xisbiga TAYO loo doortay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Abdilaahi Farmaajo iyo Drs, Maryan Qaasim oo ka mid aheyd wasiiradii xukuumadii Farmaajo.

Waxaa  hadalka furay dhalinyaro qeyb weyn ka ciyaartay maanta socoshada xafladan kuwaasi oo kala ahaa Kaneeco iyo Shuukheey. Waxaana ay dadkii halkaasi fadhiyey uga mahadceliyeen kasoo qeybgalkooda,iyagoona dhinaca kale sharaxay ujeedka xaflada maanta ka dhacday Denhaag taasi oo ay ku sheegeen inuu yahay furista Xisbiga TAYO Holland iyo taageero u muujinta Drs, Maryan Qaasim oo ag Guddoomiyaha Xisbiga iyo Farmaajo oo isagana loo doortay inuu yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga TAYO.

Shuukheey oo ah dhalinyarada waxbaratay ee  ka mid ka ah Xisbiga TAYO ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka ujeedka TAYO iyo waxa uuga duwan yahay dhamaan xisbiyada kale ee dalka ka jira.

“Xisbiga TAYO waxaa uu yahay mid ka yimid baahida dadweynaha Soomaaliyeed, Waxaa uu u taagan yahay hirgelinta dowladnimadii iyo kala danbeyntii dalkeena uu mudo badan la’aa . Haddii aad maqli jirteen xisbi ay hoggaamiyaan ragg maanta waxaa uu TAYO uu baal cusub u furayaa in Xisbigan ay hoggaamiyaan Haween taasi oo cadeyn u ah in Guddoomiyaha aanu u dooranay Drs,Maryan Qaasim Halka Farmaajo oo ahaa halyey madax ku leh ummada Soomaaliyeed uu ka yahay Xoghaya guud .” Ayuu yiri Shuukheey.

Waxaase uu intaasi raaciyey  muuqaalo  laga duubay dadkii Soomaaliyeed ee ka banaanbaxaay waqtigii uu Farmaajo xilka Ra’iisul wasaare wareejinayey kuwaasi oo diidanaa arrintaasi balse rabay inuu Farmaajo sii joogo xafiiska Xukuumadii TAYO loo bixiyey ee waqtiga yar isbedelka kasameysay Soomaaliya.

” Markii la arkay rabitaankii dibadbaxayaashii Soomaaliyeed ee dal iyo Dibad ka dhacay ee taageerada u hayey Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo iyo Xukuumadiisa waxaa taageerayaasha jawaab looga dhigay in loo furo xisbi ay ku soo gudbisan karaan aragtidooda iyo isbadelka laga rabo inuu ka dhaco dalkeena Hooyo” Ayuu  hadalkiisa ku celceliyey.

Halgamaa Abdiqaadir Cali Boolaay oo kamid ahaa ragga fara ku tiriska ah ee ka haray SYL ayaa waxaa uu maanta kasoo qeybgalay xafladan lagu taageerayey Xisbiga TAYO. Waxaana uu codkiisa ku biiriyey taageerayaasha u taagan  inuu TAYO noqdo mid hirgeliyo hankiisa siyaasadeed eeku aadan Dalka Soomaaliya.

“SYL waxaa ay dhiig badan u daadisay sidii ay u hirgelin laheyd ujeedadeedii aheyd xornimo ka dhalata Soomaaliya laakiin intii ay howshaasi waday garab socday dad soomaali ah balse aan jecleyn soomaalinimada iyo xornimadii aanu usoo halganay. Waxaan hadalkeyga uga jeedaa in Xisbiga TAYO uu la mid yahay SYL oo uu rabo dib usoo nooleyntii Soomaalinimada,iyaddoo ay jiraan kuwa u shaqeeya Cadowga Soomaaliya oo aan rabin in laga baxo dhibka aan hadda ku jirno” Ayuu yiri Halgamaa  Abdiqaadir Ali Boolaay.

Waxaa uu dhinaca kale ku tilmaamay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mr, Farmaajo  mas’uulkii ugu horeeyey ee ku shaqeeyey si Soomaalinimo ah islamarkaana dib u soo yagleeli kara gobinimo doon iyo dowladnimo lala raadiyo Soomaaliya. Isagoona tusaale ku dayasho mudan ku tilmaamay waxqabadkii mudadii uu xilka hayey muujiyey.

“Aniga Abdiqaadir Boolaay ahaan waxaan ku kalsoonaay waxqabadka Farmaajo iyo xisbiga TAYO waxaana wali laabteyda ka go’ila xukuumadiisa sida ay wax uga qabatay Soomaaliya, waxaan rajo ay kusoo celisay xukuumadiisa qalbigeyga sababtoo ah waxaan ahay dadka yar ee usoo joogay halgankii dalkan loo soo galay, marka si gaar ah ayey ii gubeysaa in la dayaco wixii loo soo halgamayey. Waxaan howshaasi uga fadhinaa oo aan waliba ku kalsoonahay inuu Farmaajo iyo TAYO PARYT inay yihiin geesiyaal mudan taageero” Ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

Siyaasiga Cali Kawaan oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha xafladan oo isagana ka hadlay goobtaasi ayaa waxaa uu ku dheeraaday marxaladaha uu soo maray qabashada Xafladan isagoo dhinaca kale halkaasi ka sheegay magacyada sadex ka mid ah hoggaanka TAYO Holland kuwaasi oo kala ahaa Guddoomiye ku meelgaar ah  Shiikh Cumar Abdilaahi Xassan , Xoghayaha warfaafinta TAYO Holland  Maxamed Mahdi Ceydii iyo Xoghayaha  dhaqaalaha TAYO Holland  Abdirahman Maxamed Cumar “Food” oo ka mid ahaa ragga ugu cadcad taageerayaasha xisbiga TAYO.

“Waxaa TAYO inooga filan inaad laba suáal iweydiisaan kuwaasi oo kala ah TAYO muxuu ku dhashay iyo yuu u dhashahay , Waxaa uu ka dhashay kadib markii shacabka Soomaaliyeed dhigeen dibadbaxyo iyo taageero  ay la garabtaagan yihiin xukuumaddii TAYO ee Farmaajo, iyaddoo taasi laga duulayo ayaa waxaa dhashay in la sameeyo Xisbiga TAYO  taasi oo aan maanta  halkan aan u joogno. Haddaba magaca sida aad uga jeedaan “ayuu yiri Ali Kawaan.

Shiikh Cumar oo loo dooortay Guddoomiyaha Xisbiga TAYO  laanta uu ku leeyahay Holland ayaa waxaa halkaasi uu kaso jeediyey hadalo u badnaa baraarujin  iyo taageero u raadinta Xisbiga TAYO.

“Waxaan ka mahadcelinayaa kasoo qeybgalkiina, Waxaa uu xisbigan u furana yahay cidkasta oo idin ka mid ah ummada Soomaaliyeed. Waad la socotaan waxqabadkii Farmaajo intii uu joogay Dalka si taasi la mid ah ayuu TAYO u diyaar yahay meelmarinta nabad kusoo celinta Soomaaliya. Waxaan furmay iminka diiwaangelinta xubnaha ka mid noqonaya ururka TAYO kuwaasi oo xaq u yeelan doono talada ururka islamarkaana iyagana lagu yeelanayo waajibaad ah soconsiinta ururka TAYO ilaa uu dalka kusoo celiyo sidii uu ahaa.”Ayuu yiri Shiikh Cumar.

Sahro Diiriye Gamaadiid oo ka mid ah garabka Haweenka ee Xisbiga TAYO  ee Holland ayaa iyadana sheegtay in haweenka soomaaliyeed si weyn isaga dhex arkeen ururka TAYO ,iyaddoo si gaar ah u sheegtay inay farxad haweenka soomaaliyeed u tahay inay  Guddoomiye ka tahay  Drs,Maryan Qaasim taasi oo ah bey tiri mid uu xisbigan fursado ku siinayo haweenka soomaaliyeed,waxaana ay dhinaca kale sheegtay in dumarka looga fadhiyo meelmarinta  Xisbiga TAYO.

“Waxaan ahay Hooyo Soomaaliyeed oo ku qanacday taageerida Xisbiga TAYO, waxaan aniga oo ku hadlaya codka haweenka Soomaaliyeed ee TAYO leeyahay midani waa fursadii aan sugeynay mudo badan haddii aanu nahay haweenka. TAYO waxaan dhihi karaa waa rajadii ummada Soomaaliyeed ee dalka dib ugu laaban laheyd kana qeybgeli laheyd dhisme dowlad qaran. “Ayey tiri Sahro Diiriye Gamaadiid.

Maxamed Abdi Lugod oo ka mid ah odayaasha kasoo qeybgalay xafladan ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka xaalada dalka Soomaaliya isagoona sheegay inay soomaaliya iminka gacanta ku hayaan dad uu ku tilmaamay kuwo aan rabay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed. Waxaana uu muujiyey taageerada uu u hayo Xisbiga TAYO oo uu ku tilmaamay Dayax usoo baxay shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

“Uma baahna in aan fasiro TAYO, Waxaan u arkaa inuu yahay Dayax inoo soo baxay oo iftiin u ah dalkeena iyo dadkeena meelkasta oo ay joogaan. Waxaan u arkaa midii wax badan ka badeli lahaa dalkeena sida uu hadda ku sugan yahay. Dalkeena waxaa heysta sheydaan doqon ah, oo aan dooneyn inuu dalka dib u dhismo. TAYO sida uu ugu dhashay dareenka shacabka Soomaaliyeed ayuu haddana u fadhiyaa taageeradiina iyo dhiirigelintiina.” ayuu yiri Maxamed Abdi Lugod.

Dadweynaha goobta joogay ayaa gooni gooni uga doodayey sidii lagu taageeri lahaa Xisbiga TAYO,iyagoo dhamaantood isla meel dhigay inay  u arkaan TAYO iyo Farmaajo kuwa mudan taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Raíisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Xoghaya guud ee Xisbiga TAYO ayaa isaga oo jooga Dalka Ingiriiska uga qeybgalay qadka telefoonka xafladan ka dhacday Holland,waxaana uu farmaajo si weyn uga mahadceliyey taageerada uu had iyo jeer ka helo isaga iyo xisbigiisa dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holland. Farmaajo waxaa uu sidoo kale ku dheeraaday sababta uu xisbiga TAYO ku bilowday iyo dadka bilaabay intaba. Waxaana uu si gaar ah ugu sheegay jaaliyada Holland inay yihiin kuwii bilaabay dhismaha xisbiga TAYO.

“TAYO waxaa sharaf u ah inuu kasoo bilowday mudaaharaadkii shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, Waxaan si gaar ah u sheegayaa inaad tihiin jaaliyadiina Soomaaliyeed Holland meeshii aan dhismaha Xisbiga TAYO kasoo bilownay. TAYO waxaa mid ku dhisan rabitaankiina,waa mid ku yimid baahidiina, waana mid u taagan hirgelinta qorshayaashiina wadaniyadeed ee aad leeyihiin, waxaana arrintaasi lagu heli karaa idinka oo is garabtaana cod ahaan iyo dhaqaale ahaanba xisbiga TAYO “Ayuu yir Maxamed Abdilaahi Maxamed “Farmaajo”

Dhinaca kale Farmaajo oo uu si gaar ah uga mahadceliyey ka qeybgalka xafladan holland ka dhacay uu kasoo qeybgalay Halgamaa Abdiqaadir Ali Boolaay oo uu ku tilmaamay raga soomaalida ah ee kasoo haray astaanta midnimada ummada Soomaaliyeed iyo xisbigii SYL. Waxaana uu ku sheegay shacabka Soomaaliyeed in la karaameeyo cidkasta oo la mid ah SYL. Farmaajo ayaa waxaase uu ku dheeraaday ka hadalka howlaha xisbiga horyaala waqtiga dhaw ee ah kaqeybgalka doorashooyinka dhawaan dhacaya.

“Waxaan u mahadcelinayaa Halgamaa Abdiqaadir Ali Boolaay oo aan filayo inuu madasha idin la fadhiyo, waxaa uu halgamaaga ka haray ragga yar ee ka nool SYL waxaana leeyahay waa u sharaf TAYO inuu maanta la joogo xafladooda Abdiqaadir Boolaay,waxaana taasi sidoo kale inoo muujineysaa in wadaniyiintii oo dhan taageersan yihiin xisbiga TAYO. Waxaad la socotaan in SYL ay soo martay halgan aan la ilaawi karin kaasi oo uu usoo joogay Abdiqaadir Boolaay, si taasi la mid ah ayaa maanta xisbiga TAYO looga fadhiyaa inuu sameeyo taariikh waxbadan u tarta ummada Soomaaliyeed oo wax ka  badesha madasha fowdada iminka dalkeena ka jirta “Ayuu yiri Farmaajo oo qadka telefoonka uga qeybgalayey xaflada xisbiga TAYO ee ka dhacday Holland isagoo markaasi u jooga xaflad kale oo isla xisbiga Tayo loogu sameynayey magaalada Bristol ee dalka UK.

Intaasi kadib waxa  hadalka la wareegtay Marwo, Xamza Shiikh Xuseen “Hanoolaato” oo ka mid aheyd qabanqaabiyaasha xisbiga TAYO ee Holland waxaana ay si gaar ah ugu mahadcelisay Xoghaya xisbiga TAYO Maxamed Abdilaahi Farmaajo ee kala soo qeybgalay xaflada isagoo adeegsanaya qadka telefoonka,waxaan sidoo kale ay dhiirigelin ku sameysay dadka u taagan xisbiga TAYO kuwaasi oo kala jooga dalal badan oo aduunka .

” TAYO waxaa astaan u ah Talo,Tanaasul iyo Tobta toosan waxaana haddii intaasi la hirgeliyo shaki ku jirin in laga baxayo  dowlad laáanta ina heysata. Farmaajo waa halyey aan dhihi karo waxaa uu kalsooni ku beeray ummada Soomaaliyeed waxaana taasi ay ka dhalatay xisbiga TAYO ee aan maanta u joogo xafladiisa. Cidkasta oo kasoo qeybgashay xafladan waxaan si gaar ah ugu sheegayaa inay noqdaan halyeeyo u taagan taabo gelinta hadafka Xisbiga ee ah mustaqbalka dalkeena Soomaaliya”Ayey tiri Marwa, Xamza Shiikh Xuseen “Hanoolaato” oo hadalka kusoo dhameeyey Halgamaa Abdiqaadir  Ali Boolaay oo markaasi qadka telefoonka kula hadlayey Raíisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Abdilaahi Farmaajo.

Halgamaa Abdiqaadir Ali Boolaay ayaa ku dhibciyey dhagaha Raíisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo shacabkii kale ee halkaasi fadhiyey inuu kalsoono buuxdo ku qabo shaqada Farmaajo iyo qorshaha xisbiga TAYO. Waxaana uu si cad ugu muujiyey inuu yahay taageeraha koowaad ee xisbiga TAYO.

“Waxaan Farmaajo ku leeyahay adiga iyo xisbiga TAYO waxaa inoo tihiin  kuwa inooga dhigan SYL. Hadalkeyga waa mid aan ku cabiray dareenkeyga wadaniyadeed kadib markii aan arkay sida shacabka soomaaliyeed kuugu mudaaharaadeen islamarkaana kuugu muujiyeen rabitaanka hoggaankaaga ayey iisoo baxday inay muhiim tahay in aan kalsooni kusiiyo adiga iyo xisbiga TAYO. “Ayuu yiri Halgamaa Abdiqaadir Ali Boolaay oo  intaasi raaciyey . ” Haweenka, Odayaasha, dhalinayarada, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka kacay ee codkooda ku taageeray xisbiga TAYO waa astaanta aad kala mid tihiin xilligii xornimo doonka SYL ay ku jirtay oo ay taageero dadweyne ka heshay shacabka soomaaliyeed,haddaba waxaan  leeyahay TAYO waa SYL-shii labaad ee inoo dhalatay”ayuu hadalkiisa kusoo xiray Abdiqaadir Boolaay.

Ugu danbeyntii Waxaa halkaasi heeso wadaniyadeed ka qaadayey fanaaniinta reer Holland ee kala ah Xasan Diinle, Maxamed Abdifitax Weerow iyo fanaanada Saciido Shiino oo xafladan uga timid dalka France . Heesaha halkaasi laga qaaday ayaa waxaa ku jirtay hees i gaar ah loogu qaaday xisbiga TAYO taasi oo ka soo maaxday maskaxda Khadra Ali iyaddoo laxanka iyo musica uu saaray Weerow, waxaana codka si wada jir ah u qaadayey Saciida Shiino iyo Weerow. Heestaasi ayaa badeshay dareenka shacabkii halkaasi fadhiyey.

Dalka Holland ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka sida weyn looga taageero xisbiga TAYO waxaana xasuu badan sidii    ee 3da Maarso ee sanadkan loogu soo dhaweeyey isla  magaalada Denhaag ee dalka Holland xisbiga , Waxaana dadka Soomaaliyeed ee Dalkan degan aysan u kala harin taageerada xisbiga TAYO iyo Farmaajo. Waxaana uu noqonayaa Farmaajo iyo xisbiga uu hoggaamiyo masúulkii ugu taageero badnaa ee abid yimaada dalkan Holland.

Xaflada shalay ka dhacday Magaalada Denhaag ayaa waxaa la dhihi karaa waa sii balaarinta xisbiga TAYO ee dhawaan looga dhawaaqay Dalka Mareykanka, waxaana la filayaa in dhawaan xisbiga TAYO looga dhawaaqi doono xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho taasi oo la filayo inay noqon doono mid soo afmeerta socdaalka TAYO ee qurbaha.  Waxaana xafladan kusoo dhamaatay sidii loogu talogalay iyaddoo halkaasi lagu kala tagay waqti danbe ee xalay.

HALKAN KA DAAWO DHAMAAN SAWIRADA XAFLADA  XISBIGA TAYO EE HOLLAND :

 

 

Cali Dahir Ciid

Denhaag,Netherlands

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Garabka Xisbiga TAYO PARTY Holland oo lagu dhawaaqay iyo Xaflad lagu taageerayo oo ka dhacday Denhaag. "

  1. waxaan ka mid ahay taageerayaasha xisbigeena tayo; hadana waxaan qaban-qaabadeed ku jirnaa miraha heesta cusub ee tayo!
    waxaan is leeyahay oo aan nafteeyda ku qan-ciyaa maantaan hayaa madax xalaal ahoo muwaadinimana u dheertahay! mahadsanid walaalayaal!