Home » Warar »

Madaxweyne Shiikh Shariif oo Dadaal ugu jira sidii uu Taageero ugu Raadin lahaa Odoyaasha Dhaqanka ee Soo Xulaya Xubnaha Baarlamaanka

Madaxweynaha Dawladda ku Meel Gaarka Soomaaliya Shiikh Shariif ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho kula kulmay waxgarad iyo Odoyaal Dhaqameed ka soo jeeda Beelaha digil iyo Mirifle.Kulankan uu Madaxweynaha la yeeshay odoyaashaas ayaa ahaa mid looga hadlay guud ahaan sidii dalka Soomaaliya Nabad loogu soo dabaali lahaa gaar ahaana Gobolada ay Odoyaashaasi ka soo jeedaan.

Shariif ayaa xusay in nabaddu ay aas aas u tahay horumarka dal walba uu gaarayo sidaa darteedna Odoyaashan looga baahan yahay in ay ciyaaraan doorkooda kaga aadan. Madaxweyne Shariif ayaa soo hadal qaaday dadaal ay iminka Xukuumaddiisu ka wado Gobolada Bay iyo Bakool oo uu sheegey in iminka ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha barlamaanka ku meel gaarka Soomaaliya kuwaasoo uu sheegey in ay ka shaqaynayaan sidii loo wanaajin lahaa Xaaladda amni ee Goboladaas.

Madaxweynaha ayaa ku celiyay in Odoyaasha laga doonayo inay qayb libaaxle ay ka ciyaaraan sidii loo nabadeyn lahaa Soomaaliya oo dhan isla markaana loo dhamayn lahaa colaadda.Kulankan Madaxweynaha uu la qaatay odoyaashaas ayaa dadka qaar waxa ay ku macneynayeen inuu yahay mid u sii gogal xaaraya sidii Odoyaasha Dhaqanku ay u soo xuli lahaayeen Xildhibaanadii meteli lahaa beelaha Soomaaliyeed marka uu dhamaado Xilliga Barlamanka xiligan jira oo ay ugu egtahay bisha Ogosto ee sanadkan.

kulankan ayaa waxa uu imaanayaa xilli Gobolada Bay iyo Bakool qaybo ka mid ah ay ka socnayaan Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dawladda oo garabsanaya kuwa itoobiya iyo ahlu sunna iyo Xarakada Shabaab sidoo kale kulankaan ayaa ku soo beegmey Xilli olole loogu jiro Tartanka Doorashada Madaxweyninimo ee dhacay Sannadkaan iyadoo Masuuliyiinta ugu sareysa ay dadaal ugu jiraan sidii Odoyaasha Dhaqanka ay u soo xuli lahaayeen Xildhibaano iyaga Taageersan kuwaas Matelaya Golaha Baarlamaanka dooranaya Gudoomiye Baarlamaan iyo Madaxweynaha .

W/D Amin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.