Home » Warar »

Qorshe Sir oo ay wada Gaareen Shiikh Shariif, Shariif Xasan, Cabdiraxmaan Faroole iyo Ambasadoor Mahiga

Iyadoo ay socdaan qorshayashii Doorashadii Mdaxweyninimada ee Soomaaliya ayaa waxaa sii xoogeystey sidii dadka qaar ay uga muuqan lahaayeen Dowladda Soo socota gaar ahaan dhinaca Xubnaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada , waxaana Magaalada Muqdisho iyo Dalka Dibadiisa ka socoda Ololalhaasi , wuxuuma Ololahaan uu saameeyeen Odoyayaasha Dhaqanka oo la yiri waxaa soo xuleysaan Xildhibaanadii soo geli lahaa Baarlamaanka soo socda.

Waxaa Bilowdey in Beelaha qaar ay bilaabeen in ay Caleemo saartaan Ugaasyo, Imaamyo, Garaado, Suldaano, Wabaro , Beeldaajiye, Suldaan iyo Nabadoono Cusub.

Sidoo kale ololahaan waxaa uu saameeyyey Warbaahinta oo aad ka maqleyso hadalo aflagaado ah oo ah Hebel Ugaas ma aha iyo Hebel Suldaan ma aha. Waxaa iigu yaab badneyd markii hal beel ay ka yimaadeen Shan Ugaas mar ay kulan la qaadatey Wasaarada Arimaha Gudaha kaasoo ku dhamaadey Buuq iyo Qaylo.

Iyadoo arrimaas ay jiraan ayaa Siyaasi ka tirsan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo diidey in Magciisa la Sheego ayaa iiga waramey arrimo Sir oo ku saabsan Tirada Xildhibaanada la soo dooranayo wuxuu ii sheegey in dadka la maqashiiyey in Tirada Xildhibaanada ay noqonayaan 225 Xildhibaan sida uu qorayo Heshiisyadii ka dhacay Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo , wuxuu ii sheegey in arrin taa ka duwan yahay uuna jiro Heshiis hoose oo dhexmarey Madaxweyne Shiikh Shariif , Shariif Xasan , Madaxweynaha Maamulka Puntaland Cabdiraxmaan Faroole iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga, heshiiskaas qarsoodiga ayaa dhigaya in si hoose loogu heshiiyey in Tirada Xildhibaanadu ay noqdaan 275 Xildhibaan.

Siyaasigaan oo qorshaha sirta ah u faah faahinayey webka SomaliTalk ayaa sheegey in 50 Xildhibaan ee Gadaal looga Dari doono ay yihiin kuwo Keyd ah oo si hoose ay u qabsadeen Saddexdaas Masuul iyo ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya waxaana uu sheegey in loo qaybsadey min 15 Xubnood waxaa u kala qaatey Shiikh Shariif, Shariif Xasan iyo Cabdiraxmaan Faroole iyo 5-ta soo hartey “lagu sharfey” Wakiilka Qaramada Midoobey.

Waxaana weydiiyey siyaasigaas Magaca loo Bixiyey Xildhibaanadaas wuxuuna ku jawaabey “Xildhibaanadaan waxaa loo yaqaan Xildhibaan Sharafeed waana wax aduunyada ka jira in qaar loo reebo Madaxda bal fiiri Shirkii Carta waxaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle lagu sharfey 20 Xildhibaan wuxuuna isaga siiyey dadkii uu is lahaa waxay magac ku leeyihiin Bulshada Dhexdeeda.”

Waxaan weydiiyey qaabkee ay ugu qaybinayaan Bulshada Soomaaliyeed Shiikh Shariif Shiikh Axmed , Shariif Xasan iyo Cabdiraxmaan Faroole ma habkii 4.5 ayey raacayaan mise si kale , wuxuu ku jawaabey “ Maya kuma qaybinayaan 4.5 ee waxay siinayaan dadka ay Saaxiibada yihiin oo muddo la soo shaqeynayey halka Wakiilka Qaramada Midoobey ee Mahiga uu siinayo ama uu ku Sharfayo dadka uu is leeyahay Bulshada Magac bay ku leeyihiin ama la soo shaqeeyey.

Qorshahaan Dahsoon ee ay uu sheegay in ay wataan Masuuliyiintaas ayaa dadka u kuurgala arrimaha Siyaasada waxay sheegayaan in ay ka imaan karto Buuq Qaylo dhaan hase yeeshee dadka qaar baa qaba haddii qorshahaan uu hirgalo ay noqoneyso in dib ay u soo laabtaan labada Shariif iyadoo Cabdiraxmaan Faroole uu ku jiro damac siyaasadeed oo ku aadan in qabto Xilka Raiisul Wasaaranimo ee Soomaaliya, hase yeeshee warar baa sheegaya in Cabdiraxmaan Faroole uu u Tanaasili doono Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi weli Maxamed Cali Gaas waxaana la sheegey in Qorshahaan uu si weyn ugu war qabo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amabasadoor Mahiga.

Waxaa maalmahaan Warbaahinta Muqdisho ay Wareysanayeen Siyaasiyiin , Aqoonyahano , Odayaal Dhaqameed iyo qaar ka mid ah Bulshada Rayidka oo qaarkood ku Hadley hadalo kulkulul waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Shiikh Axmed Dhcisow oo Masuuliyiinta hadda hor boodeysa Dowlada Federaalka uga digey in ay dib ugu soo laabtaan Xillalkooda isagoo soo jeediyey in Beesha Caalamka ay Magacowdo Guddi doorasho oo la socda Doorashada Madaxweynaha Soomaliya. Sidoo kale Imaam Cabdulaahi Khaliif Rooble oo isna ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka ayaa isna Cod dheer ku yiri” Shiikh Shariif Naf iyo Maal baan kuugu beelney ee si Sharaf leh ugu deg Xilka Madaxweyynimo.

Shiikh Shariif oo la sheegey in qaar ka mid ah Dowladaha Caalamka ay wax la wadaan ayaa isna ku andacoonaya in uu wax weyn qabatey Dowladiisa waxaana uu hore u yiri ”Xarunta Madaxtooyada dhexdeeda ayaa laba Xafiis Waraaqo isaga Gudbin waayeen Rasaasta Wiiftada Aawadeed waana Ilaah Mahadii in Magaalada aan ka saarney Alshabaab sidoo kale Gobolada qaar ayaa iyana gacanta Dowlada ku soo laabatey inta harteyna inta aan la gaarin Bisha Agoosta ayaan ka saareynaa , waxaan dib u soo celiney Bilicdii Magaalada Muqdisho weliba waxay Dowladda ka saartay dadkii degenaa Xarumhii Dowlada kuwaas oo aan u soo helney Mashaariic dib loogu dayactiro ” Hadaba la arkii doonee halka ay ku dambeeyaan Masuuliyiintaas oo aan hadda wax wel wel ah ka qabin in ay dib ugu soo laabtaan Xilalkood wallow ay soo wajaheyso Mucaaradad Xoog leh.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.