Home » Warar »

Xildhibaan Mowliid Macaani oo u geeriyoodey dhaawacii ka soo gaarey Qaraxii Tiyaaterka Muqdisho

Sidoo kale waxaa Magaalada Nairobi ku geeriyoodey Masuul ka tirsan Xafiiska Raiisul Wasaaraha oo lagu Magacaabo faysal Xaaji Cilmi oo dhaawac ka soo gaarey Qaraxii Tiyaaterka

Xildhibaan Mowliid Macaani oo ka mid ahaa dadkii dhawaan qaraxii ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaalada ku dhaawacmay ayaa Xalay dhaawacaas dartiisa ugu geeryooday Isbitaal ku yaala Magaalada Nayroobi ee Carriga Kiinya. Geerida Xildhibaanka ayaa waxaa Xaqiijiyay Madoobe Nuunow Maxaled oo xildhibaanada qaar ay dhawaan u doorteen af hayeenka barlmanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Madoobe ayaa sheegey in Mawliid Macaani uu ka mid ahaa dadkii sida ugu xun ugu dhaawacmay Qaraxii Tiyaatarka ha yeeshee dhawiciisa oo darnaa aawgeed Shalay Diyaarad Khaas ah ay ka qaadday Magaalada Muqdisho. Madoobe Nuunoow ayaa sheegey in markii Mowliid laga dejiyay garoonka diyaaradaha Nayroobi in ay la soo xiriireen dadkii la socdey una sheegeen in Xaaladdiisu ay aad uga sii dartay isagoona intaa raaciyay in si weyn ay ugu gurmadeen xildhibanada ku sugan magaalada Nayroobi iyo safaaradda Soomaalida ee Magaaladaas. Mowliid Macaani ayaa xalay ku geeryooday Isbitaal ku yaala magaalada Nayroobi sida uu war baahinta u sheegey Madoobe Nuunoow oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaankaas. Mowliid Macaani ayaa waxaa uu ka tirsanaa barlamaanka Soomaaliya isagoona horey xukuumadihii dalka soo marayay Jagooyin kala duwan ka soo qabtay.

Mowliid ayaa lagu xasuustaa hadalo ad adag marka ay timaaddo dood barlmaanka dhexdiisa ah isagoona haatan ka tirsanaa xildhibaanadii sheegey in ay xilklii ka qaadeen Shariif Xasam Shiikh Aadan. Mowliid Macaani ayaa manta lagu aasey Magaalada Nairobi, waxaana aaska ka qaybgaley Xildhibaano ,Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya iyo Masuuliyiinka ka tirsan Wadanka Kenya iyo Dadweyne aad u fara badan oiyo Ehelada Marxuum Mowliid Macaani

Sidoo kale waxaa Magaalada Nairobi ku geeriyoodey Masuul ka tirsan Xafiiska Raiisul Wasaaraha oo lagu Magacaabo faysal Xaaji Cilmi oo isna ka mid ahaa Dadkii ku waxyeeloobey Qaraxii ka dhacay Tiyaaterka waxaana ka hadley Geeridfa Sarkaalkaan Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo sheegey in Faysal uu ahaa Xubiin aad u firfircoon wuxuuna tacsi u direy qoyska reer Xaaji Cilmi wuxuu si gaar ah tacsi ugu direy Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo ay Walaalo ahaayeen Faysal , iyadoo dad kale oo iyana ku dhaawacmey Qaraxaasi ay weli ku ildaran yihiin Isbitaalada Magaalada Muqdisho kuwaas oo u badan Wariyayaal iyo Fanaanin inkastoo Dowladda Federaalka ay sheegtey in ay dadkaas u fidineyso Daryeel Caafimaad oo dibadeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.