Kulan ay isagu yimaadeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka , Xildhibaano, Odoyaasha Dhaqanka , Culmaudiin Aqoonyahano , Haween iyo Dhalinyaro dhamaantood ka soo jeeda Deegaanka Hosingow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho , waxaana Kulankaan looga hadley sidii Gurmad Deg deg ah loog fidin lahaa dadka ku nool Deegaanka Hosingow oo ay soo wajahdey Daruufo iyo Dhibaatooyin kale
Kulankaa ayaa Xubnhii ka qaybgaley waxay warbixin dhinaca Khadka Taleefonka kaga Dhgeyateen Gudoomiyaha Deegaanka Hosingow Aadan Ibraahim Dhaqane oo sheegey in Todobaddkaan deegaankaas ay ku dhinteen 16 qofood kuwaas oo u geeriyoodey Cuduro kala duwan iyo Haraad ka dib markii ay ka Gureen Warihii iyo Ceelashii sidoo kale wuxuu sheegey in Deegaanka uusan lahayn Isbitaal , Ceelal iyo adeegyadii kale ee Bulshada sidii darteed wuxuu sheegey in haddii aan Gurmad Deg deg aan lala soo gaarin ay dhibaatadu intaa ka sii badaneyso
Odoyaasha ka hadley kulankaas ayaa dhaliil weyn u jeediyey Dowlada Federalka Madaama laba Bilod ka hor ay halkaa soo gaareen Ciidamada Dowlada taasoo ilaa hadda wax Gurmad ah la soo gaarin dadkaas sidoo kale Hayadaha Samafalka ayaa iyana dhalil taas la mid ah u jeediyeen ka dib markii iyana ka gaabiyeen Gurmadkii ay u baahnaayeen dadkaas iyagoo sheegey in Hayadaha Samafalka ay tagi karaan Deegaanka Hosingow iyagoo balan qaadey in ay sugi doonaan Amaankooda
Kulankaas ayaa intii uu socdey waxaa lagu sameeyey Guddi la magac baxay Guddiga Gurmadka ee Deegaanka Hosingow waxayna magacyadooda kala yihiin Suldaan Caafi Suldaan Cabadulaahi Maxamed Cabdulaahi Santuur Yuusuf Maxemed Ducaale (Yuusuf Astur) ,Akhyaar Xaaji Carab ,, Aadan Ibraahim Dhaqane,Nabadoon Shiikh Cabdi Samed ,iyo Cabduqaadir Maxamed Aadan (Digil) iyadoo Markii la magacaabey Guddigaan markiiba ay Baaq u jeediyeen Dowlada Federaalka , Hayadaha Samafalka,iyo Jaaliyadda Beesha Shiikhaal ee ku nool Dunida Dacaladeeda waxay Baaqooda ku sheegeen in Gurmad Deg deg ah lala soo gaaro Dadka ku noo Degaanka Hosingow oo ay isugu darsameen Dhibaatooyin kala ah Cuduro, Abaaro iyo Colaad iyadoo Bishii Desember ee Sannadkii tagey iyo Bishii Janaayo ee Sannadkaan waxaa Deegaanka Hosingow Duqeeyey Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya kuwaas halkaa ka geystey dhibaatooyin isugu jira dhimashoiyo Dhaawac,hadaba ciddi dooneyso in ay u gurmato Deegaanka Hosingow ay la xiriiri karaan Gudoomiyaha Deegaanka Hosigow Aadan Ibraahim Dhaqane
Gudoomiyaha Deegaanka Hosingow Aadan Ibraahim Dhaqane
00252615611498
ACC lamabar 11926 Dahabshiil
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.