Home » Faallo »

Qoondo Qaran iyo Qabiil kala Weeci

Marka la fiiriyo Horyaalka Qaranka waa Haweenka, Soomaalidu waxay Tiraahdaa Haweenku waa Geed Harweyn oo uusan Garaney Maangaabka waxan qabaan in doorkii Haweenka la iska Hilaamey oo kaalintoodii Siyaasadeed oo in badan kaga hooseeyaan Ragga , waxaa Xaqiiqo ah in ay Haweenka qaadan karaan kaalin kasta oo raga qaban karaan , waxaana maanta mudan yihiin in kaalintoodii la siiyo oo aan la xaqirin.

Haweenka waa lafdhabarka Bulsho weliba oo Dunada , sidaa darteed kaalin muuqata kam aysn qaban oo dhinaca Siyaasada marka la eego Soomaaliya , raguna 40 nin ayaa u dartantey Madaxtinimada Soomaaliya oo Hweenka mar kasta waa laga reebaa oo mudnaanta waxaa la siiyaa Ragga , waxaana dhab ah in Haweenka uu muuqdo doorkoodii ay Bulshada ku lahaayeenn gaar ahaan dhinaca dhaqaalo raadinta, sidoo kale waxay ku firfircoon yihiin u doodida dadka Jilicsan iyo quudintooda , waxayna mar weliba garab taagan yihiin dadkaas oo ay wax u qabtaan , Haweenka waa marka koowaad waa Hooyadii dhashey dadka ku nool Dunida , Hooyadu waxay ugu Naxaariis Badan tahay ilmaheeda Lamanaheeda ay wada Nool Yihiin.

W/D Cabdikariin Shiikh Yuusuf - Garyaabis

Sidaa darteed Bulsho weliba waxay leedahay dad ka dhex Muuqda , haddii aan fiirino Soomaaliya Haweenku waxay ahaayeen kuwa qaatey Doorkoodii , weliba waxay ka qayb ka qaateen dib u heshiisiin farabada oo aan dhihi karo raga ay ka Caalwaayeen , waxayna markasta ka hadlaan sidii loo joojin lahaa dhiiga daadanaya ,waxaana ma rweliba aad ka maqleysaa Warbaahinta Haween ka hadlaya dhibaatada taagan , sidaa darteed Haweenka Gacana waxay ugu adeegayaan reerkood gacana Qaranka Soomaaliyeed , waxaana ka mid ah Ururada mar kasta u taagan damqashada Ummadooda Ha’yadda Ismaaciil Jimcaale Cosoble , Elman, CRD ,SSWC, Waxaana kuwaas ka sii dadaal badan oo Abaal Marino Caalami ah heley sida Novel Price oo ay bixIyeen ururo Caalami ah.

Haweenkaas waxay Mudan yihiin in dalka Hogaankooda noqdaan waxaana la joogaa Xiligii iyaga la fiirin lahaa oo kaalintoodii Siyaasadeed aan laga hor istaagin sidii hore looga bartey ragga , sidaa darteed Bulshadu way taqaan Cidda wax tartey iyo Cida wax u dhibtey , waxayna dooraneysa Ciddii maalgashatey oo wax tartey , waxaana laga rabaa Bulshada in ay u istaagaan arrinkaa maadaama raggi hore loogu hungoobey lana arkey 21 kii sanno ee la soo dhaafey marka waxaan leeyhay (Ragow Dib u Joogso)

Waxaa intaa ku darayaa Faahfaafin la xiriirta Qoondo Qarameedka Qabiilka ku dhsan oo aan dhihi karo waa mid aad u fool xun haddii aan dib u qooraan sano Dowladihii soo marey 21 Sanno ee la soo dhaafey haweenka Qoondadooda waxay ahayd mid kala dhantaalan waayo Boqolkiiba waxay ku lahaayeen 30 sidaa darteed Qoondadaas haweenka ma helin oo waxaa Boosaskoodii buuxiyey raggii marka waxaana leeyahay Qoondada maanta ee Haweenka la siiyey waa in sidii loogu talagaley Haweenka loo siiyaa oo Gacan bidixeynta laga daayo Haweenka sidaa darteed waa in laga Gudbaa, Qabiil, Qoys ee loo gudbaa Axsaab.

Gabagabadii inta wax lagu xulaya Qaab qabiil haweenka Soomaaliyeed marnaba Xaqooda ma soo baxayo waayo Odey Dhaqameed marnaba lagama sugayo in uu Haween soo xulo marka waxaa soo jeedinayaa in Qoondadii Qarameed ee Haweenaka in meel gaar ah la iska dhigo ama ay soo xulaana Bulshada Rayidka waayo iyagaa is garanaya oo og Doorka Haweenka Soomaliyeed

W/D Cabdikariin Shiikh Yuusuf – Garyaabis
00252618566605

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Qoondo Qaran iyo Qabiil kala Weeci "

  1. Aad iyo aad ayaan kuu salaamaya sheekh. Waxaa isweydinaya arinta Somalia waxaa isku haya rag iyo dumar? Mise waxaa isku hayo waxaan lagaranayn oo xitaa haddii rag iyo dumar la’isku daro aysan waxba kaqabankarin ayaan u arka. Ama dumarka waxqabkooda waa muuqda inta aan laga hadlin Siyaasadan guracan.