Home » Faallo »

AL-Shabaab iyo Kimistari (Chemistary) !!!!!

Sharaxa Cinwaanka :

Cinwaanka Maqaalkaan Wuxuu igu soo dhacay markaan Idaacad Afka Soomaaliga ku hadasha Aan ka Maqlay in Ciidamada Dawladda ay Weerar ku Qaadeen Jaamicad Muqdisho ku taal ayagoo raadinayaa,
Macallin Jaamicadaas ka shaqeeya oo Maadada Kimiatariga dhiga oo Logan Shakiyey in uu yahay mid shabaab ah ama Shabaab fikradooda u janjeera.

Markaas Ayaa markiiba ay igu soo dhacay Maqaalkaan Aan ugu magac daray Shabaab iyo kimistari oon ka wado maxaa iska galay AL-shabaab iyo kimistari oo ah maado Cilmi ah oo ka soo Jeeda Culuumta Casriga ah?!!!

AL -shabaab sow ma aheyn ?????

AL – Shabaab sow ka aheyn kuwii diidaayey wixii Tiknoolojiya ( technology ) Ama Ilbaxnimo ah oo ka soo Jeeda Aduunweynaha meel kastooy ka timaado ???? Sow am aheyn kuwii diidanaa Ururka Qaramada middoobay,Kuwii diidanaa Ururka Jaamicadda Carabta,Kuwii diidanaa Ururka Midowga Afrika ku bahoobeen ????

AL- Shabaab sow kuwii diidanaa Ururka midowga Islaamka,sow kuwii Diidanaa Hay ‘adaha Caalamka oo dhan Sida Kuwait, Qaramada middoobay sida who,fao,unicef ,red cross,red Cresent Iwm.

AL-shabaab sow am aheyn kuwii diidaayey wax kastoo Tiknoolojiya ah midda Kalashkov ama Ak-47 Mooyee,waligood lama maqlin ayagoo u Duceynaaya ama Habaaraaya Ninkii Ruushka aha ee Alifay Qoriga dilaaga ah ee Kalaashkov Ak-47 ,

akhristoow waa Yaabka yaabkiise maxaa Shabaabka jeclaysiiyey Tiknoolojiya wax gumaada oo kaliyah sida Ak47 ama Bazuuke ama hoobiye,maxay qoys hurda ama gurigoodii Nabad ku soo galay naxdin kula anfariiriyeen ama Hoobiye ay soo gameen ku dul habsaday oo ruuxna nabad uga tagin,maxay reer Nabad ah Iridooda madfac ka tuureen markaasna intay Qalabkoodii xirxirteen ka dhaqaajiyeen, kadibna saacado kadib mid loogu jawaabaayo lagu soo Hogaamiyey oo beel dhan huf iyo halaag u soo jiiday.

maxay meel suuq ah oo Khalqi badani ka adeeganaayo ay hoobiye ku soo Hogaamiyeen oo cardaadiqaha ka dhigay sida Suuqa weyn ee Bakaaraha oo kale,maxay.Muslimiin tukaneysa ay khaladkooda Dartiis dhibaato Uga
Soo gaartay !!! maxay…..Maxay……!!, maxay ……!!!! .

Akhristoow intaan Maqaalkaan qoraayey Ayaa waxaa dhacay waxaan sheegaayey oo hoobiye ay soo tuureen Alshabaab al-shufto ooy lahaayeen waxaan la beegsaneynaa Villada ayuu ku habsaday reer Barakacayaal ah oo uu dilay Aabihii iyo Hooyaddii iyo labo carruur ah, Bal yaa Arrinkaas ka Mas’uul ah. maxaa Caawa xalay uga eg Diinbaa la sheeganayaa Muslimiintana Hoobiye Ayaa lagu soo Hogaaminayaa !!!!!!.
Dadweynaha Magaalada Xamar ku le’enaaya waxaa ugu Horeysa Hooyo !!!
Hooyada Sharaftaas iyo Xaq dhawkaas nagu leh ayaa maanta Magaallada Muqdisho ay Carruurteedii ku gumaadayaan, sharafteediina meel kaga dhaceen, Jiif u diideen, Nabad u diideen, Qaxaysa ilmo Gacmaha haysa,ilintu ka Qubanaysa,waxay cunta haysan, ilamaheedana u haynin, wixii yar ay heshana kuwa yar yar afka ugu aadinaysa markaasna markay hiinsadaan oo ka dhamaystaan Gaajo la soo kadaloobsanaysa.

Akhristoow waxaa ku dartaa ayadoo Sooman Maalintii Habeenkiina aan Seexan karin markay maqasho sawaxanka Madaafiicda lala Beegsanaayo, aydoo kuwii yar yaraa dhabta ku haysa, xagey u qaxdaa meel Allaah inta may u qaxdaa Meel Allaah !!!!

Yaa dilaaya Hooyadaan Sow kuwii ay dhashay ma ahan, Yaa Qaxinaaya Hooyadaan sow kuwii ay u Dhaxday maa han,Yaa dilaaya Hooyadaan sow kuwii in ay Badbaadiyaan ee Dawlad ku sheega ahaa maahan !!!! Ifka hibo ku nooloow Aakhiro halkii Roon !!!!

Aan mar kale jaleecsado Abwaan Hadraawi :

Abwaan Hadraawi asagoo Qiimaha Hooyada tilmaamaaya oo ka hadlaaya waxa Hooyada Fiican lagu garto, wuxuu yiri :

Marka aad Nin hoogiyo
ka Hortagga Dagaalkoo
Dabkaa Hura Bakhtiiyoo
Garta Hubin Yaqaanoo
Xaqa Hoos u Eegoo.
Halista & Colaadaha
Ku Hagoogto Dhiigoo
Dadka kala hagaajoo kala haga
Dhashaa Baa Hooyo Lagu Xasuustaa.

Masha Allaah Nabigu wuxuu yiri NNKH

( ina minal Bayaani la sixraa) ama sidaas oo kale ayuu yiri;
oo Macnaheedu yahay Suugaanta oo wax lagu cadeeyaa soo jiidasho sixir oo kale ah ayey leedahay.

Bal Fiiri Akhristoow Hooyadu waa midda Dhasha Nin karmeedka Colaadda joojiya, dhiiga Muslimka ku Hagoogta , Dabka sharta ah ee Holcaaya Damiya,Dadka kala maslaxa oo kala hagaajiya, Xaqa u Hiilsha !!! Kaas ayaa Hooyo Lagu Xasuustaa !!!!

Maanta Reer Muqdisho ama aan Dhaho Soomaaliya oo dhan ma ka la’nahay Ninkaas Geesiga ah ee Dadka iyo Maatada ay Hooyada Xamar ugu Horeeysa Colaadda ka Baajiya oo Dhiiga Soomaalida ee 20 ka Sano Tifqaaya joojiya oo ku Hagoogta ma la’nahay.

Ma la’nahay mid u Gargaara Hooyadaas mar kasta la qaxinaayo ee Ilmaha qaar na dhabta ku sidda qaar na xanbaarsan, Qaar kalena gacanta haysa ee ooyeysa !!! ee leh

( Yaa Muctasamaah ) !!! Aaway Wadaadadii Diinta noogu Yeeri JIray, aaway Wax garadkii ,Aaaway Duqowdii, Aaway Islaanki,waberkii,Suldaankii, Ugaaskii,Imaamkii, Islaawgii,Malaaqii Aaway Aaway Aaway Awaay Aaway Aaway Aaway Aaway Aaway….

ilko Doofaar La Sahansay !!!!
Waxay Soomaalidu ku maahmaahaan maahmaahyo Xayawaaneyd waxaanna ka mid ah middaan ooy yiraahdaan ( ILKO DOOFAAR LA SAHANSAY ) !!!!
Waabaa waxaa la yiri Libaax baa wuxuu ka cabsan jiray Doofaar oo uu siiba Ilkihiisa Qoofalan uu ka cabsan jiray haddii ay daf is Dhahaan in uu ku mudo ama ka taago.

Markaas buu Libaaxu ka cabsan jiray Doofaarka maalin Danbe ayaa Libaax Gool ah ( naag ah ) oo gaajeysan oo Dhawr maalmood waxba Cunin isku sii deysay Doofaar Tamashleynaaya markaas buu Doofaarkii baqday oo cararay markaas bay intay ka daba tagtay Qoorta ku Dhagtay oo Biriq ka siisay oo Cuntay !!!! Maalintaas kadib Libaaxyaddii oo Dhan baa isku Sheegay oo yiri Wallee Ilko Doofaar la sahansay oo micnaheedu tahay mar danbe kama Baqano ileen waxba kuma tirree !!!!
Haddaba Akhristoow Shabaab waxay Seddex Sano Tamashleeyaanba wallee maanta waa la Sahansaday Ruuxii soo Gaaraaba ha iska Durduurto Wallow Amison ba ku tahay ileen Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ahlu suno mug hore ayey Foodda Galin waayeene.

Maalmahaan waxaan badatay in jihaadkii ay wadeen AL-shabaab uu noqday mid lagu kalo cararo markay Ethiopia meel soo gasho AL-Shabaab dabadeey Roganaayaan !!!!

Ciidamada Ethiopia waxay Qabsadeen magallada baladweyn oo muddo seddex sano ah ay ku amarku taagleynaayeen AL-sahabaab,kadibna waxay soo jibaaxeen Magaallada Luuq Ganaane ooy Qabsadeenm dagaal la,aan ,Haddana yurkud iyo Berdaale ilaa ay u suuragashay feb,22 Baydhabo janaay .

Akhristoow taas waxaad ku dartaa Maxaas iyo Ceel buur oo orodkii laga bilaabay aan la istaagin ilaa Moqokori.

Ma sidaan bay Shabaab u jilicsanaayeen,Aaway Jihaadkii aaway jannadii Aaawy. Aaaway Xuural ceyntii 70 tanka aheyd, fool xumaa Nin Buuran oo garweyn oo Gabar Tigree ah ka cararaaya maxaa ka qosol badan Nin Buuran oo garweyn oo kabtii ka go,day asagoo ordaaya oo cabsanaaya !!! Maxaan ku fasiri kareynaa ka baqashaha maalinta weyn ee Ciidamadu is hor Fadhiyaan waa Gaalo iyo Muslimiin Ninkii Musdlim ah ee carara muxuu Abaal marin ah ee uu leeyahay waa Danbi ka mid ah Dunuubta Kabaa’irta ah ee Toddobada ah Haddii Gabar tigree ah laga Cararana Danbigu waa Laba laab !!!!
(
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ إِذَا لَقِيتُمُ الَّذِينَ كَفَرُواْ زَحْفاً فَلاَ تُوَلُّوهُمُ الْأَدْبَارَ )

Allaah wuxuu leeyahy kuwa Allaah iyo Rasuulkiisa Rumeeyayoow Haddii aad gaalada la kulantaan adinkoo isku soo dhawaanin ha cararina oo ha sii Jeesanina adinka oo cabsanaaya !!!!
O ye who believe! when ye meet the Unbelievers in hostile array, never turn your backs to them. (
( وَمَن يُوَلِّهِمْ يَوْمَئِذٍ دُبُرَهُ إِلاَّ مُتَحَرِّفاً لِّقِتَالٍ أَوْ مُتَحَيِّزاً إِلَى فِئَةٍ فَقَدْ بَاءَ بِغَضَبٍ مِّنَ اللّهِ وَمَأْوَاهُ جَهَنَّمُ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ

Ruuxii Maalintaas Jeesta Nin dagaalka Xeeladeysanaaya mooyee ama Qolo kale oo Muslimiin ah dhan ay ka jiraan u cararaaya mooyee Ruuxaasi Carro Alle ayuu la soo noqday Makaan nagaashihiisuna waa jahanamo waxaan baas yeeshay meel loo noqdo oo jahanamo ah.

If any do turn his back to them on such a day – unless it be in a stratagem of war, or to retreat to a troop (of his own)- he draws on himself the wrath of Allah, and his abode is Hell,- an evil refuge (indeed) !!!!.

Haddaba Akhristoow Shabaab Kimistarina Diide ,UN- nna warkeedaba Daa Ak 47 na Ninkii Sameeyey uma Mahad celinayaa in kastoow Jecel yihiin Hubka Dadka Gumaada.


Anigaa Diloo Daleeleeyeey !!!!

Waxaa laga sheegay Sayid mohamed Cabdille Xasan in uu ugu Danbeyntii yiri: ( Anigaa Dilay oo daleeleeyee Xaggee Muslim uga Dugaalaa ) !!!
Maanta waan Dhageysanay Shiikh xasan daahir oo leh Shabaaboow Kaligii Muslimiin ma tihidin ee waxaa tihiin Qeyb Muslimiinta ka mid ah, Horaa looga diiday Akhwaanul Muslimiin iyo Xarakadii Shiikh Mohamed Cabdi wahaab oo waliba dawlad ayidda heshay, ayaa noqon waayey Jamaacatul Muslimiin ee waxay ahaayeen jamaacah minal Muslimiin.

Wuxuu kaloo yiri Handadaada iyo caga jugleynta aan deyno waa tii Kali taliyihii Siyaad barre oo kaleeto nagu sameeyey .

Shiikh xasan Daahir waxuu ka dhawaajiyey wixii Culumadii Saaxiibadiis ahaa ay sanooyin kula doodaayeen in aan muslimiinta aan ta’wiil khaldan lagu leynin ee Muslimiinta loo turo.

Qaraxii Tiyaatarka !!!!

Bal Akhristoow ka waran Gabdhihii baa Qarax loo soo dhiibayaa mid horaa Dishay wasiirkii Amniga oo Adeerna u ahaa Abtina u ahaa , bal ka waran xaqdarada walid caasiga ah ee intaas le’eg.
Akhristoow 10 Qof ayaa maanta ku dhimatay Qaraxii Tiyaatarka, sababtey ku dhinteen maxayse gabadhu isku dishay ???.
( Allaah wuxuu leeyahay war Naftiina ha dilina Maxaa yeelay Allaah wuxuu ahaaday mid idiibn Naxariista ) 4:29 (
وَلاَ تَقْتُلُواْ أَنفُسَكُمْ إِنَّ اللّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا)

Waxaan Maqaalkeyga ku soo gabagabeynayaa Ohiintii Abuu Mansuur AL-Amriiki oo Duubay Jacel oo ku leeyahay haddii la i Dilo Shabaab ayaa i Dilay ee Ururka AL-Qaacidoow i ogaada Mise Tolow wuxuu u Baaqayaa CIA oo uu u Shaqeynaayey !!!!

Jecliyaa in la jabo jecliyaa Maxaa Hooyo Soomaaliyeed Wiilkeeda lagu
horgowracay !!! Maanta xaalku waa intee ka baxaa meel Allaah miyaa !!!!

Maxaa Caawa xalay uga eg Abuu Mansuur AL-Amriiki ayaa ooyaaya Tolow Godane xaggee Galay Abuu Mansuur Roobowna ma Beer falow ayuu bilaabay !!!! Awraad baa i kadisee owka Aadaala aadaa !!!!

ILAAHOOW NA HANUUNI

Shiikh Saahid mohamed yusuf
USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com.
AL-Mutakhasis fil Xarakaat AL-Islaamiyah

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " AL-Shabaab iyo Kimistari (Chemistary) !!!!! "

  1. Shiikh Saahid
    scwxwb:
    Mohamed Deeq Iyo Somaliweyn aad baad u Mahadsantihiin positive comment, wallow Somaliweyn uu labo aan is qaadin isku qabtay ( Qoraagu asagoo logic adeegsanaaya maca dalill buu wax naqdiyaa Iyo oraahda kale , ee waan idinla qabaa xoogaa Maqaalkiisu ma dheelitirna ) !!!.
    Haddii aan u soo noqdo Hassan asagoo waliba sheegtay in uu wiil yar ahaa waqtigii Bilowga Saxwada ayaan u sheegayaa in aan ka mid ahaa Aasaasayaashii Saxwada oo sida uu Wallaalkay Shiikh C/rmaan Shiikh Cumar ku sheegay Maqaalkiisa Uurdoox aan waliba raacay dhanka Al-takfiir markii la kala qeybsamay, inshallaah haddii uusan Wallaalkay dhankaas Takfiirka ka hadlin aniga ayaa 13 Sano ka tirsanaa oo ka hadli doona Inshallaah .
    Qoslaaye shabaab Waxba iga sameynin oo Allaah baa berri Iyo Bad na Dhex dhigay se waxaan ujeedaa in Khalad aan 30 Sano ka hor galay in ay ku jiraan, taas baan ka waaninayaa oo leeyahay Dadka muslimiinta ka Leexda oo ha gaaleysinina sideenii.
    Allaah baa mahad leh in aysan waagaas oon yaraa aysan na dhihin Dadka Soomaaliya laaya ama qarxiya waan qarxiya lahayn.
    Somaliweyn waan ku raacsanahay in aan Cinwaano soo jiidasho leh soo qaato oo uu ku tilmaamay funny se waxaan isku dayaa in aan Sharxo Cinwaanadeyda ama aan dul fariisiyo
    Ujeedada Maqaalkayga ee aanan meel cidlo ah uga tagin, taas waxay ku timid Anigoo ka mid ahaa Macallimiintii Lafoole, sidaas baan u keenay oraahda ah ( Sharaxa Cinwaanka ).
    Waa inoo Maqaallo kale oo xiiso leh Inshallaah.

  2. Scwxwb :

    Shiikh Saahid says:
    Your comment is awaiting moderation.
    Thursday, April 19, 2012 at 9:16 pm
    scwxwb:
    Mohamed Deeq Iyo Somaliweyn aad baad u Mahadsantihiin positive comment, wallow Somaliweyn uu labo aan is qaadin isku qabtay ( Qoraagu asagoo logic adeegsanaaya maca dalill buu wax naqdiyaa Iyo oraahda kale ee waan idinla qabaa xoogaa Maqaalkiisu ma dheelitirna ) !!!.
    Haddii aan u soo noqdo Hassan asagoo waliba sheegtay in uu wiil yar ahaa waqtigii Bilowga Saxwada ayaan u sheegayaa in aan ka mid ahaa Aasaasayaashii Saxwada oo sida uu Wallaalkay Shiikh C/raxman Shiikh Cumar , Aniga Iyo Wallaalkayna waxaan kala raacnay

  3. Saahid Iga Gaarsiiya – Shabaab ineey Twitterka isticmaalaan lana yiraa HMSH PRESS , ineey Idaacad Al-Andulus oo Muqdisho ilaa Galgaduud laga dhagaysto leeyihiin , in TV Al-Kataaib u gaara oo Muuqaaladooda soo aruuriya leeyihiin ?

    Saadihoow ma taagna arintu shabaab wax haka sheegin , lkn MA indhahaa is tiree ? Aayado Quraan ah ayaa soo daliishanaysa , magac sheekhna waa watadaa , lkn akhi Jazaakallaah QORAALKAAGA dib u aqri , haddaa shabaab ku carooto maahan inaa waxaad doonto soo qorto somalitalk kusoo dirto.

  4. farah says:

    ha,ha,ha, qofka maqaalkaan qoray wuxuu meel ayuu ugu dhacay (SHEEKH) maxaa yeelay sheekh sidaas uma hadlo hadii qof walba title uusan lahayn sheegto sida dr.eng.pro.etc. sow dadkii lahaa title hadhow madhacayso inaan la dhagaysan waxaa meeshaas kaaga cad inuusan sheekh ahayn uuna u hadlay sidii fadhi kudirika xitaa hadaad wax sheegayso in yar ayaa layskula haraa.

    dagaalkii sidiisa waa tactic oo hadaba siduu yahay ayaa loogalaa ha.ha.ha. shabaab aa itoobiyaan ka cararay horaa loo yiri ee wax cusub la imow taas 3 years ka hor ayay socon weyday war ilawsha dhowidaa ma umulaa kii u dambeeyey ee bardaale baydhabo wabxo. ciidamdii kenyaatiga meeshay dhaafi la yihiin waad u jeedaa amisona waana la soconaa mise iyagaa kuwaasi waa muslim kuuma xisaabsana .sh.xassan dahir ilaahay ha dhowree fikradiisa xor ayuu u yahay shabaabna waa xasan . xasana waa shabaab

  5. Somaliweyn says:

    Horta SH. Zaahid waa funny, aniga qoraaladiisa waan fuuraa markaan akhrinaayo, midse ogaada qof walba hab uu wax u soo gudbiyo ayuu leeyahay, isaga habkiisa waa hab shactiro leh, habka dhalinyaradu wax ku fahmi karto, i remember markaan ciyaal iskuulka ahaa macallinka sida funny-ga wax u soo bandhiga iyo macallinka xirxiran waan kala jeclayn, kan shactirada badan aad baa loogu xiisaa.

    Midda kale, qoraagu isagoo logic adeegsanaya maca dalaa’il buu wax naqdiyaa plus naceybka uu shabaab u qabo, aniga hadaan ahaan lahaa intaan ka badan baan shabaab caayi lahaa, marka sheekha ha ku xadgudbina, lakin waan idinla qabaa xoogaa qoraalkiisa ma dheelitirna, xikmad baa dhahda, don’t shout loudly but improve your quality of argument, marka aad xanaaqdo ma fiicna inaad iska caooto lakin si saliim ah oo proof leh waa inaad u soo bandhigtaa doodaada.

    Mida kale ceeb ka weyn miyaa jirta yuhuddii madmadoobayd i mean itoobiyaanka in shabaabku ka cararaan, kaba sii darane hadday gabdho yihiin, bil caksina ay ku dhiirranyihiin inay la diriraan ciidamada dowlada iyo kuwa ahlu sunna, waa sheekadii aabbe iga celi midka yar kan weyn anaa ku filane kkkkkkkkk, shabaab xaalkoodu marna waa qosol iyo qaraaxo iyo marna qarracan iyo qoomamo, xaalka guud ee somaaliyana waa la mid marna waa maadays marna waa murugo.

    Rabbi Sallim…

  6. qoslaaye says:

    waxaan layaabay ninkan shabaab shaqada ka dhigtay horta sheekhan wax kalo makasaayo miyaa maalin kasta shabaab buu noo soo qoraa mase way soo karbaasheen aniga waan yaabay akhyaarey ruuxii iga jaahil bixin karo ha iga jaahil bixiyo ruux halmowduuc markasta wada oon wax kale ka hadlaynin

  7. Mohamed Deeq says:

    Asc, Hassan Ali hadii aan wax yar isku dayo inaan ku qanciyo.
    Saahid maaha cida maxmad bin cabdul wahaab soo hadal qaday ee hadlii xasan dahir ee uu soo guuriyay, mida Jihadka shabaabna cararka ay cararen waxa uu ula jedaa sida aan aniga ufhamay ” hadii waxa ay wadaan Jihaad diini ah yahay maxay ucararayaan sow carar jihaada danbi ma ahayn”. hadaba shabaab waa qaldayihiin adaa qiraya ninka wax qorana waa qaldami karaye bal adna is hubi qabkaad u aqrisay inuu qaldanaa.. ama adoo facebook mashquul ku aad sadaro badan kabooday…. Saahid waxyaabo badan ayuu sadaro kooban ku qoray. Bani adamna wa qaldami karayaa… mahadsanidin

  8. buhoodleman says:

    car yaa zaahid maqaaladiisa akhriya oo aan qoslin
    is cajabintiisa ayaan aad uga helay: ustaad zaahid oo mutakhasis ku ah xarakaadka islaamiga ah gaar ahaan shabaab”laakiin ustaad zaahid shabaab oo twiter iyo facebook isticmaalaya ayaa la arkay internetkana webab aad u badan bay ku leeyihiin ,mobile da iyo laptobyadana waa wada sitaan ninyahow shabaab ma wax kuu gaar ah oo aanay soomaali ku samayn bay kuu gaysteen
    dhinaca xasan daahir waxaan u arkaa inay arin fiican tahay inuu afkaartiisa muraajaco ku sameeyo waana shay ijaabi ah inuu qofku nolosha duruus iyo khibrad ka qaato,midda kale buufiskii mar haduu shiikh al islaam maxamed ibn cabdiwahaab kula galay waa fogaaday waxaan ka baqayaa inaad mar dhaw mahidiga nooga soo waranto kkkkk laakiin mid baan kaa codsanayaa fadlan bal isku day inaad mar kale akhrido maqaaladaada markaad post garayso ka dib si aad u ogaato dhibaatada iyo jahawareeka maqaaladaada waxaan sugnaaba waa maqaalkaaga dambe oo aan rajaynayo inuu noqdo al shabaab iyo psychiateric

  9. Shiikh Sahid says:

    Swwxwb:
    Wallaal Hassan SC Haddii aan ka jawaabo Su’aasha kaliyah aad I weydiisay oo ah Shabaab Jihaadba ma wadaani maxaad Aayadda Suuratul Anfaal Waciidka ugu Daliilsaneysaa ? Taas ayaad maqaalka oo dhanba aad u caysay oo shiikhnimadeydana meel Uga dhacday !!! Hasanow hadalka xubintiisa ma taqaanid saaxiib, maxaayeelay Anigu iska ma hadlin ee ayaga ayaan ka hadlay ?!!! Hasanow sow ayaga ma laha Jihaad baan ku jirnaa ,kolka Ruux Jihaad ku jiraayi ma cararaa ?!!! Haddaba Biyo dhacaaga waan garanayaa waxaad ka xanaaqday Ninka buuran ee Gabadha tigreega ah ka cararay??.
    Haddaba ogoow Ciidamada Xabashida Gabdho ayaa ka tirsan waliba tigree ah , in Nin Jihaad sheeganayaa ka cararaa ma haboona , Haddii aad kala taqaano umuuraha sida ay u kala awliyeysan yihiina ma aadan tiraahdeen daliil ma u Haysaa in uu ka danbi weyn yahay? Maxaayeelay Daliilkaas waxaa la yiraahdaa ( Daliil Caqli ah ) !!!!!
    Gabagabadii Ninka buuran ee Gabadha ka cararaaya ha u xanaaqin ee Muslimiinta la t ee Maalin kasta la gumaadaaya u jiir nax Anigu kuwaas ayaan daafacaa.
    Dadka Shabaabka ah ee Maqaaladeydu dhibayaana waa uriyaa ee sidaas ula soco .
    Maxaa Caawa Xalay Uga eg Nin shabaab ah oo is qarinaaya ???? Scwxwb

  10. Hassn Ali says:

    Asc salaan ka dib sheekh shaahid ninka sheegtoow akhii sheekhna waad sheeganeesaa waxa aad qoreysidna ma qoraan caamada. Lama diidana in aad wax ka sheegto shabaab lkn ogaaw anaga akhristayaasha ahna tixgelin aan kaa mudanahay maahan inaad sidaad rabto wax u qortid. Mar ayaad na leedhaya shabaab io shaafici wax macquul ahna ma qorin. Akhii Shabaab inay qaldan tahay lama diidana lkn ogaw adigana hab qoraalkaaga qaldan. Si cilmiyeesan wax u raddi sida culiumada maahan. Mar waxaad leedahay shabaab jihaad ma wadaan waxaad u daliilsaneesaa inay jihadka ka carareen oo waciidka aayada ku rumoobayo. Waa yaab jihad maba wadaanee maxaa aayada ka galay? Midda kale maxaa daliil u heesayaa haddii gabar tigre laga cararo in ciqaabka laba jibaarmaayo mase araktay gabar askari ah oo tigreey? Akhii waa iga dardaaran qoraaladaada ha ahaadaan kuwa cilmiyeesan oo wax laga faa,iido karo.