Home » Warar »

Isbaheysiga Nabada Soomaliyeed oo Cabdulahi Shiikh Xasan u Doortey Musharax uga qaybgalaya Doorashada Madaxweyninimo ee Soomaaliya

 

Isbahaysiga nabadda Soomaaliyeed oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa kusoo bandhigay xubinta uga qaybgalaya doorashada Madaxweyninimo ee dalka Soomaaliya, waxaana munaasabadda ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan dowlada KMG ah, xildhibaano, xisbiyada siyaasadeed dalka, culummo, odoyaal, haween, dhallinyaro iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha isbahaysiga, Cabdulaahi Sheekh Xasan Cali ayuu Isbaheysigu u magacaabay inuu uga qaybgalo doorashada dalka ka dhacaysa marka la gaaro bisha Ogoosto oo ay ku eg-tahay KMG ah ee Soomaaliya.

Halkan ka daawo sawirada 

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay xoghayaha guud ee isbahesysiga, C/salaan Maxamed Siyaad ayaa ku dheeraaday ujeeddada uu isbaheysiga ugu soo xulay inuu doorashada uga qaybgalo C/llaahi Sheekh Xasn, isagoo sheegay in markii ay arkeen in dalku uu marayo marxalad adag uu isbaheysigoodu u doortay mas’uulkan inuu ka mid noqdo xubnaha u tartamaya madaxnimada dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee isbaheysiga, Cismaan Maxamuud Maxamed (Buule) oo isna meesha ka hadlay ayaa si weyn u faafaahiyay qaabkii uu isbaheysigu kusoo xulay C/llaahi Sheekh Xasan, isagoo xusay in mas’uulkan uu kula tartamay xulidda mas’uul kael uuna isagu ku guuleystay cod hal dheeri ah. Sidoo kale waxaa arrintan sii faah-faahiyay xogayaha cadaaladda iyo garsoorka oo sheegay in si cadaalad ah ay ku dhacday doorashadii uu kusoo baxay musharraxa isbahaysiga nabadda.

Xubnihii kale ee kulanka ka hadlya waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha majmaca culimada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Dhicisow oo sheegay inay si weyn u soo dhaweynayaan musharaxninimada C/llaahi Sheekh Xasan, wuxuuna Alle uga baryay inuu hadafkiisa ku guuleeyo isagoo yiri: “Waxaan maalmahaan maqlayay in maamulka sare ee dowladda KMG ah ay wadaan qorshayaal ay odoyaasha dhaqanka ugu dhaadhicanayaan inay soo xulaan xubno iyaga dib u soo doorta, waxaana beesha caalamka u soo jeedinay inay magacaabaan guddi heer Qaran oo la socda doorashada soo socota.”

Imaam C/llaahi Khaliif Rooble oo ku hadlayay magaca odoyaasha dhaqanka ayaa hadal uu ka jeediyay kulanka ku sheegay in odoyaasha dhaqanka ay aad ugu faraxsan yihiin in dalka lagu qabto doorasho madaxnimo muddo dheer kaddib, isagoo u soo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya inuu xilka isaga dago uuna fursad siiyo mas’uuliyiinta kale ee xilka madaxnimo ee dalka daneynaya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo isna goobta ka hadlay ayaa daboolka ka rogay in C/llaahi Sheekh Xasan uu yahay nin daacad ah oo dadka Soomaaliyeed xiligan ka badbaadin kara dhibaatada adag ee ay ku jiraan.

Sidoo kale waxaa xafladda ka hadlay xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo sheegay in dalka Soomaaliya uu marayo meeshii ugu xumayd isagoo afka ku balaariyay in dalka taladiisa ay shisheeye gacanta ugu jirto sidaa darteed loo baahan yahay in la qabto doorasho lagu soo xulanayo madaxweyne hoggaamiya dowlad joogto ah]

Gabagabadii waxa ka hadley Musharax Cabdulaahi Shiikh Xasan Cali ayaa ugu horeyn u Mahadceliyey Isbaheysiga Nabada Soomaliya iyo intii soo qabanqaabisey Xafladan wuxuuna Sheegey in haddii loo doorto Xilka Madaxweyninimo in si daacad ah ugu shaqeyn doono Shacabka Soomaliyeed sidoo kale wuxuu sheegey in uu dib u soo celin doono Nabadii iyo Maqaamkii ay lahayd Magalada Muqdisho

Inta badan dadkii ka hadlay xafladda ayaa waxay soo dhaweeyeen in Muqdisho lagu qabto doorashada madaxnimo ee dalka, iyagoo sidoo kale u hambalyeeyay dadka isku soo taagaya xilka \Madaxnimo ee Soomaaliya oo uu ku jiro Musharraxa isbahysiga Nabadda Soomaaliya waxaana intii Xafladas socotey dadka Maaweelinayey Hobolada Waaberi iyo Barbaarta Gaashaaman .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.