Guddoomiyaha Maamulka Gobolka baanadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa ka hadlay Xaaladda ammaan ee Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa sheegey in Shacabka ku dhaqan Gobolka banaadir iminka ay ka soo baxeen waa siduu hadalka u dhigaye Mugdigii iyo cabsidii una taagan yihiin sidii ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen isla markaana dib u dhiska dalka ay qayb ka qaadan lahaayeen.
Xaaladda Muqdisho ayuu ku sheegey Guddoomiyuhu mid haatan ka soo reyneysa isagoo dhinaca kalena Farta ku fiiqay in ay jiraan Laba cadow oo aan Oggoleyn Nabad iyo Degganaansho Muqdisho ay ku damaashaaddo.Tarzan ayaa labadaas Cadow mid ku sheegey inuu yahay Xarakada Shabaab oo uu sheegey in dagaal Cad ay kula jiraan Xukuumadda kuwaasina sida muuqata ay yihiin Cadow ku soo duulay Shacabka Soomaaliyeed.
Cadowga labaad ayuu Guddoomiyuhu ku sheegey inuu yahay Rag Siyaasiin ah oo Damac Siyaasadeed uu ku jiro sidaa darteedna si ay Mansab Siyaasadeed ay u gaaraan ka shaqaynaya waa siduu hadakla u yiriye Carqaladeynta ammaanka
Guddoomiyaha Gobolka ayaa si weyn ugu booriyay Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay Ilaashadaan ammaankooda isla markaana ka hor tagaan kuwa doonaya in Nabaddooda ay dib u celiyaan.
Guddoomiyaha Gobolka banaadir ayaan cidna si toos ah u abbaarin hase yeehsee Wxaa Muuqata in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed markii ay soo dhwaatey Xiligii kalka Guur in la isku tuur tuuro Amaanka Magaalada Muqdisho iyadoo dhawaan Madaxweyne Shiikjh Shariif uu ku edeeyey Wasaarada Warfaafinta in ay Masuul ka ahayd Qaraxiii ka dhacay Tiyaaterka halka Wasiirka Warfaafinta uu sna iska fogeeyey eedeyntaas uga timiid Madaxweynaha islamarkaana Wasaaradiisu ay hore u wargelisey Laamaha Amaanka
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.